Biblia Todo Logo
Bìoball air-loidhne

- Sanasan -

1 Butros 3 - Ereyga Illaahey Axdiga Cusub

1 Sidaas oo kalana dumaryahaw nimankiina ka dambeeya. Inkastoo kuwa qaar ey diidaan iney adeecaan warka wanaagsan, noloshiina quduuska ah ayaa iyaga soo jiidan doonta iyagoo aan lala hadlin,

2 markey arkaan daahirnimada iyo xushmada noloshiina.

3 Quruxdiina yeysan ka imaanin xagga banaanka, sida timo la sameeystay, waxyaalaha la xirto ee dahabka ah iyo dhar fiican.

4 Laakiin waa iney ka timaadaa gudaha, quruxda aan dhamaaneynin ee ah ruuxa qabow ee degan, taas oo Illaahey hortiisa qiimo ku leh.

5 Waayo haweenkii hore ee quduuska ahaa ee rajadoodi saartay Illaah ey isu qurxin jireen. Nimankoodana wey ka dambeyn jireen.

6 Sida Saarah, taas oo adeecday Ibraahim oo ugu yeeri jirtay sayid. Waxaad tihiin gabdhaheeda haddii aad sameysaan waxyaalaha saxda ah idinka oo aan cabsi lahayn.

7 Nimanyahaw idinkuna sidoo kale waa inaad tixgelisaan sida aan ula nooshihiin xaasaskiina. Xaaskaaga ula dhaqan si fahan leh idinka oo isla nool. Waxaa laga yaabaa iney kaa daciifsantahay, laakiin waad ka simantihiin xagga nolosha cusub oo ah hadiyada Illaahey, si aan ducadaada lagaaga diidin.


U silcida wanaaga aad sameysay dartiis

8 Ugu dambeyntii, dhamaan waa inaad lahaataan isku fikrad, waa inaad isu naxariisataan, is jeclaada oo is hooseysiiya.

9 Shar shar haku gudina caayna caay haku gudina. Laakiin waxaas oo dhan waxaad ku gudaan barako. Waayo waxyaalahan inaad sameysaan ayuu Illaahey idiin ku yeeray, darteed ayuuna idin ku barakeyn doonaa.

10 Waayo, “Mid walboo nolosha jecel oo raba inuu maalmo wanaagsan ku noolaado waa inuu carrabkiisa ka ilaaliyaa waxyaalaha sharta leh oo afkiisana ka ilaaliyaa hadallo khiyaano leh.

11 Waa iney ka laabtaan waxyaalaha sharta leh oo ey sameeyaan wanaag, waa iney raadiyaan nabad oona ka shaqeeyaan.

12 Waayo indhaha Illaahey waxey fiiriyaan kuwa sameeya waxa saxda ah, dhegihiisana wey u furanyihiin ducadooda, laakiin Illaahey wuu ka jeestaa kuwa waxa sharta ah sameeya.”

13 Yaa dhib idiin geysan doona haddii aad xamaasad u qabtaan inaad wanaag sameysaan?

14 Laakiin xitaa haddii aad u silacdaan waxa xaqa ah waad barakoobi doontaan, “Haka cabsanina hanjabaadooda, hana ka argagixina.”

15 Laakiin qalbiyadiina kaga dhiga quduus Rabbiga Masiixa ah. Haddii uu qof ku weydiiyo waxa ku saabsan rajadaada sida masiixnimada, mar walba diyaar u noqo inaad u sharaxdo.

16 Laakiin arintan u samee si qabow oo xushmad leh. Qalbiyadiina saafi ha ahaadaan, kadibna haddii ey dadku wax idin ka sheegaan wey ceeboobi doonaan markey arkaan nolosha wanaagsan ee aad ku nooshihiin waayo waxaad tihiin kuwa Masiixa.

17 Waayo wey roontahay, haddii aad u silicdo wanaaga aad sameysay dartiis haddii uu Illaahey ka raali yahay, intii aad wax shar ah sameyn lahayd.

18 Waayo Masiixu mar ayuu dembigeena dartiis u silcay, kuwa xaq ah iyo kuwa aan xaq ahaynba, si uu anaga Illaahey noogu geeyo. Jir ahaan ayuu u dhintay laakiin Ruuxa ayaa lagu nooleeyay.

19 Kadib markii la nooleeyay, wuxuu u soo wacdiyay ruuxyadii xabsiga ku jiray.

20 Kuwaas oo horey u caasiyay markii uu Illaahey dulqaad ku sugayay iney toobadkeenaan waqtigii uu Nuux dhisayay doonta. Siddeed qof oo kaliya ayaa ka badbaaday daadkii aadka u badnaa.

21 Biyahaasna waxey calaamad u yihiin baabtiiska, kaasoo idin badbaadiyay, ma aha iney wasakh jirkiina ka saaraan, laakiin waa sida u laabashada Illaahey adiga oo uu qalbigaagu saafi yahay. Waxey idin ku badbaadineysaa sarakacidda Ciise Masiix.

22 Haddaba Masiixu wuxuu tagay jannada, wuxuu fadhiyaa dhinaca midig ee Illaahey, malaa’igta iyo awoodaha samada oo dhan waxey ka dambeeyaan amarkiisa.

Kitaabka Quduuska Ah: Ereyga Illaahey™ Axdiga Cusub

Daabacaadan anaga ayaa leh © 2024 waxaa soo saaray Biblica, Inc.

Waxaa lagu isticmaalay ogolaasho.

Xaqeeda oo dhanna waa la xaafiday meel walba oo aduunka ka tirsan.

Somali Contemporary Bible™ New Testament

Copyright © 2024 by Biblica, Inc.

Used with permission. All rights reserved worldwide.

Biblica, Inc.
Lean sinn:



Sanasan