Biblia Todo Logo
Bìoball air-loidhne

- Sanasan -

1 Butros 4 - Ereyga Illaahey Axdiga Cusub


Illaahey dartiis oo loo noolaado

1 Sidaa darteed, sida uu Masiixu ugu silcay jirkiisi, sidoo kale idinkuna fikradaas lahaada, waayo mid walboo silac mara, wuu dhaafay inuu dembaabo.

2 Taasna waxaa ka yimaada in eysan ku noolaanin nolosha aduunka ee sharta leh damaca binu aadannimadana leh, laakiin waxey u noolaanayaan doonista Illaahey.

3 Waayo horey ayaad waqti badan ku lumiseen inaad sameysaan waxa dadka aan Illaahey garaneyn ey doorteen iney sameeyaan, najisnimo iyo damacyada jirka, sarqaanimo, dabaaldegga khamri cabid iyo sanam caabudida karaahida ah.

4 Saaxiibadiini hore wey yaabanyihiin waayo ma eydan ku biirin waxyaalaha taxadar la’aanta ah oo ey sameynayaan, sidaa darteed wey idin caaynayaan.

5 Laakiin xasuusta waa iney Illaahey hortiis ku jawaabaan, kaasoo dadka oo dhan xukuma kuwa nool iyo kuwa dhintayba.

6 Taas darteed ayaa injiilka loogu wacdiyay xitaa kuwa dhintay, si loogu xukumo jir ahaan oo eyna weligood Illaahey ula noolaadaan xagga ruuxiga.

7 Dhamaadka aduunku waa soo dhowaaday. Sidaa darteed soo jeeda ducada ku dadaala.

8 Waxa wax walba ugu muhiimsan waa inaad si dhab ah isu jeclaataan, waayo jaceylku wuxuu qariyaa dembiyo badan.

9 Idinka oo ku faraxsan gurigiina la wadaaga kuwa u baahan cunto ama meel ey joogaan.

10 Mid walba waa inuu isticmaalaa hadiyada uu helay si uu ugu adeego kuwa kale, sida wakiil aamin ah oo helay nimcada Illaahey ee kala duduwan.

11 Haddii aad leedahay hadiyad hadal ah, waa inaad u hadashaa si u eg inuu Illaahey kaa dhex hadlayo. Haddii midkiin yahay adeege, waa inuu u adeegaa si xoog leh taas oo ka timid xagga Illaahey. Kadibna wax walboo aad sameysaan waxey ammaan u keeneysaa Illaahey isaga oo u maraya xagga Ciise Masiix. Ammaan oo dhan iyo awood waxaa weligiis leh isaga! Aamiin.


Masiixinimada oo loo silco

12 Saaxiibayaalow, hala yaabina waxyaalaha xanuunka leh ee aad mareysaan, waayo waxaad tihiin kuwa Masiixa. Waxyaalahaas waa la idin ku tijaabinayaa oo kaliya, sidaa darteed ha u maleynina iney waxyaalo cajiib ah idin ku dhacayaan.

13 Laakiin ku farxa, waayo tijaabooyinkaan waxey idin ka dhigayaan inaad Masiixa kula midowdaan silaca. Si aad farxad badan u lahaataan marka ammaantiisa la soo muujiyo.

14 Haddii magaca Masiixa dartiis la idin ku caayo waad barakeysantihiin, waayo Ruuxa ammaanta Illaahey wuu kugu kor nastaa.

15 Haddii aad silicdid, waa in eysan ahayn wax ku saabsan dil, tuugnimo ama wax kale oo dembi ah ama eydan ahayn kuwa waxyaalaha dadow dhex gala.

16 Laakiin haddii aad u silicdid masiixnimada darteed waa in aadan ceeb dareemin, laakiin waa inaad Illaahey ku ammaantaa magacaad haysatid dartiis.

17 Waayo waqtigi xukunka waa la gaaray, waa qasab iney ku bilaabato dadka Illaahey. Haddii uu xukunku anaga nagu bilaabanayo, maxaa ku dhici doona kuwa aan weligood adeecin injiilka Illaahey?

18 Sidoo kale, “Haddii ey ku adkaatay kuwa xaqa ah iney badbaadaan, maxaa ku dhici doona kuwa aan Illaahey garaneyn oo dembiilayaasha ah?”

19 Sidaa darteed kuwa silaca u maraya doonista Illaahey darteed waa iney isku haleeyaan Abuurahooda aaminka ah eyna sii wadaan iney wanaaga sameeyaan.

Kitaabka Quduuska Ah: Ereyga Illaahey™ Axdiga Cusub

Daabacaadan anaga ayaa leh © 2024 waxaa soo saaray Biblica, Inc.

Waxaa lagu isticmaalay ogolaasho.

Xaqeeda oo dhanna waa la xaafiday meel walba oo aduunka ka tirsan.

Somali Contemporary Bible™ New Testament

Copyright © 2024 by Biblica, Inc.

Used with permission. All rights reserved worldwide.

Biblica, Inc.
Lean sinn:



Sanasan