Online Bible

- Reklamy -

Rooma 5 - Ereyga Illaahey Axdiga Cusub


Iimaanku wuxuu keenaa farxad

1 Sidaa darteed iimaankeena oo xaq nalooga dhigay darteed, waxaa Illaahey nagala dhaxeysa nabad aan ku helnay Sayidkeena Ciise Masiix.

2 Kaasoo aan dartiis rumeysad ku galnay nimcada aan ku dhex jirno. Waxaanna ku faraxnaa rajada ammaanta Illaah.

3 Sidoo kale waan faraxnaa markaan dhibaatooyin iyo silac la kulanno, waayo waan ognahay in silacu nagu caawiyo inaan dulqaad lahaanno.

4 Dulqaadkuna wuxuu noo keenaa adkeysi, kaasoo na siiya rajo.

5 Rajaduna ceeb nooma keento, waayo Illaahey wuxuu na siiyay Ruuxa Quduuska ah kaasoo qalbiyadeena ka buuxiyay jaceylkiisa.

6 Waayo Masiixa ayaa noo dhintay waqti aan ahayn kuwo awood daran oo dembiilayaal ah.

7 Ma jiro qof raba inuu u dhinto qof xaq ah, inkastoo laga yaabo qof inuu isku dayo inuu u dhinto qof wanaagsan.

8 Laakiin Illaahey wuxuu jaceylkiisi nagu tusay sidan, anaga oo weli dembiile ah ayuu Masiixu noo dhintay.

9 Mar haddii aan dhiigga Ciise xaq ku noqonay, intee ka badan ayaan carada Illaahey ka badbaadi doonaa!

10 Waayo haddii markaan Illaahey cadowgiisa ahayn, aan kula heshiinay dhimashada Wiilkiisa, haddaba waa hubaal inaan ku badbaadi doonno nolosha Wiilkiisa.

11 Hadda waan ku farxi karnaa xiriirka cajiibka ah ee aan la leenahay Illaahey, waayo Sayidkeena Ciise Masiix ayaa saaxiib nagala dhigay Illaahey.


Aadan iyo Masiixa

12 Haddaba sidii uu dembigu hal nin dartiis aduunka ugu soo galay, dhimashaduna ey ku timid dembiga dartiis. Sidaa darteed qof walba waxaa ku waajibay dhimasho waayo qof walba wuu dembaabay.

13 Runtii dembigu duniduu ku jiray inta uusan sharcigu imaan ka hor. Laakiin dadka dembigooda looma qori jirin waayo sharci xukuma ma jirin.

14 Si kastaba ha ahaatee qof walba wuu dhimanayay laga soo bilaabo waqtigii Aadan illaa waqtigii Muuse. Xitaa waxaa dhimanayay kuwii aan ku dembaabin sharciga Illaahey xaggiisa ka yimid, sidii Aadan sameeyay. Aadan wuxuu calaamad u ahaa Masiixii imaan rabay.

15 Laakiin farqi weyn ayaa u dhaxeeya dembigii Aadan iyo Illaahey hadiyadiisa. Waayo dembiga Aadan ayaa dad badan dhimasho u keenay. Laakiin waxaa kasii weyn Illaahey nimcadiisa iyo cafintiisa ee aan ku helnay Ciise Masiix.

16 Natiijada Illaahey nimcadiisana aad ayey uga duwan tahay natiijada dembigii Aadan. Waayo dembigii Aadan wuxuu dadka u keenay ciqaab, laakiin hadiyada Illaahey waxey naga dhigtay xaq, inkastoo aan marar badan dembaabnay.

17 Haddaba haddii dembigii Aadan dartiis ey dadku ku xukunnaayeen dhimasho, intee ka badan ayey kuwa helay nimcada Illaahey iyo hadiyada xaqnimada ku raaxeysanayaan nolol Ciise Masiix dartiis.

18 Qof walba ciqaab ayaa ku waajibneyd dembigii Aadan dartiis. Laakiin wixii wanaagsanaa ee uu Masiixu sameeyay dartiis, Illaahey wuxuu naga dhigay xaq wuxuuna na siiyay hadiyada nolosha ah.

19 Aadan wuxuu ku caasiyay Illaahey wuxuuna dad badan ka dhigay dembiilayaal. Laakiin Ciise ayaa adeecay Illaahey wuxuuna dad badan ka dhigi doonaa xaq.

20 Sharcigu wuxuu u yimid si ey dadku u arkaan sidii ey dembiile u yihiin. Laakiin markii dembigii batay Illaahey nimcadiisina wey sii badatay.

21 Haddaba sidii uu dembiga dadka ugu keenay dhimasho ayaa nimcada Illaaheyna dadka ugu keentay xaqnimo iyo nolosha weligeed ah ee aan ku helnay Sayidkeena Ciise Masiix.

Kitaabka Quduuska Ah: Ereyga Illaahey™ Axdiga Cusub

Daabacaadan anaga ayaa leh © 2024 waxaa soo saaray Biblica, Inc.

Waxaa lagu isticmaalay ogolaasho.

Xaqeeda oo dhanna waa la xaafiday meel walba oo aduunka ka tirsan.

Somali Contemporary Bible™ New Testament

Copyright © 2024 by Biblica, Inc.

Used with permission. All rights reserved worldwide.

Biblica, Inc.
Následuj nás:



Reklamy