Online Bible

- Reklamy -

Yacquub 4 - Ereyga Illaahey Axdiga Cusub


Illaahey adeeca

1 Maxaad ku dagaalameysaan oo aad ku doodaysaan? Miyeysan ka imaanin damacyada xun xun ee idinku jira?

2 Waxaad dooneysaan wax eydan haysanin, oo waxaad sameyn doontaan wax kasta si aad u heshaan. Waxaad ka maseyrsantihiin waxa dadka kale haystaan, mana heli kartaan, sidaa darteed waxaad bilowdaan dagaal si aad uga soo qaadataan. Ma haysataan waxaad rabtaan waayo Illaahey ma eydan weydiisan.

3 Xitaa markaad duceysaneysaan, baryadiina lama aqbalo, maxaa yeelay, waxaad u duceysataan ujeedo qaldan oo waxaad rabtaan waxyaalaha damacyadiina ka farxiya.

4 Dadkiinan sinada badanow miyeydaan garaneyn saaxiibnimada aduunka waa cadawnimada Illaah? Sidaa darteed qof walboo aduunka la saaxiiba Illaahey ayuu cadow la noqday.

5 Mise miyaad u maleynaysaan inuu qorniinka sabab la’aan u yiri, wuxuu si hinaaso leh ugu xiisaa ruuxa uu sababay inuu nagu dhex jiro?

6 Laakiin wuxuu na siiyay nimco kasii badan si aan uga hortagno damacyada sharta leh. Sida qorniinku leeyahay, “Illaahey waa kasoo horjeedaa kuwa kibra, laakiin kuwa is hooseysiiya ayuu u eexdaa.”

7 Illaah isu dhiiba. Ibliiska hor joogsada, isaguna wuu idin ka carari doonaa.

8 Illaahey u soo dhawaada, Illaaheyna wuu idiin soo dhowaanayaa. Dembiilayaal yahow, gacmihiina nadiifiya. Qalbigiinana nadiifiya, waayo daacadnimadiinu waxey u kala qeybsan tahay Illaahey iyo aduunka.

9 Murugooda, baroorta oo ooya. Qosolkiina oohin ku beddela. Meeshii aad ka farxi lahaydeen noqda kuwo murugeysan.

10 Isku hooseysiiya Rabbiga hortiisa, isaguna wuu idin sareysiin doonaa.

11 Walaalayaalow xumaan ha iska sheegina, haddaad wax iska sheegtaan oo aad is xukuntaan, waxaad eedeyneysaan oo xukumeysaan sharciga Illaahey. Laakiin shaqadaadu waa inaad u hogaansanto sharciga, ma aha inaad xukunto inuu ku khuseeyo iyo in kale.

12 Illaahey kaligiis oo ah kan sharciga bixiyaa waa xaakim. Isaga kaligiis ayaa awood u leh inuu wax badbaadiyo ama burburiyo. Haddaba sideed xaq ugu leedahay inaad deriskaaga xukuntid?


Digniin ku saabsan isku kalsoonaanta

13 Bal dhageysta kuwiinan dhahaya, “Maanta ama berri ayaan magaalada aadi doonnaa. Muddo sanad ah ayaan ku ganacsan doonnaa halkaas, waxaanna ka sameyn doonnaa lacag badan.”

14 Maxaad ka ogtihiin berri? Siddeed ku hubi kartaan noloshiina? Waa ceeryaamo wax yar imaaneysa kadibna baaba’eysa.

15 Waa inaad tiraahdaan, “Haddii Rabbigu uu na daayo, waan noolaan doonaa oo aan sameyn doonaa waxyaalahan ama kuwaas.”

16 Haddii kale waxaad ku faaneysaan qorshihiina, oo dhamaan faankaas oo dhan waa shar.

17 Haddii uu qofku garanayo waxa wanaagsan ee uu sameyn lahaa laakiin uusan sameynin, waxey u tahay dembi.

Kitaabka Quduuska Ah: Ereyga Illaahey™ Axdiga Cusub

Daabacaadan anaga ayaa leh © 2024 waxaa soo saaray Biblica, Inc.

Waxaa lagu isticmaalay ogolaasho.

Xaqeeda oo dhanna waa la xaafiday meel walba oo aduunka ka tirsan.

Somali Contemporary Bible™ New Testament

Copyright © 2024 by Biblica, Inc.

Used with permission. All rights reserved worldwide.

Biblica, Inc.
Následuj nás:



Reklamy