Biblia Todo Logo
Bìoball air-loidhne

- Sanasan -

1 Korintos 16 - Ereyga Illaahey Axdiga Cusub


Waxa loo ururinayo dadka Rabbiga

1 Haddaba waxa ku saabsan waxa loo ururiyo dadka Rabbiga. Sameeya wixii aan amray kaniisaddii ku taalay Galatiya.

2 Maalinta ugu horeysay ee usbuuca, mid walba waa inuu mushaharkiisa xoogaa meel ka dhigaa, si markaan imaado aan waxba loo ururin.

3 Kadibna markaan imaado waxaan warqad hordhac ah u dhiibi doonaa kuwa aad idinka ogolaataan, waxaanna lasoo diri doonaa hadiyadiina ilaa Yeruusaalem.

4 Haddii ey ila noqoto inaan tago, wey i raaci doonaan.


Codsi shaqsiyadeed

5 Markaan soo maro Makedoniya kadib ayaan idiin imaan doonaa, waayo qorshaheygu waa inaan Makedoniya soo maro.

6 Xoogaa yar ayaan idin la joogi doonaa, waxaa laga yaabaa inaan xiliga qabowga ah idin la sii joogo, si aad iigu caawisaan safarkeyga meel kastoo aan tago.

7 Waayo ma doonayo inaan waqti yar idin la joogo, sidaa darteed waxaan rajeynayaa inaan waqti idin la qaato hadduu Illaahey yiraahdo.

8 Laakiin hadda waxaan sii joogayaa Efesos illaa maalinta Bentekoste.

9 Waayo albaab weyn oo shaqo waxtar leh ayaa ii furmay, laakiin kuwa badan ayaa iga soo hor jeeday.

10 Timoteyos markii uu yimaado si fiican u soo dhoweeya. Waayo isaguna sideyda oo kale ayuu shaqada Rabbiga hayaa.

11 Qofna yuusan si xun ula dhaqmin. Nabad kusoo dira si uu igu soo laabto, waxaanna rajeynayaa inuu walaalaha kale la yimaado.

12 Haddaba arinta ku saabsan walaalkeen Abolloos aad ayaan uga baryay inuu idin soo booqdo isaga oo la socda walaalaha kale. Laakiin ma uusan rabin inuu waqtigan yimaado, wuxuuna imaan doonaa markii uu fursad kale helo.

13 Is ilaaliya, iimaankiina ku adkaada, dhiiranaada, xoogna yeesha.

14 Wax walboo aad sameysaanna jaceyl ku sameeya.

15 Waad ogtihiin kuwa guriga Istefanas jooga iney yihiin kuwii ugu horeeya ee Akhaya dhexdeeda ka rumeystay. Waxeyna isku dhiibeen iney u shaqeeyaan dadka Rabbiga. Sidaa darteed walaalayaalow waxaan idin leeyahay,

16 waa inaad ka dambeysaan dadkaas oo kale iyo kuwa kale ee shaqadan haya.

17 Waan ku farxay markey Istefanas, Fortunatos iyo Akhayos yimaadeen, waayo waxaad idinka isiin lahaydeen ayey isiiyeen.

18 Waayo ruuxdeyda iyo tiina ayey nasiiyeen. Xushmeeya dadkan oo kale.


Salaantii gabagabeynta

19 Kaniisadaha Aasiya ku yaala wey idiin salaamayaan. Akula iyo Bariskillana magaca Rabbiga ayey idiin soo salaameen, sidoo kale walaalaha gurigooda iskugu yimaada.

20 Walaalaha oo dhan ayaa salaan idiin soo diray. Isku salaama dhunkashada quduuska ah.

21 Aniga Bawlos ah ayaa salaantan gacanteyda kusoo qoray.

22 Haddii qofku uusan jecleyn Rabbiga, qofkaas inkaarta Rabbiga haku dhaco.

23 Nimcada Rabbi Ciise ha idin la jirto.

24 Dhamaan kuwa Ciise Masiix raacsan waan idin jeclahay. Aamiin.

Kitaabka Quduuska Ah: Ereyga Illaahey™ Axdiga Cusub

Daabacaadan anaga ayaa leh © 2024 waxaa soo saaray Biblica, Inc.

Waxaa lagu isticmaalay ogolaasho.

Xaqeeda oo dhanna waa la xaafiday meel walba oo aduunka ka tirsan.

Somali Contemporary Bible™ New Testament

Copyright © 2024 by Biblica, Inc.

Used with permission. All rights reserved worldwide.

Biblica, Inc.
Lean sinn:



Sanasan