Online Bible

- Reklamy -

Rooma 14 - Ereyga Illaahey Axdiga Cusub


Dadka kale ha xukumina

1 Soo dhoweeya kuwa iimaankoodu daciif yahay, idinka oo aan kula doodeynin ra’yiga la isku khilaafo.

2 Dadka qaar waxey aaminsanyihiin in wax walba la cuni karo, halka kuwa uu iimaankoodu daciifka yahay cunaan khudaar oo kaliya.

3 Haddaba idinku haku xukumina dadka iney wax walba cunaan ama in eysan waxba cunin. Waayo Illaahey qof walba wuu soo dhaweeyaa.

4 Yaa kuu baneeyay inaad xukunto qof kale adeegihiisa? Sayidkooda oo kaliya ayaa sheegi kara iney wax wanaagsan sameynayaan, Sayidkooda ayaana wanaagooda ku shuqul leh.

5 Qaar ka mid ah kuwa Rabbiga raacsan ayaa aaminsan in maalin ka mid ah maalmaha ey ka muhiimsantahay maalmaha kale. Qaar kalana waxey aaminsanyihiin in maalmuhu simanyihiin. Laakiin qof walba waa inuu isagu go’aanka gaaraa.

6 Qofka u qaata in maalin maalmaha kale ka muhiimsan jirto waxey sidaa u sameeyaan iney Rabbigooda qadariyaan. Walaalaha hilibka cunana Rabbigoodey u mahadceliyaan, sida kuwa aan hilibka cunin Illaahey ugu mahadceliyaan oo kale.

7 Haddaan dhimano iyo haddaan noolaannaba, waa inaan Rabbiga u dhimanaa ama u noolaannaa, ee eysan nafteena noqon.

8 Haddaan dhimano iyo haddaan noolaannaba, waa inaan Sayidka u dhimanaa ama u noolaannaa, waayo Sayidka ayaa na leh.

9 Waayo Masiixu wuu dhintay kadibna wuu ka sarakacay dhimashada. Sidaa darteed ayuuna ku noqonayaa Sayidka kuwa dhintay iyo kuwa nool.

10 Haddaba maxaad walaalihiin u xukuntaan? Maxaadna u yastaan? Waxaa soo socota maalin uu Illaahey kuligeen na xisaabin doono.

11 Illaahey wuxuu kitaabka ku yiri, “ ‘Nolosheydaan ku dhaartaye qof walba wuu ii sujuudi doonaa qof walbana wuu i ammaani doonaa.’ ”

12 Haddaba mid walboo naga mid ah waxaa lagu xisaabin doonaa Illaahey hortiisa.

13 Sidaa darteed waa inaan joojinaa inaan xukuno kuwa kale. Beddelkeedi go’aansada in aadan u noqonin dhagax ey turunturoodaan, ama caqabad walaalaha.

14 Sayid Ciise ayaa ii cadeeyay in Illaahey cuntada oo dhan ka dhigay xalaal. Laakiin haddaad aaminsan tihiin in cuntooyinka qaar xaaraan yihiin, xaaraan ayey idin ka noqonayaan.

15 Haddii walaalahaa ey dhibeyso waxa aad cunto, waxaad ku dhaqmeysaa jaceyl la’aan. Cunitaankaagu yuusan dhibin qof uu Masiixu u dhintay.

16 Waxaad u aragto inuu wanaagsan yahay in la cuno yuusan Masiixa ceeb u soo jiidin.

17 Waayo boqortooyada Illaahey cunid iyo cabid ma aha. Laakiin boqortooyada Illaahey waa Illaahey oo la raali geliyo, nabad oo lagu noolaado iyo farxad dhab ah. Waxan oo dhanna waxey ka yimaadaan Ruuxa Quduuska ah.

18 Haddaad sidaas Masiixa ugu adeegtaan, Illaahey ayaad ka farxineysaan dadkuna wey idin xushmeynayaan.

19 Saas awadeed aan saarno xoog si aan u sameyno waxa nagu hagaya nabad iyo is dhisid.

20 Howl uu Illaahey sameeyay cunto darteed haku burburinina. Cuntooyinka oo dhan waa daahir, laakiin waxaa qaldan in cuntada aad cuneyso ey dadka kale dhibaato u keento.

21 Waxaa wanaagsan in eydan hilib cunin khamrina cabin wax kalana eydan sameyn haddey walaalihiin dhibaato u keeneyso.

22 Waxyaalaha aad ka aaminsantahay arimahan adiga iyo Illaahey ha idinku koobnaato. Waxaa barakeysan midka aan isku eedeyn wuxuu ogolaaday.

23 Laakiin qof kasta oo shaki qaba waa la xukumay, haddii ey cunaan. Wax walboo aan iimaankaaga waafaqsaneynna waa dembi.

Kitaabka Quduuska Ah: Ereyga Illaahey™ Axdiga Cusub

Daabacaadan anaga ayaa leh © 2024 waxaa soo saaray Biblica, Inc.

Waxaa lagu isticmaalay ogolaasho.

Xaqeeda oo dhanna waa la xaafiday meel walba oo aduunka ka tirsan.

Somali Contemporary Bible™ New Testament

Copyright © 2024 by Biblica, Inc.

Used with permission. All rights reserved worldwide.

Biblica, Inc.
Následuj nás:



Reklamy