1 Korintos 10 - Ereyga Illaahey Axdiga CusubDigniinta laga digay sanamyada 1 Walaalayaalow, anigu ma doonayo inaad iska dheggo tirtaan waxa dhacay, in awoowayaasheen ey ku hoos socdeen daruurtii iyaga ilaalineysay, oo kuligoodna ey dhex mareen Badda cas. 2 Iyagoo dhan ayaa lagu baabtiisay daruurtii iyo badda si ey u noqdaan xertii Muuse. 3 Iyagoo dhan ayaa cunay cuntadii ruuxiga ahayd, 4 oo weyna isla cabeen biyihii ruuxiga ahaa, waxeyna ka cabeen dhagaxii ruuxiga ahaa kaasoo iyaga la jiray, dhagaxaasna wuxuu ahaa Masiixa. 5 Laakiin Illaaheyna kuma faraxsaneyn badidooda, weyna dhinteen oo jirkoodana cidlada ayuu ku kala firdhay. 6 Haddaba waxyaalahan waxey u dhaceen iney tusaale anaga noo ahaato si aan anaguna aan iskaga ilaalino waxyaalahaas sharta ah oo ey sameeyeen. 7 Balse ha noqonina kuwa sanamyada caabuda sida iyagu ey sameyn jireen, wey qoran tahay, “Dadka reer binu Israa’iil sanamyadooda hortooda ayey fariistaan oo ey wax ku cunaan oona wax ku cabaan kadibna wey kacaan oo agagaarkiisa ayey ku ciyaaraan.” 8 Waa in aanan sameynin sinada, laakiin qaarkood wey sameeyeen, hal maalin gudaheedna labaatan iyo saddex kun oo qof ayaa dhimatay. 9 Waa in aanan jarribin Masiixa, sida ey qaarkood sameeyeen, kadibna abeesadu ey dhameysay. 10 Hana gunuunicina sida ey qaarkood sameeyeen, kadibna malaa’igtu dhimashada ey dishay. 11 Waxyaalahan waxey awoowayaasheen ugu dhaceen si ey anaga tusaale noogu ahaato, oo weyna qoran tahay si ey digniin ugu ahaato kuwa waqtigan jooga. 12 Sidaa darteed haddaad u maleysaan in iimaankiina uu adagyahay iska ilaaliya in eydan jarribaad ku dhicin. 13 Sida dadka kaloo dhan ayaa la idiin jarribaa idinkana. Illaaheyna waa kan aaminka ah waayo ma ogolaanayo in la idin jarribo intaad awoodaan ka badan. Laakiin markii la idin jarribo xal ayuu idiin keenayaa si aad ugu adkeysataan. Cuntada sanamka 14 Walaalayaalow waa inaad ka carartaan sanam caabudida. 15 Waxaan idiin la hadlayaa sida kuwo caqli leh idinku go’aamiya waxyaalaha aan ka hadlayo. 16 Miiska Sayidka koobka aan ku isticmaalno anaga oo u mahad celineyna Illaahey, markaan ka cabnana waxaan wada wadaagnay dhiigga Masiixa. Kimistaan kala goynana, markaan cunno waxaan wada wadaagnay jirka Masiixa. 17 Waayo markaan isticmaalnay hal kibis waxaan noqonay hal jir, inkastoo uu qeyb badan leeyahay. 18 Bal eega dadka reer binu Israa’iil, miyeysan ka qeyb qaadanin cibaadada markey cunayaan hilibka meesha allabariga lagu bixiyay? 19 Haddaba maxaan ka wadaa? Kama wado allabariga dadku u bixiyaan sanamka inuu qiima leeyahay, ama sanamka inuu quduus yahay. 20 Maya, waayo allabariga dadka aan Illaahey garaneyn waxey u bixiyaan ruuxyada wasakhda leh, ee ma aha Illaahey, anigu ma doonayo inaad la qeyb noqotaan ruuxda xun. 21 Ma awoodaan inaad ka cabtaan koobka Sayika iyo koobka ruuxda wasakhda leh. Kama qeyb qaadan kartaan miiska Sayidka iyo miiska ruuxda wasakhda leh. 22 Mase ma waxaan dooneynaa inaan ka maseyrsiino Sayidka? Mise miyaan ka xoog badanahay isaga? Xornimada kuwa aaminsan 23 Qaarkiin waxaad dhahdaan, “Xaq ayaan u leeyahay inaan wax walba sameeyo.” Laakiin ma aha wax walba iney faa’iido leeyihiin. “Haa xaq ayaan u leeyahay inaan wax walba sameeyo,” Laakiin ma aha wax walba iney fiicanyihiin. 24 Waa in aanan anaga kaliya iska fikirin oo kuwa kale aan iska hor marinaa. 25 Wax walboo suuqa lagu gado cuna, idinkoo qalbiga iska xukumeynin. 26 Waayo qoraalku wuxuu leeyahay, “Aduunka iyo waxyaalaha kujira oo dhan waxaa leh Rabbiga.” 27 Haddii uu qofka aan rumeysanin cunto kugu casuumo, oo aad doontid inaad tagto, cun waxey kuusoo diyaariyaan adigoon qalbiga iska xukumin. 28 Laakiin haddii uu qof ku dhaho, “Cuntada waxaa loo bixiyay sanam,” ha cunin, qofkii kuu sheegay iyo damiirka dartood. 29 Kama wado ha cunin waayo sax ma aha, laakiin qofka kale ayaa u maleeya inaan la ogoleyn. Laakiin dadka kale waxey dhahaan, maxaa xornimadeydi aan wax ku sameyn lahaa loogu xukumayaa damiirka qof kale dartiis? 30 Haddii aan cuntada mahadnaq uga qeyb qaato, ma wax aan Illaahey ugu mahadceliyo miyaa la igu cambaareynaa? 31 Haddaba wax walboo aad sameysaan, haddaad cuntaan ama cabtaan u sameeya Illaahey ammaantiisa. 32 Qofna dhibaato ha u geysanina, Yuhuudda, Gariigga ama kuwa ka tirsan kaniisadda Illaahey. 33 Sida aan aniguba waxyaalaha aan sameeyo oo dhan dadka kaga farxiyo. Mana sameeyo wixii aniga ii roon laakiin dadka kale ayaan iska hor mariyaa si ey u badbaadaan. |
Kitaabka Quduuska Ah: Ereyga Illaahey™ Axdiga Cusub
Daabacaadan anaga ayaa leh © 2024 waxaa soo saaray Biblica, Inc.
Waxaa lagu isticmaalay ogolaasho.
Xaqeeda oo dhanna waa la xaafiday meel walba oo aduunka ka tirsan.
Somali Contemporary Bible™ New Testament
Copyright © 2024 by Biblica, Inc.
Used with permission. All rights reserved worldwide.
Biblica, Inc.