1 Korintos 1 - Ereyga Illaahey Axdiga Cusub1 Ka socota Bawlos, kaasoo loogu yeeray inuu doonista Illaahey ku ahaado rasuulkii Ciise Masiix, iyo walaalkeen Soostenees oo la joogay. 2 Ku socota kaniisadda Illaahey ee ku taala Korintos, dhamaan kuwii quduus lagaga dhigay Ciise Masiix oo loogu yeeray quduusiin. Sidoo kalana kuwa meel kasta jooga ee caabuda Sayidkeena Ciise Masiix oo ah Sayidkooda iyo keenaba. 3 Waxaan Illaaha Aabaheen ah iyo Sayid Ciise Masiix ka baryayaa inuu idin siiyo nimco iyo nabad. Mahadcelin 4 Mar walba Illaahey ayaan ugu mahadceliyaa, nimcada Ciise Masiix ee la idin siiyay darteed. 5 Maxaa yeelay la jirkiisa ayaad ku noqoteen inaad wax walba ku fiicnaataan sida hadalladiina iyo aqoontiinaba. 6 Haddaba waa hubaal in waxyaalaha ku saabsan Masiixa ee aan idin kaaga marqaatifurnay oo dhan ey run yihiin. 7 Sidaa darteed hadiyada ruuxiga ah ma idin ka maqna intaad sugeysaan muujinta Rabbigeena Ciise Masiix. 8 Wuu idin adkeyn doonaa illaa dhamaadka, si aad u ahaataan eed la’aan illaa maalinta Sayidkeena Ciise Masiix kasoo laabanayo. 9 Illaahey waa mid aamin ah, kaasoo idiin doortay inaad xiriir la lahaataan Wiilkiisa ah Rabbigeena Ciise Masiix. Kaniisaddii kala qeybsantay 10 Walaalayaalow, waxaan magaca Sayidkeena Ciise Masiix idiin kaga baryayaa inaad kuligiinba hadalka isku af garataan, iyo in eydan kala qeybsamin laakiin aad si kaamil ah ugu midowdaan fikradiina iyo taladiina. 11 Walaalayaalow, qaar ka mid ah reer Khalo’ee ayaa ii sheegay in muran idin ka dhex jiro. 12 Waxey yiraahdeen qaarkiin ayaa waxey dhaheen, “Anigu waxaan raacsanahay Bawlos.” Mid kalana wuxuu leeyahay, “Anigu waxaan raacsanahay Abolloos,” mid kalana wuxuu leeyahay, “Waxaan raacsanahay Keeyfas,” Laakiin Mid kalana wuxuu leeyahay, “Waxaan raacsanahay Ciise Masiix.” 13 Masiixu miyuu qeybsamaa? Bawlos dartiin miyaa loo qodbay? Miyaa la idiin ku baabtiisay magaca Bawlos? 14 Waxaan Illaahey ugu mahadceliyaa in aanan idin baabtiisin Kirisbos iyo Gayos maahane. 15 Sidaa darteed ma jiro qof dhihi kara waxaa la igu baabtiisay magaceyga. 16 Haa, sidoo kale waxaan baabtiisay reerka Istefanas waxaan kuwaas ka ahayn ma xusuusto inaan dad kale baabtiisay. 17 Masiixu ima soo dirin inaan dadka baabtiiso, laakiin wuxuu iisoo diray inaan wacdiyo warka wanaagsan aniga oo aan isticmaalin ereyo waaweyn oo iskutallaabta Masiixa xoogeeda ka lumiya. Masiixa oo la qodbay waa xoogga iyo xigmadda Illaahey 18 Fariinta ku saabsan iskutallaabta micno la’aan ayey u tahay kuwa lunsan. Laakiin kuweena kale ee la badbaadiyay waxey noo tahay xoogga Illaahey. 19 Waayo wey qoran tahay, “Waan burburin doonaa xigmadda kuwa xigmadda leh, garashada kuwa garashada lehna waan diidi doonaa.” 20 Haddaba maxaa ku dhici doona kuwa xigmadda leh? Maxaa ku dhici doona macalimiinta shargica? Maxaa ku dhici doona kuwa u maleeya iney hayaan jawaab walba? Illaahey miyuusan na tusin iney xigmadda dunidan tahay doqonnimo? 21 Dadka dunidan Illaahey kuma eysan garaneyn xigmaddooda. Laakiin Illaahey waxaa ka farxiyay inuu badbaadiyo kuwa aaminay wacdiga doqonnimada. 22 Yuhuuddu waxey doonayeen calaamad Gariigtuna waxey rabeen xigmad, 23 laakiin waxaan wacdinaa Masiixa oo la qodbay. Taas oo ey Yuhuuddu ey u qaataa wax lagu turunturoodo dadka aan Yuhuudda ahaynna doqonnimo u arkaan. 24 Kuwa Illaahey uu u yeeray, Yuhuudda iyo Gariigaba, Masiixa wuxuu u yahay xoogga Illaahey iyo xigmadda Illaahey. 25 Waayo doqonnimada Illaahey wey ka xigmad badan tahay xigmadda binu aadanka, daciifnimada Illaaheyna wey ka xoog badan tahay xoogga binu aadanka. 26 Walaalayaalow, bal ka fikira waxaad ahaydeen goortii la idiin yeeray. Dadka dunidan uma maleyn in badankiin xigmad leeyihiin. Waayo qaar yar oo idin ka mid ah ayaa la dhigay meelaha awoodda, oo badankiinuna kama imaanin reer taajir ah. 27 Laakiin Illaahey wuxuu doortaa waxyaalaha doqonnimada u ah dunidan si uu u ceebeeyo kuwa isku maleeya iney xigmad leeyihiin. Wuxuu doortaa waxyaalaha ugu daciifsan dunidan si uu u ceebeeyo kuwa xoogga leh. 28 Illaahey wuxuu doortaa waxyaalaha ugu hooseeya dunidan, macno la’aanta ah oo waxna aan ahayn waxyaalahaas ayuu Illaahey isticmaalaa si uu u burburiyo waxyaalaha aduunka muhiimka u ah. 29 Waxyaalahan oo dhan Illaahey wuxuu u sameeyay in qofna uusan hortiisa ku faanin. 30 Isaga awadiis ayaad ugu jirtaan Ciise Masiix, kaasoo noo noqday xigmad nooga timid Illaah, taas oo ah, xaqnimadeena, quduusnimadeena iyo madax furashadeena. 31 Sidaa darteed wey qoran tahay, “Haddaad dooneysid inaad faanto ku faan Rabbiga.” |
Kitaabka Quduuska Ah: Ereyga Illaahey™ Axdiga Cusub
Daabacaadan anaga ayaa leh © 2024 waxaa soo saaray Biblica, Inc.
Waxaa lagu isticmaalay ogolaasho.
Xaqeeda oo dhanna waa la xaafiday meel walba oo aduunka ka tirsan.
Somali Contemporary Bible™ New Testament
Copyright © 2024 by Biblica, Inc.
Used with permission. All rights reserved worldwide.
Biblica, Inc.