1 Korintos 4 - Ereyga Illaahey Axdiga CusubDabeecada runta ah ee rasuullada 1 Waa inaad noo qaadataan adeegayaasha Masiixa kuwaasoo Illaahey soo diray si ey u baraan dadka qorshahiisa kaasoo uusan qofna weligiis u sheegin. 2 Dadka masuuliyadaan loo dhiibeyna waa iney noqdaan kuwa aamin ah. 3 Laakiin aniga muhiim ilama aha haddii aad i xukuntaan ama maxkamad laygu xukumo, waayo anigu ma is xukumo. 4 Qalbigeygu waa nadiif, laakiin taasi ma iga dhigeyso dembi la’aan. Laakiin waa Rabbiga kan i xukuma. 5 Sidaa darteed qofna ha xukumina illaa uu Sayidka kasoo laabto. Wixii qarsoon cadeyn ayuu ku soo saari doonaa, ujeedooyinka qalbiyadiinana wuu soo bandhigi doonaa. Waqtigaasna mid walba wuxuu ammaantiisa ka heli doonaa Illaahey. 6 Walaalayaalow haddaba waxaan aniga iyo Abolloos tusaale ahaan ugu soo qaatay waa inaan idin baro macnaha ereyadan, “Waa inaad qoraalka sida ku qoran raacdaan.” Waayo ma doonayo inaad ku faantaan baritaanka macalinkiina inuu baritaan kale ka fiicanyahay. 7 Waayo adiga maxaa khaas kaa dhigay? Maxaad haysataa oo aan lagu siinin? Oo haddiiba lagu siiyay maxaad ugu faaneysaa? 8 Waad heysataan waxyaalahaad dooneysaan oo dhan! Taajir ayaad tihiin! Boqorro ayaad tihiin, anagu weli boqorro ma nihin. Aad ayaan ugu farxi lahaa haddii aad si dhab ah u ahaataan boqorro xoog leh. 9 Waxaan u maleynayaa in Illaahey uu anaga rasuullada ah na siiyay booska ugu liita, sida dad lagu xukumay dhimasho dad weynaha hortooda muuqaalna u ah aduunka oo dhan, malaa’igta iyo binu aadankaba. 10 Masiixa dartiis doqon ayaan iska dhignay, laakiin Ciise wuxuu idin ka dhigay kuwa xigmad leh. Waxaan nahay kuwa daciif ah oo la nacay, laakiin idinku waxaad tihiin kuwa xoog leh lana xushmeeyo. 11 Ilaa waqtigan mararka qaar cunto iyo cabitaan nagu filan ma helno, dharkeenuna aad ayey duug u yihiin, dadkuna si xun ayey noola dhaqmaan, mana haysano guryo. 12 Gacanteena ayaan ku shaqeysanaa, dadka markey nagu qaldamaanna waan barakeynaa, markii na la ciqaabana waan adkeysanaa. 13 Markii nala aflagaadeeyo, si naxariis leh ayaan ugu jawaabnaa. Waxaan noqonay wasaqdii dhulka, qashinkii aduunka, illaa iyo hadda. Bawlos codsigiisi iyo digniintiisi 14 Ujeedada aan waxyaalahan idiin ku soo qoray ma aha inaan idin ceebeeyo, laakiin waxaan doonayaa inaan idiin waaniyo sida caruurteyda aan jeclahay oo kale. 15 Waxaa laga yaabaa in toban kun oo qof waxa ku saabsan Ciise idin baraan, laakiin aniga kaliya ayaa aabe idiin ah. Waxaad noqoteen caruurteyda markaan idiin sheegay warka wanaagsan ee ku saabsan Ciise Masiix. 16 Sidaa darteed waxaan idiin sheegayaa inaad tusaalahayga raacdaan. 17 Waayo waxyaalahan dartood ayaan Timoteyos idiin kuugu soo diray. Sida wiilkeyga oo kale ayaan u jeclahay, kaasoo Rabbiga daacad u ah. Wuxuuna idin xasuusin doonaa waxa aan baro iyo nolosheyda sida aan ku dhaqmo aniga oo raacsan Ciise Masiix, taas oo la mid ah kaniisad walboo aan wax baro. 18 Qaarkiin ayaa kibray waayo waxaad u maleysaan in aanan soo laaban doonin. 19 Laakiin mar dhow ayaan idiin imaan doonaa, hadduu Rabbiga yiraahdo, waana ogaan doonaa dadkaas kibray waxey ku hadli doonaan iyo haddey xoog leeyihiin. 20 Waayo boqortooyada Illaahey ma aha hadal laakiin waa xoog. 21 Maxaad dooneysaan inaan sameeyo markaan imaado? Miyaad dooneysaan inaan usha edbinta mise si jaceyl iyo ruux qabow? |
Kitaabka Quduuska Ah: Ereyga Illaahey™ Axdiga Cusub
Daabacaadan anaga ayaa leh © 2024 waxaa soo saaray Biblica, Inc.
Waxaa lagu isticmaalay ogolaasho.
Xaqeeda oo dhanna waa la xaafiday meel walba oo aduunka ka tirsan.
Somali Contemporary Bible™ New Testament
Copyright © 2024 by Biblica, Inc.
Used with permission. All rights reserved worldwide.
Biblica, Inc.