Biblia Todo Logo
Bìoball air-loidhne

- Sanasan -

1 Tesaloniika 4 - Ereyga Illaahey Axdiga Cusub


U noolow inaad Illaahey ka farxiso

1 Ugu dambeyntii walaalayaalow waxaan magaca Sayid Ciise idin ku dhiirigelineynaa inaad ku noolaataan nolol Illaahey ka farxisa, sida aan horey idiin barnay. Sida aad hadda ugu nooshihiin, waxaanna idin ku dhiirigelineynaa inaad sidaas iyo in ka badanba aad ku sii wadaan.

2 Waayo waad ogtihiin waxaan idin barnay anaga oo isticmaaleyna xoogga Sayid Ciise.

3 Waa doonista Illaahey inaad quduus ahaataan, sidaa darteed ka fogaada dembiga sinada oo dhan.

4 Si mid walba uu jirkiisa u ilaaliyo oona ugu noolaado nolol quduus ah oo sharaf leh.

5 Ma aha mid damac leh sida dadka aan Illaahey garaneyn.

6 Sidaa darteed qofna yuusan xumeynin ama ka faa’iideysanin walaalaha. Illaahey wuu ciqaabi doonaa kuwa demibigaan oo kale sameeya, sida aan idiin sheegnay oo aan weliba idin kaga dignay.

7 Waayo Illaahey nooguma yeerin wasakhnimo, laakiin wuxuu noogu yeeray inaan ku noolaanno nolol quduus ah.

8 Sidaa darteed qof walboo diida inuu ku noolaado amaradaan ma diidin binu aadanka laakiin wuxuu diiday Illaahey, kan Ruuxiisa Quduuska ah bixiya.

9 Haddaba wax ku saabsan jaceylka aad isu qabtaan uma baahno inaan wax ka qorno, waayo idinkaba Illaahey ayaa idin baray sida aad isu jeclaan lahaydeen.

10 Xitaa, mar hore ayaad muujiseen jaceylka aad u qabtaan walaalaha Makedoniya jooga oo dhan. Walaalayaalow waxaan idin ku dhiirigelineynaa inaad sidaas in ka badan u jeclaataan.

11 Ku dadaala inaad ku noolaataan nolol degan, idinka oo shuquladiina ku mashquulaya oona gacantiina ku shaqeysanaya, sida aan idiin sheegnay.

12 Kadibna dadka aan masiixiyiinta ahayn wey xushmeyn doonaan sida aad u nooshihiin, mana u baahan doontaan inaad dad kale ku tiirsanaataan.


Walaalihii horay u dhintay

13 Walaalayaalow, ma dooneyno in eydan wax ka ogaanin kuwa dhintay, si eydan ugu murugoonin sida dadka aan rajada lahayn oo kale.

14 Waayo waxaan aaminsanahay inuu Ciise dhintay oo uu dhimashada kasoo sarakacay, sidaa darteed waxaan aaminsannahay Illaahey inuu kuwii dhintay iyagoo aaminsan Ciise lala keeni doono isaga.

15 Sida ereyga Rabbigu sheegayo, waxaan idin leenahay anaga oo weli nool, Rabbigu markii uu soo laabto kuwii dhintay nagama hor arki doono.

16 Waayo Sayidku wuxuu ka imaan doonaa samada isaga oo amar cod weyn ku bixinaya, oona leh codkii malaa’igta sare iyo buunkii Illaahey. Masiixiyiintii dhinteen ayaa marka hore dhimashada kasoo sarakici doonaan.

17 Kadibna anagan nool oo weli aduunka joogno ayaa si wadajir ah kuwii dhimashada kasoo sarakacay ula wada gali doonnaa daruurta si aan ula kulanno Rabbiga. Kadibna Rabbiga ayaan weligeen la joogi doonaa.

18 Sidaa darteed ereyadan isku dhiirigeliya.

Kitaabka Quduuska Ah: Ereyga Illaahey™ Axdiga Cusub

Daabacaadan anaga ayaa leh © 2024 waxaa soo saaray Biblica, Inc.

Waxaa lagu isticmaalay ogolaasho.

Xaqeeda oo dhanna waa la xaafiday meel walba oo aduunka ka tirsan.

Somali Contemporary Bible™ New Testament

Copyright © 2024 by Biblica, Inc.

Used with permission. All rights reserved worldwide.

Biblica, Inc.
Lean sinn:



Sanasan