1 Korintos 3 - Ereyga Illaahey Axdiga CusubKaniisadda iyo hogaamiyayaasheeda 1 Walaalayaalow, ma idiin la hadlayo sida dadka ruuxa raacsan, laakiin waxaan idiin hadlayaa sida dad weli aduunka ku jira, waxaad ku tihiin ilmo yaryar noloshiina masiixinimada. 2 Sidaa darteed waa inaan idiin la dhaqmaa sida caruurta oo aan idin siiyaa caano, waayo weli diyaar uma tihiin cunto. Runtii weli diyaar uma tihiin. 3 Weli waxaad tihiin kuwa aduunka, waayo haddii uu weli maseyr iyo muran idin ku dhex jiro miyaadan ahayn kuwa aduunka? 4 Waayo hadduu midkiin yiraahdo, “Waxaan raacsanahay Bawlos,” oo mid kalana yiraahdo, “Waxaan raacsanahay Abolloos,” Miyeydan u dhaqmin sida dadka aduunka? 5 Haddaba muxuu yahay Abolloos? Bawlosna muxuu yahay? Waxa kaliya ey yihiin waa adeegayaasha idin ka caawiyay si aad u aamintaan. Waa Sayidka kan shaqadan u diray iney sameeyaan. 6 Anigu waxaan abuuray abuurka, Abolloosna biyo ayuu ku waraabiyay, laakiin Illaahey ayaa abuurkii koriyay. 7 Sidaa darteed kan wax abuuray iyo kan waraabiyay muhiim ma aha, laakiin waxaa muhiim ah Illaaha kaliya kaasoo waxyaalaha koriya. 8 Kan abuurka abuuray iyo kan biyaha ku waraabiyay ulajeedadoodu waa hal, shaqadoodana waa loogu abaalgudi doonaa. 9 Waayo anagu waxaan nahay adeegaha Illaahey ee isla shaqeeya, idinkuna waxaad tihiin beerta iyo dhismaha Illaahey. 10 Nimcada Illaahey i siiyay ayaan aasaaska ku sameeyay sidii dhise xigmad leh, qof kalana wuu ku dul dhisay. Laakiin mid kasta waa inuu si taxadar leh u dhisaa. 11 Qofna aasaas kale ma dhigi karo waayo aasaaska horey ayaa loo dhigay, kaasoo ah Ciise Masiix. 12 Laakiin qofku hadduu aasaaskaas ku dul dhiso dahab, ama qalin, ama dhagaxyo qaali ah, ama qoryo, ama caws iyo bal. 13 Laakiin maalin ayaa la arki doonaa qiimaha shaqadooda, waayo goortuu Ciise soo laabto wax walba wuu cadeyn doonaa. Maalintaasna qof walba shaqadiisa waxaa lagu tijaabin doonaa dab. 14 Haddii wixii la dhisay ey badbaadaan dhisaha waa la abaalmarin doonaa. 15 Laakiin haddii wixii la dhisay gubtaan dhisaha qasaaro ayuu galayaa, laakiin isaga waa la badbaadin doonaa. Wuxuuna ahaanayaa sida mid dab laga soo badbaadiyay. 16 Miyeydan garaneyn inaad tihiin macbadka Illaahey oo Ruuxa Illaaheyna idin ku dhex nool yahay? 17 Haddii uu qof dumiyo macbadka Illaahey, Illaaheyna wuu ciqaabi doonaa qofkaas. Waayo macbadka Illaahey waa quduus idinkuna waxaad tihiin macbadkaas quduuska ah. 18 Hana is khiyaanina. Waayo haddii uu qof idin ka mid ah isku maleeyo inuu xigmadda dunidan leeyahay waa inuu noqdaa doqon si uu xigmad u yeesho. 19 Waayo xigmadda dunidan waxey Illaahey hortiisa ka tahay doqonnimo. Qoraalku wuxuu leeyahay, “Kuwa xigmadda leh khiyaanadooda ayuu ku qabtaa.” 20 Qoraalku wuxuu haddana leeyahay, “Rabbiga wuu og yahay in fikradaha kuwa xigmadda leh eysan waxba ahayn.” 21 Sidaa darteed waa in aadan ku faanin hogaamiyayaasha binu aadanka! Waayo waxyaalaha oo dhan idinka ayaa leh. 22 Abolloos, Bawlos iyo Keeyfas idinka ayaa na leh, aduunka oo dhan, nolol ama dhimasho waxa hadda dhacaya ama waxa waqti dambe dhici doona waxaas oo dhan idinka ayaa leh. 23 Idinkana waxaad tihiin kuwii Masiixa, Masiixuna waa kan Illaah. |
Kitaabka Quduuska Ah: Ereyga Illaahey™ Axdiga Cusub
Daabacaadan anaga ayaa leh © 2024 waxaa soo saaray Biblica, Inc.
Waxaa lagu isticmaalay ogolaasho.
Xaqeeda oo dhanna waa la xaafiday meel walba oo aduunka ka tirsan.
Somali Contemporary Bible™ New Testament
Copyright © 2024 by Biblica, Inc.
Used with permission. All rights reserved worldwide.
Biblica, Inc.