Biblia Todo Logo
Bìoball air-loidhne

- Sanasan -

1 Korintos 11 - Ereyga Illaahey Axdiga Cusub

1 Tusaalahayga raaca sida aan aniguba u raaco kan Masiixa.


Wax ku saabsan cibaadada

2 Waxaan idin ku ammaanayaa inaad mar walba i xasuusataan oo aadna adeecdaan waxa aan idin baray.

3 Haddaba waxaan doonayaa inaan idiin sheego inuu Masiixu yahay madaxa nimanka oo dhan, ninkuna uu yahay madaxa naagta. Madaxa Masiixana waa Illaahey.

4 Nin walboo duceysta ama wax sii sheega isaga oo madaxa wax u saaran yihiin madaxiisuu ceebeeyay.

5 Laakiin naag walboo duceysata ama wax sii sheegta iyadoon madaxeeda wax u saarneyn, waa sida iyadoo madaxa iska xiirtay.

6 Waayo haddii naagta eysan madaxeeda waxba saarin, waxaa u roon iyadoo timaheeda iska xiirta, laakiin haddii ey ceeb u tahay iney timaha iska jarto ama ey xiirto waa iney madaxa wax saarataa.

7 Ninku waa in uusan madaxiisa waxba saarin, waayo isagu waa muuqaalkii iyo ammaantii Illaah, laakiin naagtu waa ammaanta ninka.

8 Waayo ninku kama imaanin naagta, laakiin naagta ayaa ka timid ninka.

9 Maxaa yeeley ninka looma sameynin naagta, laakiin naagta waxaa loo sameeyay ninka.

10 Sababtan iyo malaa’igta dartood, naagtu waa iney madaxeeda daboolataa taas oo tuseysa iney amarka ninkeeda ku hoos jirto.

11 Sikastaba ha ahaatee xagga Rabbiga naagtu waxba ma aha ninka la’aantiis, ninkuna waxba ma aha naagta la’aanteed.

12 Waayo sida naagtu uga timaaday ninka ayuu ninkuna uga dhashay naag. Laakiin wax walba waxey ka yimaadaan Illaahey.

13 Bal idinku go’aamiya iney wanaagsan tahay in naagtu ey Illaahey baryi karto iyadoon madaxeeda daboolin?

14 Waayo waad ogtihiin hadduu ninku leeyahay timo dheer iney isaga ceeb u tahay.

15 Laakiin naagtu haddey timo dheer leedahay waxey u tahay qurux, waayo timaheeda dheer ayey madaxeeda ku dabooshaa.

16 Haddii qof uu doono inuu ka murmo arintan, ha ogaado anaga iyo kaniisadaha Illaaheyba in aanan waxbaritaan kale lahayn.


Xeerarka cashada Rabbiga

17 Ma idin ku faraxsani waayo cibaadadiina dhib ayey keentaa intey wanaag keeni lahayd.

18 Horta waxaan maqlay markaad kaniisad ahaan iskugu timaadaan, waxaa idin ku dhex jira kala qeybsanaan, taas oo aniga xitaa aan aaminsanahay.

19 Waa shaki la’aan in muran idin ku dhex jiro, si qofka saxan la idin kaga dhex arko.

20 Markaad isu timaadaan runtii ma ku dabaaldegtaan cashada Rabbiga.

21 Waayo markaad dadka kale ka hor bilowdaan inaad wax cuntaan kulankii oo aan bilaabanin, qaarkiin gaaja ayey ku baxayaan kuwa kalana iyagoo sarqaansan ayey tagayaan.

22 Miyeydan lahayn guri aad wax ka cuntaan ama ka cabtaan? Ama miyaad yastaan kaniisadda Illaahey iyo kuwa aan waxba haysanin? Maxaan idin ku iraahdaa? Runtii waxyaalahan idin ku ammaani maayo!

23 Waayo waxyaalahan idiin sheegayo waxaan ka helay Rabbiga. Sayid Ciise habeenkii la gacan gelinayay wuxuu qaaday kibis,

24 markii uu mahadceliyeyna wuu kala gooyay isaga oo leh, “Kani waa jirkeyga, kaasoo aan idin siiyay, sidan sameeya si aad iigu xasuusataan.”

25 Sidaas si la mid ah, cashada kadib wuxuu qaaday koobkii isaga oo leh, “Kani waa axdiga cusub ee dhiigeyga, sidan sameeya, si aad iigu xasuusataan.”

26 Waayo haddaad kibistaas cuntaan oo aad koobkaasna ka cabtaan waxaad tuseysaan dhimashada Rabbiga illaa uu kasoo laabto.

27 Sidaa darteed, qof walboo cuna kibista ama ka caba koobka Rabbiga si aan istaahilin, wuxuu dembi ka galay jirkiisa iyo dhiigiisa.

28 Qof walba waa inuu is hubiyaa ka hor inta uusan cunin kibista ama uusan ka cabin koobka Rabbiga.

29 Waayo haddaadan garaneyn macnaha jirka Rabbiga markaad cuneysid kibista oo aad ka cabeysid koobka, waxaad isu keentay xukun.

30 Waxyaalahaas darteed ayaa qaar idin ka mid ah ey daciif u yihiin, oo kuwa kalana ey u xanuusan yihiin. Kuwa kale oo badanna ey u dhinteen.

31 Haddii aan marka hore garasho lahaan lahayn, ciqaabta Illaahey ma nagu dhici lahayn.

32 Laakiin hadduu Illaahey na xukumo oo na ciqaabo, wuu na edbinayaa si aan aduunka naloola xukumin.

33 Sidaa darteed walaalayaalow, markaad iskugu timaadaan inaad wax cuntaan, waa inaad dhamaan isla cuntaan.

34 Qof walboo gaajeysan waa inuu gurigiisa wax kasoo cunaa, si ciqaabta Illaahey eydan u hoos galin markaad isku timaadaan. Markaan imaadana waan idiin sheegi doonaa wax ku saabsan waxyaalaha kale.

Kitaabka Quduuska Ah: Ereyga Illaahey™ Axdiga Cusub

Daabacaadan anaga ayaa leh © 2024 waxaa soo saaray Biblica, Inc.

Waxaa lagu isticmaalay ogolaasho.

Xaqeeda oo dhanna waa la xaafiday meel walba oo aduunka ka tirsan.

Somali Contemporary Bible™ New Testament

Copyright © 2024 by Biblica, Inc.

Used with permission. All rights reserved worldwide.

Biblica, Inc.
Lean sinn:



Sanasan