Online Bible

- Reklamy -

Matayos 28 - Ereyga Illaahey Axdiga Cusub


Ciise wuu sarakacay

1 Maalintii Sabtida ka dambaysay oo ahayd maalintii usbuuc ugu horraysay, Maryantii reer Magdala iyo Maryantii kale ayaa tagay si ey xabaasha u soo fiiriyaan.

2 Isla markiiba waxaa dhacay dhul gariir weyn, waxaana samada ka yimid malag Illaahey. Wuxuuna leexiyay dhagaxii qabriga ku daboolnaa wuuna ku dul fariistay.

3 Malagu wuxuu u dhalaalayay sidii iftiinkii, dharkiisuna waxey u cadaayeen sidii barafkii.

4 Askartii qabriga ilaalineysay ayaa gariiray oo sidii maydkii cabsi darteed dhulka ugu dhacay.

5 Markaas ayuu malagii haweenkii ku yiri, “Ha cabsanina, waayo waan ogahay inaad u timaadeen Ciise, kaasoo iskutallaabta lagu qodbay.

6 Halkan ma joogo! Wuu sarakacay sidii uu horey idin kugu sii sheegay. Bal fiiriya meeshii uu jirkiisu yaalay.

7 Haddaba dhaqso taga oo u sheega xertiisa oo ku dhaha, ‘Ciise dhimashada wuu ka sarakacay wuxuuna idin kaga hor mari doonaa Galili. Halkaas ayaad ku arki doontaan.’ Waxaanna u imid inaan arintaas idiin sheego.”

8 Markaas ayey dumarkii dhaqso uga tageen xabaasha iyagoo argagaxsan oona faraxsan si ey ugu sheegaan xertiisi.

9 Isla markiiba waxaa jidka kula kulmay Ciise oo ku yiri, “Waan idin salaamay.” Markaas ayey u dhawaadeen oo lugihiisa ku sujuudeen.

10 Kadib Ciise ayaa ku yiri, “Ha cabsanina, taga oo u sheega walaalahay iney Galili tagaan, halkaas ayey igu arki doonaan.”


War bixintii waardiyayaasha

11 Intey dumarkii sii socdeen, qaar ka mid ah waardiyayaashii ayaa magaalada tagay oo gudoomiyayaashii wadaaddada u sheegay wax walboo dhacay.

12 Markaas ayey Gudoomiyayaashii wadaaddada la kulmeen odayaashii waxeyna go’aansadeen iney lacag laaluush ah siiyaan waardiyayaashii,

13 waxeyna ku yiraahdeen, “Waxaad qof walba ku tiraahdaan, ‘xertii Ciise ayaa yimaadeen habeenkii intaan hurudnay oo xaday jirkii Ciise.’

14 Haddii taliyuhu maqlo warkan, waan qancineynaa, oo dhibka waan idin ka leexineynaa.”

15 Markaas ayey waardiyayaashii qaateen lacagtii oo sameeyeen sidii lagu amray. Sheekadaasna illaa maanta Yuhuudda qaar wey aaminsanyihiin.


Waxa xerta Ciise laga rabo iney sameeyaan

16 Kadib kow iyo tobankii xerta ahaa waxey aadeen buur Galili ku taala, halkaas oo uu Ciise amray iney tagaan.

17 Markey Ciise arkeen wey u sujuudeen, laakiin qaar ayaa ka shakiyay.

18 Markaas ayuu Ciise iyagii u yimid oo ku yiri, “Awood oo dhan ayaa samada iyo dhulka la iga siiyay.

19 Sidaa darteed, taga oo quruumaha oo dhan xer ka dhiga, idinka oo ku baabtiisaya magaca Aabaha iyo Wiilka iyo Ruuxa Quduuska ah,

20 oona baraya iney adeecaan wax walboo aan idin ku amray. Weligiinna waan idin la jiri doonaa, xitaa illaa dhamaadka aduunka.”

Kitaabka Quduuska Ah: Ereyga Illaahey™ Axdiga Cusub

Daabacaadan anaga ayaa leh © 2024 waxaa soo saaray Biblica, Inc.

Waxaa lagu isticmaalay ogolaasho.

Xaqeeda oo dhanna waa la xaafiday meel walba oo aduunka ka tirsan.

Somali Contemporary Bible™ New Testament

Copyright © 2024 by Biblica, Inc.

Used with permission. All rights reserved worldwide.

Biblica, Inc.
Následuj nás:



Reklamy