1 Korintos 8 - Ereyga Illaahey Axdiga CusubCuntada sanamyada loo bixiyo 1 Haddaba haddaan ka hadlo waxa ku saabsan cuntada sanamyada loo bixiyo, “Anaga oo dhan ayaa aqoon u leh.” Laakiin aqoontu wey na kibrisaa jaceylkuna wuxuu naga dhigaa kuwo dadka kale gargaar u noqda. 2 Kuwa u maleeya iney wax badan garanayaan, waxey garanayaan ma aha sidii ey u maleeyaan. 3 Laakiin qof walboo Illaahey jecel isaga ayaa garanaya. 4 Haddaba haddii cunto sanamyada loo bixiyo, waan ognahay in, “Sanamyada aduunka yaala oo dhan eysan naf laheyn” iyo in “Hal Illaah oo kaliya uu jiro.” 5 Dadka qaarkood waxey yiraahdaan samada iyo dhulka illaahyo kale ayaa ka jira. Runtii waxaa jira illaahyo iyo sayidyo badan. 6 Laakiin anagu hal Illaah ayaan leenahay, Aabaha, kaasoo ey wax walba isaga ka yimaadeen oo aan anaguna u nool nahay. Ciise Masiixna waa Sayidkeena, kaasoo wax walba ey ka yimaadeen oo aan anaguna u nool nahay. 7 Laakiin qof walba ma garanayo aqoontan. Dadka badidoodu waxey waqti dheer soo caabudi jireen sanamyo, xitaa haddey cunaan cuntada sanamyada loo bixiyay waxey u maleeyaan iney cunayaan cunto quduus ah oo la siiyay illaaha nool ee xoogga leh. Laakiin damiirkooda daciifka ah ayaa nijaaseeyay. 8 Cuntada naguma soo dhaweyso Illaah, haddaan cuno iyo haddii kalaba waxba nagama dhimeyso. 9 Laakiin ka taxadara kuwa damiirka daciifka ah leh yeydaan dhib u geysanin, inkastoo aad leedihiin xaq aad wax walba ku cuntaan. 10 Waayo haddii uu qof damiirkiisu daciif yahay ku arko adigoo ku dhex cunaya macbadka sanamyada, adigoo weliba aqoon u leh waxyaalahan, qofkaas miyuusan cuneynin cuntadaas sanamyada loo bixiyay? 11 Sidaa awgeed aqoontaada darteed walaalaheyga Masiixu u dhintay ayaa ku lumaya. 12 Haddaad ku dembaabtid walaalkaaga damiirka daciifka ah leh, waxaad sidoo kale ku dembaabtay Masiixa. 13 Sidaa darteed haddii waxyaalaha aan cuno ey walaalaha dembi gelinayaan, weligey ma cuni doono hilib. Si aanan iyaga dembi u gelinin. |
Kitaabka Quduuska Ah: Ereyga Illaahey™ Axdiga Cusub
Daabacaadan anaga ayaa leh © 2024 waxaa soo saaray Biblica, Inc.
Waxaa lagu isticmaalay ogolaasho.
Xaqeeda oo dhanna waa la xaafiday meel walba oo aduunka ka tirsan.
Somali Contemporary Bible™ New Testament
Copyright © 2024 by Biblica, Inc.
Used with permission. All rights reserved worldwide.
Biblica, Inc.