Biblia Todo Logo
Bìoball air-loidhne

- Sanasan -

1 Korintos 15 - Ereyga Illaahey Axdiga Cusub


Sarakicidda Ciise

1 Walaalayaalow, waxaan rabaa inaan idin xasuusiyo warkii wanaagsanaa ee aan idiin wacdiyay, kaasoo aad qaadateen oo aadna ilaaliseen.

2 Warkan wanaagsan ayaad ku badbaadi doontaan, haddii aad si fiican u ilaalisaan ereyga aan idiin wacdiyay. Laakiin haddii kale iimaankiinu macno la’aan ayuu noqonayaa.

3 Waayo waxa la i siiyay ayaan aniguna idiin gudbiyay taas oo ah wax baritaanka ugu muhiimsan oo ah in Masiixu dembiyadeena u dhintay sida qorniinku leeyahay.

4 Kadibna waa la aasay, maalintii saddexaadna wuu soo sarakacay sida uu qorniinku horey u sheegay.

5 Wuxuuna u muuqday Keeyfas kadibna laba iyo tobankii xerta ahaa.

6 Kadibna wuxuu u muuqday walaalo ka badnaa shan boqol, badidooduna weli wey nool yihiin, kuwa kalana wey dhinteen.

7 Kadibna wuxuu u muuqday Yacquub iyo rasuulladoo dhan.

8 Ugu dambeyntii aniga ayuu ii muuqday, aniga oo xitaa u qalmin inaan isaga arko.

9 Waayo anigu waxaan ahay midka rasuullada ugu liita oo xitaa ma istaahilo in la iigu yeero rasuul, waayo kaniisadda Illaahey ayaan silcin jiray.

10 Laakiin Illaahey nimcadiisa ayaan ku ahaaday waxaan hadda ahay, nimcadiisuna shaqo fiican ayey iga dhex sameysay. Anigu si rasuullada kale ka badan ayaan Illaahey ugu shaqeeyaa, aniga ma aha laakiin nimcada Illaahey ayaa iga dhex shaqeysa.

11 Laakiin muhiim ma aha haddii aniga ama iyaga wacdiyaan waayo dhamaanteen fariin isku mid ah ayaan wacdinaa taas oo aad aaminteen.


Sarakicidda

12 Laakiin haddii lagu wacdiyay Masiixa inuu dhimashada kasoo sarakacay, sidee ayaa qaarkiin u dhahaysaan sarakicid ma jirto?

13 Haddii eysan sarakiciddu jirin, xitaa Masiixa dhimashada kama soo sarakicin.

14 Haddii uusan Masiixu kasoo sarakicin dhimashada, wacdigeenu waa macno daro sidoo kalana iimaankiinu waa macno daro.

15 Waayo waxaan noqoneynaa kuwa marqaati been ah Illaahey u fura, maxaa yeeley waxaan u marqaatifurnaa Illaaha Masiixa dhimashada kasoo sarakiciyay. Laakiin waxey noqoneysaa Illaahey in uusan isaga sarakicinin haddii aad leedihiin sarakiciddu ma jirto.

16 Waayo haddii sarakiciddu eysan jirin Masiixana lama soo sarakicinin.

17 Oo haddii aan Masiixa la soo sarakicinin iimaankiinu waa macno la’aan. Weli dembiyadiina ayaad ku jirtaan.

18 Kuwii dhintay iyagoo Masiixa aaminsanna wey lumeen.

19 Haddii aan noloshan oo kaliya aan Masiixa rajo ku leenahay waxaan noqoneynaa kuwa ugu liita oo dadka u naxariistaan.

20 Laakiin runtii Masiixa waa laga sarakiciyay dhimashada, taasi waxey xaqiiq u tahay kuwii dhintay iyagoo Ciise aaminsan iney soo sarakici doonaan.

21 Waayo Aadan ayaa dhimashada keenay, sidoo kale Masiixana sarakicidda ayuu keenay.

22 Aadan dartiis ayaan dhamaanteen u dhimanay, sidaa darteed Masiixa dartiis dhamaan wey noolaan doonaan.

23 Laakiin arintan nidaam ayey ku soconeysaa. Masiixa ayaa ugu horeeyay oo dhimashada kasoo sarakacay, kadibna markii uu soo laabto dadkiisana waa la soo sarakicin doonaa.

24 Kadibna dhamaadka aduunka ayaa imaan doona, markii uu Ciise boqortooyada u dhiibo Illaaha Aabaha ah markii uu burburiyo xoog iyo amar walba kadib.

25 Waayo Ciise waa inuu xukumaa illaa uu cadowyadiisa ka keeno cagahiisa hoostooda.

26 Cadowgiisa ugu dambeeya waa dhimashada.

27 Waayo qoraalku wuxuu leeyahay, “Illaahey wax walba ayuu cagihiisa hoos keenay.” Haddaba markii la yiri “Wax walba.” Isaga ayaa la hoos keenay, taasi macnaheedu ma aha in Illaaheyna Ciise la hoos keenay, waayo Illaahey ayaa waxa walba Ciise hoos keenay.

28 Illaahey markii uu waxyaalahan sameeyo kadib, Wiilka ayaa hoos imaan doona Illaahey kaasoo isaga wax walba uu hoos keenay. Si uu Illaahey u ahaado wax walba.

29 Haddaba haddii eysan sarakiciddu jirin, maxey u maleyn doonaan kuwa dadkii dhintay loo baabtiisayo? Maxaa dadka loogu baabtiisayaa kuwii dhintay dartood?

30 Maxaan nafteena halis u gelinaa mar walba?

31 Oo aan dhimashada halis ugu jirnaa, walaalayaalow waxaan idiin kugu faanaa Ciise Masiixa oo ah Rabbigeena dartiis.

32 Magaalada Efesos dad badan ayaa ila dagaalay, waxyaalahaas aan sameeyay uma sameynin inaan waxa dunidan helo, waayo maxey ii taraysaa? Haddii eysan sarakicid jirin, “Aan wax iska cunno oo aan cabno waayo berri waan dhiman doonnaa.”

33 Yaan la idin khiyaanin, waayo saaxiibada xun waxey kharibaan kuwa asluubta wanaagsan.

34 Si quman uga fikira waxa saxda ah oo joojiya dembiga, waayo qaar ayaa Illaahey iska dhegga tira, waxaan rabaa inaad isku xishootaan.


Sarakicidda jirka

35 Qaarkiin ayaa weydiin doona, “Sidee ayey kuwa dhintay u soo sarakici doonaan? Jirkee ayey ku imaan doonaan?”

36 Doqon yahow! Waxaad abuurtay ma soo noolaadaan illaa ey ka dhintaan maahane.

37 Markaad abuur abuurtaan, ma abuureysaan jirka ey kusoo bixi doonaan, laakiinse waxaa laga yaabaa inaad abuurtaan iniin sarreen ah ama kuwa kale.

38 Laakiin Illaahey wuxuu siiyaa jir ey ugu soo baxaan sida uu isaga rabo, nooc walboo iniin ah wuxuu siiyaa jirkeeda.

39 Jirka oo dhan isku mid ma aha, dadku waxey leeyihiin jir ka duwan xayawaanka, shimbirraha iyo kalluunka.

40 Sidaa darteed waxaa jira jirka samada iyo kan aduunka. Laakiin quruxda jirka samada wey ka duwan yahay kan aduunka.

41 Qoraxdu waxey leedahay qurux ceynkeeda ah, dayaxuna mid kale, xiddiguhuna kuwa kale, oo xiddigba xiddig kale wuu uga duwanyahay quruxda.

42 Sidaas oo kale ayuu ahaan doonaa jirka lagu soo sarakacayo. Jirka aan hadda leenahay wuu dhiman doonaa laakiin kan dhimashada kasoo sarakacaya weligiis ayuu noolaan doonaa.

43 Jirkan waxaa lagu aasay sharafdaro laakiin waxaa lagu soo sarakiciyay ammaan. Waxaa lagu aasay daciifnimo laakiin waxaa lagu soo sarakiciyay awood.

44 Waxaa la beeray isaga oo jir caadi ah leh laakiin wuxuu kusoo sarakici doonaa jir ruuxi ah. Haddii uu jir caadi ah jiro, mid ruuxi ahna wuu jiraa.

45 Qoraalku wuxuu leeyahay, “Ninkii ugu horeeyay ee ahaa Aadan wuxuu noqday wax nool,” Aadankii ugu dambeeyeyna wuxuu noqday ruux nolosha bixisa.

46 Ruuxa ma hor imaanin, laakiin midka caadiga ah ayaa hor yimid, kadibna midka ruuxa ayaa yimid.

47 Ninkii ugu horeeyay waxaa laga sameeyay dhoobada dhulka, laakiin ninkii labaad wuxuu ka yimid samada.

48 Dadka aduunkan jooga oo dhan waxey leeyihiin jirka Aadan oo kale, dadka jannada joogana waxey leeyihiin jirka Ciise oo kale.

49 Sida aan ugu leenahay muuqaalka binu aadanka aduunkan, sidoo kale ayaan u lahaan doonaa muuqaalka kan jannada.

50 Sidaa darteed walaalayaalow waxaan idin leeyahay, jirkeena iyo dhiigeenana wey qurmi doonaan. Taasi waxey macneyneysaa jirkaas boqortooyada Illaahey ma galayo taas oo weligeed aan dhamaaneynin.

51 Balse i dhageysta aan waxa qarsoon ee Illaahey idiin sheegee, dhamaanteen ma dhiman doono, laakiin dhamaanteen waa na la beddeli doonaa.

52 Si il biriqsi oo kale ah ayey u dhici doontaa, markii buunka ugu dambeeyo uu yeero. Waayo buunka waa la yeerin doonaa oo kuwii dhintayna wey soo sarakici doonaan, anaga oo dhan ayaa beddelmi doonna si aanan weligeenba u dhiman.

53 Jirkeena dhintay oo qurmay waxaa lagu beddeli doonaa jir kale oo aan dhimaneynin oona qurmaynin.

54 Jirka aan hadda leenahay waa daciif dhiman kara. Laakiin wuxuu ku beddelmi doonaa jir weligiis ah. Kadibna qoraalku wuu dhaboobayaa, “Dhimashadu wey guul dareysatay.”

55 “Dhimashoy aaway guushaadi? Dhimashoy aaway xanuunka aad nagu haysay?”

56 Xanuunka dhimashada waa dembi, oo xoogga dembiguna waa sharciga.

57 Laakiin Illaahey ayaa mahad leh, kan nagu siiyay guul Rabbigeena Ciise Masiix.

58 Sidaa darteed walaalayaalow iimaankiina ku adkaada, waxna yeysan Illaahey idin ka fogeynin, mar walbana shaqada Rabbiga sameeya. Waayo waad garaneysaan in shaqadiisu tahay muhiim.

Kitaabka Quduuska Ah: Ereyga Illaahey™ Axdiga Cusub

Daabacaadan anaga ayaa leh © 2024 waxaa soo saaray Biblica, Inc.

Waxaa lagu isticmaalay ogolaasho.

Xaqeeda oo dhanna waa la xaafiday meel walba oo aduunka ka tirsan.

Somali Contemporary Bible™ New Testament

Copyright © 2024 by Biblica, Inc.

Used with permission. All rights reserved worldwide.

Biblica, Inc.
Lean sinn:



Sanasan