Biblia Todo Logo
Bìoball air-loidhne

- Sanasan -

1 Butros 2 - Ereyga Illaahey Axdiga Cusub

1 Sidaa darteed ka fogaada waxyaalaha xaasidnimada, khiyaanada, labawejiilenimada, maseyrka iyo aflagaadada leh.

2 Sida cunugga yar ee hadda dhashay ugu baahanyahay caanaha saafiga ah ee ruuxiga, si aad badbaadadiina ugu kortaan.

3 Waayo haddaba waad dhadhamiseen wanaaga Rabbiga.


Dhagaxa nool iyo dadka la doortay

4 Waxaad u imaaneysaan Masiixa, kaasoo ah dhagaxa nool ee binu aadanku diiday laakiin Illaahey doortay una ah mid qiimo leh.

5 Idinkuna waxaad tihiin sida dhagaxa nool ee Illaahey ku dhisanayo macbadkiisa ruuxiga ah. Waxaa intaas sii dheer inaad tihiin wadaadadiisa quduuska ah. Idinka oo Ciise Masiix u maraya ayaad u bixineysaan allabariyo Illaahey ku faraxsanyahay.

6 Waayo qorniinku wuxuu leeyahay, “Bal fiiri, waxaan Siyoon dhigay dhagax, dhagax la doortay kaasoo qiimo leh, midka isaga aaminana weligiis lama ceebeyn doono.”

7 Haddaba idinkan aaminsan, dhaguxu waa mid qiimo leh. Laakiin kuwa aan aaminsaneyn, “Dhagixii ey kuwa guriga dhisaya diideen ayaa noqday dhagaxa ugu muhiimsan dhismaha guriga.”

8 Sidoo kalana, “Waa dhagax sababa iney dadku ku turunturoodaan, waa dhagax weyn oo iyaga oo dhan ku sababa iney kufaan.” Wey turunturoonayaan waayo waxey diideen fariinta, taas oo ah mid iyaga loogu talagalay.

9 Laakiin idinku waxaad tihiin dadka la doortay, wadaaddada daacada ah, jiilka quduuska ah, kuwa Illaahey leeyahay. Waxyaalahan dartood waa inaad wanaaga Illaahey kuwa kale tustaan.

10 Markii hore ma eydan ahayn dadka Illaahey, laakiin hadda waad tihiin, markii horey ma eydan helin naxariista, laakiin hadda waxaad hesheen naxariis.


U noolaada sida adeegayaasha Illaahey

11 Saaxiibayaalow, waxaan idiin ka baryayaa sida shisheeye la musaafuriyay, ka fogaada damacyada dembiga ee la dagaalama naftiina.

12 Ku noolaada nolol wanaagsan inta aad dadka aan Illaahey garaneyn ku dhex jirtaan, inkastoo ey idin ku eedeeyaan inaad wax xun sameyneysaan, maalinta uu Illaahey wax xukumayo ayey arki doonaan camalkiina wanaagsan oo ey Illaahey ammaani doonaan.

13 Rabbiga dartiis adeeca amarrada binu aadanka oo dhan, xitaa haddii uu yahay boqorka madaxa u ah gobolka,

14 ama taliyayaasha, kuwaasoo loo soo diray si ey u ciqaabaan kuwa xumaanta sameeyay una abaal mariyaan kuwa wanaaga sameeyay.

15 Waayo doonista Illaahey inaad wanaag sameysaan si aad u aamusiiso kuwa jaahiliinta ah oo eed doqonnimo ah idinku sameynaya.

16 U noolaada sida dad xoreysan, laakiin xornimadiina ha u isticmaalina inaad wax shar leh ku sameysaan. U noolaada sida adeegaha Illaahey oo kale.

17 Qof walba xushmeeya, jeclaada walaalaha masiixiyiinta ah, Illaaheyna ka cabsada oo sharfa madaxdiina.

18 Adeegayaalyahow, waa inaad aqbashaan amarka sayidyadiina idinka oo xushmeynaya. Sameeya waxey idin dhahaan ma aha kuwa idiin wanaagsan oo idin tixgelinaya kaliya laakiin sidoo kale kuwa idin ku adkeynaaya.

19 Waayo Illaahey wuu ku farxaa markaad sameysaan waxa xaqa ah oo aadna u dulqaadataan sida xaqa ahayn ee la idiin la dhaqmo.

20 Laakiin maxey kuu tari haddii lagugu garaaco waxa xun ee aad sameysay oona u dulqaadatay dartood? Laakiin haddii aad dhibaato u marto wanaaga aad sameysay dartiis oona u dulqaadatay, Illaahey wuu kugu farxayaa.

21 Waayo Illaahey wuxuu idiin kugu wacay inaad wanaag sameysaan, xitaa haddii ey tahay inaad dhibaato martaan, sida uu Masiixu darteen ugu dhibaatooday. Isagu waa tusaalaheena, idinkuna waa inaad raacdaan waxyaalihii uu sameeyay.

22 “Dembi ma uusan galin, wax khiyaano ahna afkiisa lagama maqlin.”

23 Markii la caayeyna, wax caay ah kuma uusan celinin, markii uu silcayayna qofna uma hanjabin. Laakiin dacwadiisa wuxuu u dhaafay Illaahey, kaasoo mar walba si xaq ah wax u xukuma.

24 “Isaga ayaa dembigeena ku qaaday” jirkiisa markii uu iskutallaabta saarnaa, si aan uga dhimano dembiga oo aan ugu noolaanno xaqnimada, “Waayo nabaradiisi ayaa na bogsiiyay.”

25 Waayo, “Waxaad ahaydeen sida lax luntay,” laakiin hadda waxaad u soo laabateen Arijirka iyo Ilaaliyaha naftiina.

Kitaabka Quduuska Ah: Ereyga Illaahey™ Axdiga Cusub

Daabacaadan anaga ayaa leh © 2024 waxaa soo saaray Biblica, Inc.

Waxaa lagu isticmaalay ogolaasho.

Xaqeeda oo dhanna waa la xaafiday meel walba oo aduunka ka tirsan.

Somali Contemporary Bible™ New Testament

Copyright © 2024 by Biblica, Inc.

Used with permission. All rights reserved worldwide.

Biblica, Inc.
Lean sinn:



Sanasan