Biblia Todo Logo
Bìoball air-loidhne

- Sanasan -

1 Butros 5 - Ereyga Illaahey Axdiga Cusub


Odayaasha iyo dhalinyarada oo lala hadlay

1 Haddaba odayaasha idin ka tirsan, waxaan idin leeyahay aniga oo ah oday sidiina oo kale una ah marqaati silaca Masiixa. Aniga xitaa waan la wadaagi doonaa ammaantiisa markii uu u soo muuqdo aduunka.

2 Daryeela dadka idin ka hooseeya ee Illaahey idin ku aaminay. Ilaaliya, mana aha in la idin ku qasbay, laakiin waa iney idin ka timaadaa sida uu Illaahey rabo inaad ahaataan. Mana aha inaad nafsadaada wax kaga heshid laakiin u samee adeegida Illaahey darteed.

3 Ha isku dayina inaad u noqotaan sida taliye dadka Illaahey idin ku aaminay, laakiin u noqda tusaale.

4 Kadibna markii uu Arijirka madaxda ah uu yimaado, waxaad heli doontaan taajka ammaanta oo aan weligiis baaba’eyn.

5 Sidoo kale, idinkan dhaliyarada ahow, ka dambeeya odayaashiina. Dhamaantiin, si naxariis leh iskugu adeega, waayo, “Illaahey wuu diidaa kuwa kibirka leh laakiin kuwa is hooseysiiya wuxuu tusaa asxaan.”

6 Isku hooseysii awoodda weyn ee Illaah, si uu waqtigiisa si sharaf leh idin ku sareysiiyo.

7 Welwelkiina oo dhan u dhiiba isaga waayo wuu idin daryeelaa.

8 Soo jeeda! Iska ilaaliya cadawgiina weyn ee ah ibliiska. Wuxuu u ciyaa sida libaax wareegaya isaga oo doonaya qof uu cuno.

9 Waa inaad diidaan, oo aad iimaankiina ku adkeysataan, waayo waa inaad ogaataan in walaalaha aduunka jooga oo dhan ey marayaan dhibaatadan oo kale.

10 Illaaha nimcada oo dhan leh, kaasoo idiin ku yeeray ammaantiisa weligeed ah isaga oo u maraya Masiixa, markaad xoogaa yar silacdaan kadib wuu idin kaamili doonaa wuuna idin xoogeyn doonaa oo wuu idin adkayn doonaa.

11 Awood oo dhan isaga ha u ahaato weligeed. Aamiin.


Macsalaameyn

12 Warqaddan waan soo qoray oo waan soo diray aniga oo ka helay caawimaad Silas, kaasoo aan idiin sheegay inuu yahay walaal aamin ah. Waxaan si kooban idiin ku soo qoray inaan idin dhiirigeliyo oona ka marqaatifuro iney tani tahay nimcada runta ah ee Illaahey. Kuna adkeysta.

13 Kaniisadda walaalaha ee ku taalo Baabuloon wey idin soo salaameen, sidoo kalana wiilkeygi Markos.

14 Isku salaama dhunkashada jaceylka ah. Nabad ha idiin ahaato dhamaan kuwiinan masiixiyiinta ah.

Kitaabka Quduuska Ah: Ereyga Illaahey™ Axdiga Cusub

Daabacaadan anaga ayaa leh © 2024 waxaa soo saaray Biblica, Inc.

Waxaa lagu isticmaalay ogolaasho.

Xaqeeda oo dhanna waa la xaafiday meel walba oo aduunka ka tirsan.

Somali Contemporary Bible™ New Testament

Copyright © 2024 by Biblica, Inc.

Used with permission. All rights reserved worldwide.

Biblica, Inc.
Lean sinn:



Sanasan