1 Tesaloniika 3 - Ereyga Illaahey Axdiga Cusub1 Sidaa darteed markaan u adkeysan weynay ayaan go’aansanay inaan kaligeen ku harno magaalada Ateenay. 2 Waxaana idiin soo dirnay Timoteyos oo ah walaalkeen iyo kan aan shaqada Illaahey wada hayno taas oo ah faafinta injiilka Masiixa, si uu idiin adkeeyo oo idin ku dhiirigeliyo iimaankiina. 3 Oo idin ka ilaaliyo iney dhibaatooyinka aad mareysaan ey idin kasoo celinin iimaankiina. Laakiin ogaada in na loo qoray dhibaatooyinkaan oo kale. 4 Xitaa markaan idin la joognay waxaan idiin sheegi jirnay in na la silcin doono. Sidaas ayeyna ahaatay, sida aad u ogtihiin. 5 Sababtaas darteed ayaan markaan u adkeysan waayay ayaan u soo diray Timoteyos inuu soo ogaado waxa ku saabsan iimaankiina. Waxaan ka cabsaday inuu kan wax jarribo uu idin jarribay oo shaqadeenu ey micno la’aan noqoto. Warbixinta dhiirigelinta ah ee Timoteyos 6 Haddaba waxaa noo imaaday Timoteyos, wuxuuna noo keenay war wanaagsan ee ku saabsan iimaankiina iyo jaceylkiina. Wuxuuna yiri inaad mar walba farxad nagu xusuusataan oo aad u xiistaan inaad na aragtaan sida aan anaguba ugu xiisnay inaan idin aragno. 7 Sidaa darteed walaalayaalow, dhibaatada iyo silaca aan ku jirno waad na dhiirigeliseen waayo waxaad ku adkaateen iimaankiina. 8 Taasi waxey na siisaa nolol cusub anaga oo og inaad ku xoogeysateen xagga Rabbiga. 9 Sidee ayaan Illaahey ugu mahadcelinaa idinka dartiin! Waayo dartiin ayaan farxad weyn u leenahay markaan hor joogno Illaahey. 10 Habeen iyo maalin ayaan aad idiin kugu duceynaa si aan idiin aragno oo aan idiin barno waxyaalaha ka maqan iimaankiina. 11 Haddaba Illaaheena Aabaha ah iyo Sayidkeena Ciise ha noo furo wado aan idiin kugu imaanno. 12 Waxaan idiin baryayaa in Rabbigu jaceylka aad isku qabtaan badiyo oona koriyo, sida jaceylka aan idiin qabno uu yahay. 13 Waxaan idiin kugu duceyneynaa inuu Rabbigeena Ciise uu qalbigiina xoogeeyo si aad Illaaha Aabaha ah hortiisa ugu noqotaan kuwa aan eed lahayn oona ah quduus markii Sayidkeena Ciise Masiix uu la soo laabto dadkiisa quduuska ah. |
Kitaabka Quduuska Ah: Ereyga Illaahey™ Axdiga Cusub
Daabacaadan anaga ayaa leh © 2024 waxaa soo saaray Biblica, Inc.
Waxaa lagu isticmaalay ogolaasho.
Xaqeeda oo dhanna waa la xaafiday meel walba oo aduunka ka tirsan.
Somali Contemporary Bible™ New Testament
Copyright © 2024 by Biblica, Inc.
Used with permission. All rights reserved worldwide.
Biblica, Inc.