Biblia Todo Logo
Bìoball air-loidhne

- Sanasan -

1 Tesaloniika 2 - Ereyga Illaahey Axdiga Cusub


Bawlos wuxuu xusuustay booqashadiisa

1 Walaalayaalow waad ogtihiin in booqashadeenu eysan ahayn micno la’aan.

2 Waad ogtihiin sida xun ee naloola dhaqmay markaan joognay Filiboy intaan idiin imaanin ka hor aad ayaan xagga ugu silacnay. Laakiin Illaaheena wuxuu na siiyay dhiiranaan aan idin kugu wacdino injiilka si geesinimo ah, anaga oo dad badan naga soo horjeeda.

3 Sidaa darteed codsigeenu kama imaanin qalad, ama niyad xun ama khiyaano.

4 Waayo anagu waxaan u hadalnaa sida wargeeyayaal Illaahey aqbalay kuna aaminay injiilka. Ujeedadeenu waa inaan ka farxino Illaahey laakiin ma aha binu aadan. Isaga kaliya ayaa imtixaama fikradaha qalbiyadeena ku jira.

5 Waad ogtihiin in aanan weligeen hadal sasabasho ah isticmaalin. Illaahey ayaa noo marqaati ah anagu in aanan iska yeelyeelin si aan saaxiibadiin u noqono si aan lacagtiina u helno darteed.

6 Anagu ammaan kama sugeynin dadka, idinka iyo qof waliba, inkastoo aan rasuullada Masiixa ahaan xaq idin kugu lahayn inaan wax idin weydiisano.

7 Inkastoo aan wax idin ka dalban lahayn anagoo ah rasuulladii Masiixa. Laakiin dhexdiina waxaan ku ahayn kuwa dabacsan. Sida hooyadu ey dabacsanaan ilmaheeda ugu daryeeleyso,

8 sidaa oo kale ayaan idiin daryeelnaa. Waayo aad ayaan idiin jecel nahay, waxaan ku faraxsannahay in aanan idin la wadaagin injiilka Illaahey oo kaliya laakiin sidoo kale aan idinla wadaagnay nolosheena.

9 Walaalayaalow, runtii waad xusuusataan sida aan dhib iyo daal ugu shaqeysaneynay, habeen iyo maalin ayaan shaqeyneynay si aanan culeys qofna ugu ahaanin markaan idiin wacdineyno injiilka Illaahey.

10 Marqaati ayaad noo tihiin, sidoo kalana Illaahey, waxaan idin la dhaqannay si quduusnimo, xaqnimo iyo eed la’aan ah. Waxaan dhex joogay idinka rumeystay.

11 Waayo waad ogtihiin inaan idin la dhaqannay sida aabuhu uu ula dhaqmo caruurtiisa.

12 Anaga oo idin dhiirigelineynaa, idin qalbi qaboojinayna oo rabna inaad ku noolaataan nolol Illaahey u qalanta, kaasoo idiin kugu yeeray boqortooyadiisa iyo ammaantiisa.

13 Mar walbana Illaahey ayaan idiin kugu mahadcelinaa waayo markaad aqbasheen ereyga Illaahey kaasoo aad naga maqasheen, uma qaadanin sida erey binu aadan ka imaaday oo kale, laakiin waxaad u qaadateen sida uu yahay kaasoo ah ereyga Illaahey. Kaasoo run ahaantii idin ka dhex shaqeynaya idinkan aaminsan.

14 Walaalayaalow idinkuna waxaad noqoteen kuwa ku dayda dadka Illaahey ee jooga Yahuudiya, kuwaasoo iimaankooda ey saarteen Ciise Masiix darteed dadkoodi u silciyeen, kuwaasoo ah Yuhuudda.

15 Iyagoo dilay Sayid Ciise iyo nebiyada oo anagana halkaas naga saaray. Illaahey ayey ka farxin waayeen oo qof walbana cadow ayey ku noqdeen.

16 Markey isku dayeen iney naga ilaaliyaan inaan u wacdino dadka aan Yuhuudda ahayn si ey u soo badbaadaan. Sidaas ayaa dembiyadooda iskugu urureen. Laakiin ugu dambeyntii carada Illaahey ayaa u timid.


Bawlos oo u xiisay inuu arko dadka Tesaloniika

17 Walaalayaalow, markii waqti yar na la kala fogeeyay kadib, inkastoo qalbiyadeenu eysan kala fogaanin, waxaan aad iskugu daynay inaan soo laabano waayo aad ayaan u rabnay inaan idin aragno.

18 Aad ayaan u rabnay inaan idiin imaanno, siiba aniga Bawlos, aad ayaan iskugu dayay, laakiin Shaydaanka ayaa iga hor istaagay.

19 Ugu dambeyntii waxaa rajo iyo farxad nasiinaya, iyo waxa aan ku faano oo ah abaalgud iyo taajkeena markaan Sayid Ciise hor istaagno goortii uu soo laabto waa idinkan.

20 Haa, waxaad tihiin ammaanteena iyo farxadeena.

Kitaabka Quduuska Ah: Ereyga Illaahey™ Axdiga Cusub

Daabacaadan anaga ayaa leh © 2024 waxaa soo saaray Biblica, Inc.

Waxaa lagu isticmaalay ogolaasho.

Xaqeeda oo dhanna waa la xaafiday meel walba oo aduunka ka tirsan.

Somali Contemporary Bible™ New Testament

Copyright © 2024 by Biblica, Inc.

Used with permission. All rights reserved worldwide.

Biblica, Inc.
Lean sinn:



Sanasan