Matayos 11 - Ereyga Illaahey Axdiga CusubCiise iyo Yooxanaa Baabtiisaha 1 Markii uu Ciise dhameeyay la dardaarankii xertiisa, halkaas wuu ka tagay wuxuuna aaday magaalooyinkii meeshaas u dhawaa isaga oo wacdinaya waxna baraya. 2 Markii uu Yooxanaa oo xabsi ku jiray, maqlay waxyaalihii uu Masiixu sameynayay, wuxuu soo diray xertiisi, 3 si ey Ciise u weydiiyaan, “Miyaad tahay Masiixa imaanaya, mise ku kale ayaan sugnaa?” 4 Ciise ayaa ugu jawaabay, “Ku laabta Yooxanaa oo u sheega waxaad maqasheen iyo waxaad aragteen. 5 Indhoolayaashu waxey heleen aragoodi, kuwii curyaamada ahaana wey socdeen, kuwii baraska lahaana waa la nadiifiyay, kuwii dhagaha la’aana wax ayey maqleen, kuwii dhintayna waa la sarakiciyay, warka wanaagsanna waa loogu wacdiyay masaakiinta. 6 Waxaana barakeysan kuwa aanan iga shakinin.” 7 Markey xerta Yooxanaa sii baxayeen Ciise wuxuu bilaabay inuu dadkii kala hadlo wax ku saabsan Yooxanaa. “Nin sidee ah ayaad cidlada ugu tagteen si aad u soo aragtaan? Ma cawsduur ey dabayshu dhinac walba u ruxeyso? 8 Haddeysan sidaas ahayn nin noocee ah ayaad cidlada ugu tagteen inaad aragtaan? Ma inaad aragtaan nin dhar wanaagsan ku labisan? Maya, waayo dadka dharka wanaagsan xirta waxey ku nool yihiin qasriyada boqorrada. 9 Haddaba maxaad cidlada u tagteen inaad soo aragtaan? Ma waxaad u tagteen inaad nebi soo aragtaan? Haa weliba waxaan idin ku leeyahay wuu ka sareeyaa nebi. 10 Kani waa kii uu qoraalku ka qoray isaga oo leh, “ ‘Waxaan hortaada soo diri doonaa wargeeyaheyga, kaasoo jidka kuu sii diyaarin doona inta aadan imaanin ka hor.’ 11 Runtii waxaan idin ku leeyahay, mid Yooxanaa Baabtiisaha ka weyn weli hooyo ma dhalin, laakiin kan boqortooyada jannada ugu liita ayaa isaga ka weyn. 12 Laga soo bilaabo maalmihii Yooxanaa Baabtiisaha illaa hadda, boqortooyada jannada dagaal ayaa lagula jiray oo dad ayaa isku deyayay iney weeraraan. 13 Kitaabada nebiyada oo dhan iyo sharciga Muuse waxey sii sheegeen waxa dhici doona illaa waqtiga Yooxanaa. 14 Haddii aad aaminaysaanna, Yooxanaa waa nebi Eliyaaskii aad sugeyseen. 15 Mid walboo dheggo leh ha maqlo. 16 “Maxaan u ekeysiin karaa dadkan? Waa sida caruur meelaha suuqa ah fadhiya oo isku dhahaya, 17 “ ‘Waxaan idiin tunnay muusig, laakiin idinkuna ma eydan ciyaarin, markaas ayaan haddana idiin barooranay, laakiin ma eydan barooran.’ 18 Waayo Yooxanaa wuxuu yimid isaga oo aan waxna cunayn waxna cabayn, waxeyna yiraahdeen, ‘Ruuxyo wasakh leh ayuu qabaa.’ 19 Laakiin Wiilka Aadanaha ayaa yimid isaga oo wax cunaya waxna cabaya, waxeyna yiraahdeen, ‘Waa hunguri weyne oo khamriga ayuu cabaa, wuxuu saaxiib la yahay canshuur qaadayaasha iyo dembiilayaasha.’ Laakiin xigmadda waxaa lagu cadeeyay camalladeeda wanaagsan.” Hoog ayaa sugaya dadka aan toobadkeenin magaalooyinkooda 20 Dadkii daganaa magaalooyinkii uu Ciise ka sameeyay mucjisooyinkiisii ugu badnaa wey diideen iney Illaahey u toobadkeenaan, sidaa darteed Ciise aad ayuu uga xumaaday wuxuuna yiri, 21 “Hoog ayaa idin sugaya dadkii Khorasinayow! Hoog ayaa idin sugaya dadkii Beytsaydayow! Waayo mucjisooyinkii la idin ka dhex sameeyay haddii lagu dhex sameyn lahaa Turos iyo Siidoon, mar hore ayey toobadkeeni lahaayeen iyagoo dhar jawaan ka sameysan xiran oo madaxana dambas marsaday. 22 Laakiin waxaan idin ku leeyahay, maalinta wax la xukumayo Turos iyo Siidoon ayaa idin ka xukun fududaan doona. 23 Idinkuna dadkii Kafarna’umow, ma waxaad u maleyneysaan in jannada la idiin qaadi doono? Maya, waxaa la idin ku tuuri doonaa naarta! Waayo haddii mucjisooyinkii la idin ku dhex sameeyay lagu dhex sameyn lahaa Sodom, illaa maanta wey jiri lahayd. 24 Laakiin waxaan idin ku leeyahay, maalinta wax la xukumayo dhulka Sodom ayaa idin ka xukun fududaan doonta.” Ii imaada aad nasataane 25 Isla waqtigaas ayuu Ciise yiri, “Aabow, Rabbiga samada iyo dhulkow, waan kuu mahadcelinayaa, waayo waxan oo dhan waad ka qarisay kuwa xigmadda leh iyo kuwa wax bartay waxaadna u muujisay kuwan yar yar. 26 Haa, Aabow, sidaas ayaa kaa farxisay. 27 “Aabahay ayaa wax walba i siiyay. Cidna ma garaneyso Wiilka Aabaha maahee, sidoo kalana cidna ma garaneyso Aabaha Wiilka iyo kuwii uu doorto inuu u muujiyo maahee. 28 “Ii imaada, kuligiin kuwiinan daalan oo culeyska wadow, waana idin nasin doonaa. 29 Waxbarideyda qaata oo wax iga barta, waayo qalbigaygu wuu dabacsanyahay wuuna hooseeyaa, naftiinuna wey nasan doontaa. 30 Waayo waxbarideydu wey fududahay amarradeyduna wey qafiifsanyihiin.” |
Kitaabka Quduuska Ah: Ereyga Illaahey™ Axdiga Cusub
Daabacaadan anaga ayaa leh © 2024 waxaa soo saaray Biblica, Inc.
Waxaa lagu isticmaalay ogolaasho.
Xaqeeda oo dhanna waa la xaafiday meel walba oo aduunka ka tirsan.
Somali Contemporary Bible™ New Testament
Copyright © 2024 by Biblica, Inc.
Used with permission. All rights reserved worldwide.
Biblica, Inc.