1 Korintos 2 - Ereyga Illaahey Axdiga Cusub1 Walaalayaalow goortaan idiin imaaday oo aan idiin wacdiyay waxyaalaha qarsoon ee ku saabsan Illaahey taas oo ah runta, kuma imaanin xigmadda binu aadanka mana isticmaalin ereyo waaweyn. 2 Waayo intaan idin la joogay waxaan go’aansaday inaan ka hadlo waxyaalo ku saabsan Ciise masiix oo kaliya, kaasoo lagu qodbay iskutallaabta. 3 Markii ugu horeysay daciifnimo ayaan dareemayay oo cabsi ayaan la gariirayay. 4 Fariinteyda iyo wacdigeyga ma ahayn mid xigmad iyo ereyo waaweyn leh, laakiin xoogga Ruuxa Quduuska ah ayaan isku haleeyay. 5 Waxaan sidaas u sameeyay si eydan iimaankiina u saaranin xigmadda binu aadan, laakiin aad iimaankiina u saarataan xoogga Illaahey. Xigmadda Illaahey ee Ruuxa Quduuska ah lagu muujiyay 6 Waxaan isticmaalnaa xigmad markaan la hadleyno dadka iimaanka ku koray. Laakiin ma aha xigmadda aduunkan ama kuwa aduunka xukuma, taas oo dhaqso dhamaaneysa. 7 Waxaan ku hadalnaa xigmadda Illaahey, sirta la qariyay ee Illaahey noo qoray iney noqoto ammaanteena ka hor bilowga waqtiga. 8 Taliyayaasha dunidan ma garanayaan waxyaalaha ku saabsan xigmaddan, haddii ey garan lahaayeen ma qodbi lahayn Rabbiga ammaanta. 9 Haba ahaatee wey qoran tahay, “Indhuhu maysan arkin, dheguhu maysan maqlin, maskaxda binu aadankana kuma soo dhicin.” Waxyaalaha Illaahey u diyaariyay kuwa isaga jecel. 10 Waxyaalahan ayaa Illaahey Ruuxdiisa noogu muujiyay. Ruuxdu waxey doondoontaa wax walba, xitaa waxyaalaha qarsoon ee Illaah. 11 Waayo yaa ogaan kara fikradaha qofka waxaan ka ahayn ruuxdooda? Sidoo kale qofna ma ogaan karo fikradaha Illaahey waxaan ka ahayn Ruuxiisa. 12 Waxaan helnay ma aha ruuxda aduunka, laakiin Ruuxa Illaahey xaggiisa ka yimid, si aan u fahanno barakada Illaahey na siiyay. 13 Waxyaalahan aan ku hadalno waxaa na baray Ruuxa Illaahey, mana aha xigmadda binu aadanka. Isla Ruuxdaan ayaa naga caawisa inaan waxyaalaha ruuxiga ah barno kuwa ruuxda haysta. 14 Qofka aan Ruuxa lahayn ma aqbalo waxyaalaha ka yimaaday Ruuxa Illaahey waxey u qaataan doqonnimo, mana fahmaan waxyaalahan waayo waxa kaliya oo lagu garan karaa waa Ruuxa. 15 Dadka uu Ruuxu hogaamiyo wax walba wey xukumi karaan, laakiin dadka kale ma xukumi karaan iyaga. 16 Waayo, “Yaa ogaaday fikrada Rabbiga oo u sheegi kara wuxuu sameeyo?” Laakiin waan fahannaa waxyaalahaas waayo waxaan heysanaa fikradaha Masiixa. |
Kitaabka Quduuska Ah: Ereyga Illaahey™ Axdiga Cusub
Daabacaadan anaga ayaa leh © 2024 waxaa soo saaray Biblica, Inc.
Waxaa lagu isticmaalay ogolaasho.
Xaqeeda oo dhanna waa la xaafiday meel walba oo aduunka ka tirsan.
Somali Contemporary Bible™ New Testament
Copyright © 2024 by Biblica, Inc.
Used with permission. All rights reserved worldwide.
Biblica, Inc.