Online Bible

- Reklamy -

Tiitos 1 - Ereyga Illaahey Axdiga Cusub

1 Warqaddan waxey ka socotaa aniga oo ah Bawlos, ahna adeegaha Illaahey iyo rasuulkii Ciise Masiix. Waxaa la ii soo diray inaan u wacdiyo iimaanka kuwa Illaahey doortay, oo aan baro iney ogaadaan runta taas oo ku hogaamineysa nolosha Illaahey ka farxisa.

2 Runtan waxey iyaga siineysaa kalsooni taas oo ah rajada nolosha weligeed ah, taas oo Illaaha aan beenta sheegin uu iyaga ka ballan qaaday bilowgii aduunka ka hor.

3 Oo waqtigii loogu talagalay ayuu fariintiisi ku muujiyay. Taas oo aan qof walba u wacdinay, amarka Illaaha Badbaadiyaheena ah ayaa la iigu aaminay shaqadan.

4 Waxaan warqaddan u qorayaa Tiitos oo ah wiilkeyga runta ah oo aan isku iimaanka nahay. Waxaan Illaaha Aabaha ah iyo Sayidkeena Ciise Masiix kaasoo ah badbaadiyaheena ka baryayaa inuu idin siiyo nimco iyo nabad.


Doorashada odayaasha jecel waxa wanaagsan

5 Sababta aan jasiiradda Kereetee kaaga tagay waa inaad halkaas ka dhameyso shaqada, oo aadna magaalo walba ka doorato odayaal sidii aan kuu sheegay.

6 Odaygu waa inuu yahay mid aan eed lahayn, waa inuu leeyahay hal xaas oo kaliya, caruurtiisuna waa iney ahaadaan kuwo rumeysan oo aan dabeecad xumeyn caasina ahayn.

7 Maxaa yeelay odayga kaniisadda wuxuu masuul ka yahay shaqada Illaah, waa in uusan eed lahayn. Waa in uusan isla weyni lahayn, ama uusan xanaaq badneyn, waa in uusan sarqaamin ama ahayn mid rabshad leh, oo uusan khiyaano lahayn.

8 Laakiin waa inuu ahaadaa mid dadka martigeliya, waa inuu jeclaadaa waxa wanaagsan, waa inuu ahaadaa mid xigmad leh oona xaq ah, waa inuu ku noolaadaa nolol quduus ah oo edeb leh.

9 Waa inuu aad u aaminaa fariinta aaminka ah ee la baray. Kadibna wuxuu awoodi doonaa inuu kuwa kale ku dhiirigeliyo waxbaridda runta ah, iyo weliba inuu tuso qaladka kuwa kasoo hor jeeda.


Canaanta kuwa aan sameynin wanaaga

10 Waayo waxaa jira dad badan oo caasiyoobay oo ku hadla wax aan micno lahayn oo dadka kalana khiyaana. Gaar ahaan Yuhuudda ku adkaysatay gudniinka inuu badbaadada keenayo.

11 Waa in la joojiyaa, waayo waxey reerka oo dhan ka jeediyeen runta iyagoo baraya wax been ah, waxaanna waxey u sameynayaan lacag darteed.

12 Mid ka mid ah nebiyadii Kereetee ayaa yiri, “Dadka reer Kereetee mar walba waa beenaalayaal, waa dad shar leh, waana caajislowyaal hunguri weyn sida xayawaan duureedka.”

13 Oraahdan waa run. Sidaa darteed waa inaad canaanataa si ey iimaanka ugu xoogeystaan.

14 Waa iney joojiyaan dhageysiga Yuhuudda beentooda iyo amarrada dadka runta ka leexday.

15 Wax walba waa u daahir kuwa qalbigoodu daahirka yahay, laakiin waxba daahir uma aha kuwa aan rumeysanin oo qalbigoodu waxa xun ka buuxo. Kuwaas qalbigooda iyo damiirkoodaba wey qaribmeen.

16 Waxey sheeganayaan iney Illaahey garanayaan, laakiin noloshooda kama muuqato. Iyaga waa la nacay, oo waa caasi mana istaahilaan iney wax wanaagsan sameeyaan.

Kitaabka Quduuska Ah: Ereyga Illaahey™ Axdiga Cusub

Daabacaadan anaga ayaa leh © 2024 waxaa soo saaray Biblica, Inc.

Waxaa lagu isticmaalay ogolaasho.

Xaqeeda oo dhanna waa la xaafiday meel walba oo aduunka ka tirsan.

Somali Contemporary Bible™ New Testament

Copyright © 2024 by Biblica, Inc.

Used with permission. All rights reserved worldwide.

Biblica, Inc.
Následuj nás:



Reklamy