1 Korintos 5 - Ereyga Illaahey Axdiga CusubAkhlaaq xumo kaniisadda dhexdeeda 1 Waxaan maqlay dadka oo ka hadlaya in dad idin ka mid ah ey dembiga sinada ku jiraan, waa mida ugu xun oo xitaa dadka aan Illaahey garaneyn eysan sameyn. Midkiin ayaa naagtii aabihiis haysta. 2 Weliba kibir ayaa idin ku jira! Laakiin waa inaad ka murugootaan oo aad qofka waxyaalahaas sameynaya iska dhex saartaan. 3 Waayo inkastoo aanan jir ahaan idin la joogin, laakiin ruuxdeyda wey idin la joogtaa. Oo mar hore ayaan xukumay kii waxaas sameeyay sidii inaan indin la joogo oo kale. 4 Sidaa darteed markaad iskugu timaadaan magaca Rabbigeena Ciise dartiis aniguna ruuxdeyda wey idin la jirtaa, sidoo kale xoogga Sayidkeena Ciisana wuu idin la jiraa. 5 Waa inaad ninkaas kaniisadiina ka saartaan in muddo ah oo aad u dhaaftaan Shaydaanka, si dabeecadiisa xun loo ciqaabo. Waa muhiim in dabeecadiisa dembiga u keentay la ciqaabo si maalinta uu Rabbiga dadka oo dhan xukumi doono ruuxdiisa u badbaado. 6 Kibirkiinu ma fiicna. Miyeydan ogayn in khamiir yar uu faxiyo cajiin badan? 7 Balse khamiirka hore iska nadiifiya, si aad u noqotaan kibis cusub oo khamiir la’aan ah waayo saas ayaad tihiin. Waayo Masiixa kaasoo ah wankeena Kormaridda ayaa dembigeena dartiis loo bixiyay. 8 Sidaa darteed waa inaan u dabaaldagnaa nolosha cusub ee Ciise na siiyay, inagoo kasoo tagnay dabeecadeeni hore ee xumeyd. Laakiin aan noqono kuwa daacad ah oo runta ku hadla. 9 Haddaba warqaddii aan horey idiin kugu soo qoray waxaan idin ku iri ha la saaxiibina dadka dembiga sinada sameeya. 10 Laakiin markaan warqaddaas soo qorayay kama hadleynin dadka aan mu’miniinta ahayn kuwaasoo ka qeyb qaata dembi galmo, oo hunguri weyn waxna khiyaana ahna kuwa sanamyada caabuda. Si aad iskaga ilaalisaan dadka noocaas ah waa inaad dunidan ka tagtaan. 11 Laakiin hadda waxaan idiin soo qoray warqaddan oo aan idin ku leeyahay xiriir ha la yeelanina kuwa isku sheegaya masiixiyiinta laakiin sineysta ama hunguri weynaha ah ama sanamka caabuda ama dadka caaya ama sarqaama oo khiyaanada badan. Dadkaas oo kale xitaa cunto ha la cunina. 12 Shaqadeyda ma aha inaan xukumo dadka aan xerta ahayn. Laakiin waa inaad xukuntaan kuwa idin ka mid ah ee aad isla duceysataan. 13 Dadka aan weli Ciise aaminin Illaah ayaa xukumi doona. Sidaa darteed, “Iska dhex saara qofka sharta leh.” |
Kitaabka Quduuska Ah: Ereyga Illaahey™ Axdiga Cusub
Daabacaadan anaga ayaa leh © 2024 waxaa soo saaray Biblica, Inc.
Waxaa lagu isticmaalay ogolaasho.
Xaqeeda oo dhanna waa la xaafiday meel walba oo aduunka ka tirsan.
Somali Contemporary Bible™ New Testament
Copyright © 2024 by Biblica, Inc.
Used with permission. All rights reserved worldwide.
Biblica, Inc.