Biblia Todo Logo
Bìoball air-loidhne

- Sanasan -

1 Korintos 9 - Ereyga Illaahey Axdiga Cusub


Xaqa rasuullada

1 Waxaan ahay qof xor ah, waxaan ahay rasuul, waxaanna arkay Sayid Ciise oo idinkana waxaan idin ku hogaamiyay inaad aamintaan isaga.

2 Xitaa haddey kuwa kale dhahaan rasuul ma tihid, runtii idinku waad ogtihiin inaan ahay. Idinka ayaa cadeyn ii ah inaan ahay rasuul Rabbi.

3 Dadku markey su’aalo i weydiiyaan waxaan ku iraahdaa,

4 anagu miyaanan xaq u lahayn inaan wax cunno oo aan wax cabno?

5 Waxaan xaq u leenahay inaan xaasaskeena safarka u kaxeysano sida rasuullada kale iyo walaalaha Rabbiga iyo Keeyfas ey sameeyaan.

6 Mise aniga iyo Barnabas oo kaliya ayaanan xaq u lahayn inaan nolosheena u shaqeysano?

7 Askartu miyey mushaharkooda isi siiyaan? Qofka canabka beerana miyuusan beertiisa ka cuneynin? Arijirraduna miyeysan arigooda caano ka cabeynin?

8 Waxyaalahan amarkeyga kuma dhahayo. Laakiin sharciga Muusana sidan ayuu dhahayaa.

9 Waayo waxaa ku qoran sharciga Muuse, “Waa in aadan dibiga afka ka xirin markii uu badarka burburinayo.” Illaahey ma wuxuu daryeelayaa dibiga oo kaliya?

10 Runtii waxyaalahan wuxuu u yiri darteen, haa tani anaga ayaa na loo qoray, waayo qof walboo beerta diyaariya iyo kan sarreenka tumaba waa iney rajeeyaan iney gurashada dadka la qeybsadaan.

11 Haddaan idin ku dhex beernay miraha ruuxda, miyay aad u badantahay haddii aan idin ka uruursano waxyaalaha maadiga ah?

12 Haddii ey rasuullada kale caawimaadan oo kale idin ka helaan, anagu miyaanan u qalmin caawimaad iyo in ka badanba? Laakiin anagu maanan isticmaalin xaqan. Runtii anagu wax walba waan u adkeysanaa si aanan u joojin warka wanaagsan ee Masiixa.

13 Miyeydan garaneyn in kuwa macbadka jooga ey ka helaan cuntadooda macbadka? Kuwa meesha allabariga ka adeegana ey cunaan waxa allabariga loo bixiyay?

14 Sidaas oo kale ayaa Rabbigu amray kuwa injiilka wacdiya iney noloshooda ka helaan injiilka.

15 Laakiin anigu ma isticmaalin xaqan. Mana qorayo waxyaalahan aniga oo rajeynaya inaad saas ii sameysaan, waayo waxaa ii roon aniga oo dhinta intuu qof iga qaadi lahaa faankaan ku qabo shaqada Illaahey.

16 Waayo markaan warka wanaagsan wacdinayo ma faano, waayo qasab ayey igu tahay inaan wacdiyo. Hoog ha ii ahaado haddaan warka wanaagsan wacdin waayo!

17 Haddaan rabitaankeyga ku wacdiyo waxaan sugayaa abaal gudkeyga, laakiin haddii eysan ahayn rabitaankeyga waxaan sameynayaa waa wax la igu aaminay.

18 Haddaba waa maxey abaal gudkeyga? Waa qanacsanaanta aan ka helo warka wanaagsan ee aan wacdinayo aniga oo aan waxba dadka ka qaadanin. Aniga oo aan weliba isticmaalin xaqii aan ku lahaa wacdinta warka wanaagsan.


Bawlos oo isticmaalay waqtigiisa

19 Inkastoo aan xor ka ahay dadkoo dhan laakiin qof walbaan iskaga dhigay adoon, si aan kuwa badan Illaahey ugu keeno.

20 Kuwa Yuhuuddana waxaan u noqday sidooda oo kale, si aan Yuhuudda ugu hogaamiyo Illaahey. Kuwa sharciga ku hoos jirana waxaan iskaga dhigay qof sharciga ku hoos jira, (inkastoo aniga aanan sharci ku hoos jirin), si aan kuwa sharciga ku hoos jirana ugu soo hogaamiyo Illaahey.

21 Kuwa aan sharciga haysaninna waxaan iskaga dhigay sida qof aan sharci lahayn (inkastoo aanan xor ka ahayn sharciga Illaahey oo aan weliba ku hoos jiro sharciga Masiixa) si aan kuwa sharciga lahayn Illaahey ugu soo hogaamiyo.

22 Kuwa daciifka ahna waxaan u noqday daciif si aan iyagana ugu keeno Illaahey. Dadkoo dhan ayaan u noqday wax walba si aan jid walba qaar ugu soo badbaadiyo.

23 Waxyaalahan oo dhan waxaan u sameynayaa warka wanaagsan dartiis, si aan barakadiisa idin la wadaago.


Is edbin

24 Miyeydan garaneyn in kuwa orodka ku tartamaa ey kuligoodba ordaan, laakiin hal qof oo kaliya ayaa abaalmarinta hela. Sidaa darteed u orod adigoo ujeedadaadu tahay in lagu abaal mariyo.

25 Dadka ordaya aad ayey u dadaalaan si ey u helaan taaj dhamaanaya, laakiin anagu waxaan u dadaaleynaa si aan u helno taajka aan weligiis dhamaaneynin.

26 Sidaa darteed anigu uma ordayo sida qof ujeedo la’aan u ordaya, umana feertamo sida mid hawada feer ku dhufanaya.

27 Jirkeyga ayaan edbiyaa si uu adoon iigu noqdo, si markaan kuwa kale u soo wacdiyo kadib aanan aniguna la ii diidin abaalmarinta.

Kitaabka Quduuska Ah: Ereyga Illaahey™ Axdiga Cusub

Daabacaadan anaga ayaa leh © 2024 waxaa soo saaray Biblica, Inc.

Waxaa lagu isticmaalay ogolaasho.

Xaqeeda oo dhanna waa la xaafiday meel walba oo aduunka ka tirsan.

Somali Contemporary Bible™ New Testament

Copyright © 2024 by Biblica, Inc.

Used with permission. All rights reserved worldwide.

Biblica, Inc.
Lean sinn:



Sanasan