Biblia Todo Logo
Bìoball air-loidhne

- Sanasan -

1 Butros 1 - Ereyga Illaahey Axdiga Cusub

1 Warqaddan waxey ka socotaa Butros, kaasoo ah rasuulka Ciise Masiix. Waxaan warqaddan u qorayaa dadka Illaahey doortay ee shisheeyaha ah oona ku nool gobolka Bontos, Galatiya, Kabbadokiya, Aasiya iyo Bituniya.

2 Illaaha Aabaha ah wuu idin garanayaa oo mar hore ayuu idin doortay, Ruuxiisana wuxuu idin ka dhigay kuwa xaq ah. Sidaa darteed waad adeecdeen oo dhiigga Ciise Masiix ayaa la idin ku nadiifiyay. Waxaan baryayaa inuu Illaahey idin siiyo nimco iyo nabad buuxdo.


Rajada nolosha weligeed ah

3 Ammaan oo dhan ha u ahaato Illaaha ah Aabaha Sayidkeena Ciise Masiix. Naxariistiisa badan ayuu nolol cusub nagu siiyay, waayo Illaahey wuu kasoo sarakiciyay Ciise Masiix dhimashada. Haddana waxaan ku nool nahay rajo weyn,

4 waxaanna leenahay dhaxal aan weligiis dhamaaneyn, halaabeyn ama aan baaba’eyn. Dhaxalkaan jannada ayaa la idiin ku hayaa.

5 Iimaankiina dartiis ayaa Illaahey idin ku ilaalinayaa xoogiisa illaa aad ka heshaan badbaadada, taas oo diyaar u ah in la muujiyo maalinta ugu dambeyso.

6 Sidaa darteed runtii ku farxa waayo farxad cajiib ah ayaa idin ka horeysa, inkastoo aad xoogaa jarribaad ah aad mareysaan.

7 Jarribaadaan waxey tuseysaa in iimaankiinu yahay mid dhab ah. Waxaa loo tijaabinayaa sida dabku u nadiifiyo dahabka, inkastoo iimaankiinu ka qiimo badanyahay dahabka. Sidaa darteed markii uu iimaankiinu weli xoog leeyahay isaga oo maray jarribaad badan, wuxuu idiin keeni doonaa ammaan iyo sharaf badan marka Ciise Masiix loo muujin doono aduunka oo dhan.

8 Inkastoo eydan isaga arkin waad jeclaateen, inkastoo eydan hadda arkin, waad aaminteen oo farxad aan la soo koobi karin iyo ammaan ayaa idin ka buuxsantay.

9 Waayo waxaad heli doontaan badbaadada naftiina, taas oo ka timid iimaanka aad isaga aaminteen dartiis.

10 Badbaadadan waa tan nebiyada rabeen iney gartaan markey wax sii sheegayeen kuwaasoo ka hadlay nimcada idiin imaaneysay, si taxadar leh u baaray daryeel weyn.

11 Iyagoo isku dayaya iney ogaadaan waqtiga ama xaaladda uu Ruuxa Masiixa ee iyaga ku jiro ka hadlayo wax ku saabsan silaca Masiixa iyo ammaantiisa weyn ee imaan doonta.

12 Waxaa iyaga loo muujiyay ineysan isu adeegeynin, laakiin idinka. Haddaba warka wanaagsan waxaa idiin ku wacdiyay kuwa isticmaalay awoodda Ruuxa Quduuska ah ee jannada laga soo diray. Aad ayeyna cajiib u tahay xitaa malaa’igta iyagoo fiirsanaya waxyaalahan dhacaya oo dhan.


Quduus ahaada

13 Sidaa darteed, idinka oo caqligiinu soo jeedo, rajadiina saarta nimcada imaaneyso marka Ciise Masiix la soo muujin doono.

14 Sida darteed waa inaad u noolaataan sida caruurta Illaahey oo ah kuwa isaga adeeca, hana ku laabanina noloshiini hore oo ah inaad ka farxisaan damacyadiina sharta ah.

15 Laakiin hadda waa inaad quduus ahaataan, waxyaalaha aad sameysaan oo dhan quduus ku ahaada.

16 Waayo qoraalku wuxuu leeyahay, “Quduus ahaada, waayo aniguba waxaan ahay quduus.”

17 Xasuusta Aabaheena aad ku duceysataan qofna uma eexdo. Wuxuu idin ku xukumi doonaa ama idin ku abaalgudi doonaa waxaad sameyseen. Sidaa darteed waa inaad ku noolaataan cabsida Illaahey idinkoo dhulka dadeed shisheeya ahaan ugu nool.

18 Waayo waad garaneysaan inuu Illaahey idin kasoo madax furtay noloshii aan qiimaha lahayn ee aad ka dhaxasheen awoowayaasheen. Madax furashadaas uma bixinin wax sida dahab ama qalin ah.

19 Laakiin waxaa la idin ku madax furtay dhiigga Masiixa oo qiimo leh, Wan aan xumaan ama cilad lahayn.

20 Waxaa la doortay mar hore intaan aduunka la abuurin, laakiin waxaa la muujiyay waqtiga ugu dambeeya idinka dartiin.

21 Ciise wuxuu sameeyay darteed ayaad Illaahey ku aaminteen, kaasoo isaga kasoo sarakiciyay dhimashada oona ammaanay, sidaa darteed iimaankiina iyo rajadiina waxey saarantahay Illaahey.

22 Dembiyadiina ayaa la idin ka nadiifiyay markaad adeecdeen runta, haddaba waa inaad jaceyl run ah istustaan idinkan walaalaha ah. Si dhab ah qalbigiina iskaga jeclaada.

23 Waayo waxaad mar labaad ka dhalateen abuur aan weligiis halaabeyn. Noloshaada cusub waa tan weligeed ah waayo waxey ka imaatay tan weligeed ah adiga oo ku noolaanaya ereyga Illaahey.

24 Waayo, “Dadka oo dhan waa sida caws, ammaantooduna waa sida ubaxa beerta ku yaala, cawsku wuu qalalaa ubaxuna uu dhacaa.

25 Laakiin ereyga Illaahey weligiis ayuu joogi doonaan.” Ereygaasna waa warka wanaagsan kaasoo la idiin wacdiyay.

Kitaabka Quduuska Ah: Ereyga Illaahey™ Axdiga Cusub

Daabacaadan anaga ayaa leh © 2024 waxaa soo saaray Biblica, Inc.

Waxaa lagu isticmaalay ogolaasho.

Xaqeeda oo dhanna waa la xaafiday meel walba oo aduunka ka tirsan.

Somali Contemporary Bible™ New Testament

Copyright © 2024 by Biblica, Inc.

Used with permission. All rights reserved worldwide.

Biblica, Inc.
Lean sinn:



Sanasan