Online Bible

- Reklamy -

Rooma 16 - Ereyga Illaahey Axdiga Cusub


Salaamo qaas ah

1 Waxaan idin kala dardaarmayaa walaasheen Foybi, oo ah mid u adeegta kaniisadda ku taala Kenekhreya.

2 Illaahey dartiis u soo dhaweeya, una soo dhaweeya si u qalanta dadka Illaahey, caawimaad walboo ey idiin kaga baahantahayna siiya. Waayo iyadu xitaa dad badan oo aan ku jiro ayey soo caawisay.

3 Iigu salaama Bariskilla iyo Akula oo ah kuwo aan shaqada Ciise Masiix wada qabano.

4 Noloshooda ayey dartey halis u galiyeen. Aniga kaligeyna maahee dadka aan Yuhuudda ahayn oo dhan ayaa u mahadcelinaya.

5 Sidoo kalana iigu salaama xerta gurigooda ku kulma. Iigu salaama saaxiibkeyga qaaliga ah Ebaynetos, kaasoo ahaa kii ugu horeeyay ee Aasiya Masiixa ka rumeeya.

6 Iigu salaama Maryan taas oo aad idin kugu dadaashay.

7 Iigu salaama Andaronikos iyo Yuniyas, kuwaasoo Yuhuud ila ah xabsina igula jiray. Rasuullada dhexdooda caan ayey ka yihiin hortey ayeyna Masiixi ahaayeen.

8 Iigu salaama Ambaliyas, walaalkey aan Rabbiga dartiis saaxiib qaaliya ku nahay.

9 Iigu salaama Urbanos oo aan shaqada Masiixa wada qabano iyo Istakhus saaxiibkey qaaliga ah.

10 Iigu salaama Abellees, kaasoo adeege daacad ah u ah Masiixa. Iigu salaama kuwa ka tirsan reer Aristobulos.

11 Iigu salaama walaalkey aan Yuhuudda wada nahay ee Herodiyos. Iigu salaama kuwa guriga Narkisos jooga ee Masiixiyiinta ah.

12 Iigu salaama Tarufayna iyo Tarufoosa, kuwaasoo Rabbiga aad ugu adeega. Iigu salaama saaxiibteyda qaaliga ah Bersis, taas oo iyaduna Rabbiga aad ugu adeegta.

13 Iigu salaama Rufus kaasoo uu Illaahey doortay iyo hooyadiis oo hooyo oo kale ii ahayd.

14 Iigu salaama Asunkiritos, Filegoon, Hermees, Batrobas, Hermaas iyo walaalaha kale ee la jooga.

15 Iigu salaama Filologos, Yulya, Neere’us iyo walaashiis, iyo Olumbas iyo walaalaha kale ee iyaga la jooga oo dhan.

16 Isku salaama dhunkashada quduuska ah. Kaniisadihii Masiixa oo dhan wey idin soo salaamayeen.

17 Walaalayaalow waxaan idiin dardaarmayaa inaad iska ilaalisaan kuwa kala qeybsanaanta idiin keena ee caqabad ee kasoo horjeeda waxbaridda aad barateen. Kuwaas ka fogaada!

18 Waayo iyagoo kale Sayidkeena Ciise Masiix uma adeegaan, laakiin waxey u adeegaan danahooda. Hadalkooda macaan iyo sasabasho ayey ku khiyaanaan maskaxda dadka nacasyada ah.

19 Waan ku faraxsanahay inuu qof walba maqlay sidaad Rabbiga u adeecdeen. Laakiin weli waxaan idin ka rabaa inaad fahantaan waxa wanaagsan xumaantana aad ka fogaataan.

20 Illaaha nabadda bixiyana wuxuu mar dhow Shaydaanka keeni doona cagihiina hoostooda. Nimcada Rabbigeena Ciise Masiix ha idin la jirto.

21 Waxaa idin salaamaya Timoteyos oo aan isla shaqeyno, sidoo kale waxaa idin salaamaya Lukiyos, Yasoon iyo Soosibater oo Yuhuud ila ah.

22 Aniga oo ah Tertiyos oo warqaddan qorayna waxaan idinku salaamayaa magaca Illaahey.

23 Gayos oo aniga iyo dadka kaniisadda oo dhan aan marti u nahayna wuu idin salaamayaa. Erastos oo ah maamulaha qasnada magaalada iyo walaalkeen Kowartos wey idin soo salaamayaan. [

24 Nimcada Rabbigeena Ciise Masiix kuligiin ha idin la jirto. Aamiin.]

25 Aan Illaahey wada ammaanno! Kaasoo awoodda inuu idinku xoogeeyo warka wanaagsan ee aan wacdinayo, kaasoo ah warka ku saabsan Ciise Masiix. Waayo waqti dheer ayaa warkan la qarinayay,

26 laakiin hadda shaaca ayaa laga qaaday. Illaaha weligiis jira ayaa nebiyadiisa amray iney warka wanaagsan wax ka qoraan, si quruumaha oo dhan isaga u adeecaan oo u aaminaan.

27 Haddana Ciise Masiix dartiis ayaan weligeen ku ammaaneynaa Illaaha xigmadda badan! Aamiin.

Kitaabka Quduuska Ah: Ereyga Illaahey™ Axdiga Cusub

Daabacaadan anaga ayaa leh © 2024 waxaa soo saaray Biblica, Inc.

Waxaa lagu isticmaalay ogolaasho.

Xaqeeda oo dhanna waa la xaafiday meel walba oo aduunka ka tirsan.

Somali Contemporary Bible™ New Testament

Copyright © 2024 by Biblica, Inc.

Used with permission. All rights reserved worldwide.

Biblica, Inc.
Následuj nás:



Reklamy