1 Korintos 13 - Ereyga Illaahey Axdiga Cusub1 Haddii aan ku hadlo afafka binu aadanka iyo kan malaa’igta oo aanan jecleyn dadka kale, hadalladeydu micno daro ayey ahaanayaan sida gambaleel la yeerinayo ama saxano la isku garaacayo. 2 Haddaan leeyahay hadiyada wax lagu sii sheego iyo fahanka waxyaalaha qarsoon ee Illaahey iyo aqoontiisa, iyo haddaan leeyahay iimaan weyn laakiin aanan dadka jecleyn waxba ma ihi. 3 Haddii aan maalkeyga oo dhan masaakiinta siiyo, oo aan jirkeyga u dhibaateeyo Masiixa dartiis, laakiin aanan dadka jecleyn, abaalgud ma heli doono. 4 Jaceylku wuu samir badan yahay, jaceylku waa naxariis. Jaceylku maseyr ma aha, mana faano mana kibro. 5 Jaceylku akhlaaq xumo ma aha, jaceylku daneysi ma aha, dhakhsana ma xanaaqo, cuqdadna dadka uma qaado. 6 Jaceylku kuma farxo markey dadku wax xun sameeyaan, laakiin wuxuu ku farxaa runta. 7 Wax walba ayuu u dulqaataa, mar walbana wuu aaminaa, mar walbana wuu rajeeyaa, mar walbana wuu adkeystaa. 8 Jaceylku weligiis ma dhamaado, laakiin qof walboo wax sii sheegaa weligiis ma sii wadi doono, kuwa afafka kale ku hadlana wey ka dhamaan doontaa, waxyaalaha aan garaneyno oo dhan waa la iloobi doonaa. 9 Waayo wax walba ma garaneyno, wax sii sheegideenuna kaamil ma aha. 10 Laakiin waxa kaamilka ah maalin ayey imaan doonaan, oo waxyaalaha aan kaamilka ahaynna wey lumi doonaan. 11 Markaan ilmaha ahaa, ilmo ahaan ayaan u hadli jiray, sida ilmo ayaan u fikiri jiray. Laakiin markaan weynaaday, waxyaalihii aan yaraanteyda sameyn jiray waan iska dhaafay. 12 Haddaba waxyaalaha aan aragno waa wax aan dhameystirneyn oo kaliya, sida milicsiga muraayada, laakiin mustaqbalka si fiican ayaan u arki doonnaa. Hadda wax walba ma garanayo laakiin waqtigaas waan garan doonnaa wax walba sida Illaahey si kaamil ah iigu garanayo. 13 Haddaba saddexdan ayaa hari doona, iimaanka, rajada iyo jaceylka. Laakiin kuwan waxa ugu wada weyn waa jaceyl. |
Kitaabka Quduuska Ah: Ereyga Illaahey™ Axdiga Cusub
Daabacaadan anaga ayaa leh © 2024 waxaa soo saaray Biblica, Inc.
Waxaa lagu isticmaalay ogolaasho.
Xaqeeda oo dhanna waa la xaafiday meel walba oo aduunka ka tirsan.
Somali Contemporary Bible™ New Testament
Copyright © 2024 by Biblica, Inc.
Used with permission. All rights reserved worldwide.
Biblica, Inc.