Matayos 10 - Ereyga Illaahey Axdiga CusubCiise oo laba iyo tobankii xerta ahaa diray 1 Ciise ayaa iskugu yeeray laba iyo tobankii xertiisa ahaa wuxuuna siiyay awood ey ruuxyada wasakhda leh ku saaraan kuna bogsiiyaan cudur walba iyo xanuun walba. 2 Laba iyo tobanka rasuulna magacyadoodu waxey ahaayeen, kan ugu horeeya waa Simoon oo Butros loo yaqaanay, iyo walaalkiis Andaros. Yacquub ina Sebedi, iyo walaalkiis Yooxanaa. 3 Filibos, Bartolomayos, Toomas iyo Matayos oo canshuur qaade ahaa, Yacquub ina Alfayos iyo Tadayos. 4 Simoon oo loo yaqaanay Qiiroole iyo Yuudas Iskariyod, kii gacangeliyay Ciise. 5 Laba iyo tobankaan Ciise ayaa diray isaga oo ku yiri, “Dadka aan Yuhuudda ahayn ha dhex galina hana tagina magaalooyinka reer Samaariya. 6 Laakiin waxaad aadaan idaha lunsan ee reer binu Israa’iil. 7 Intaad sii socotaan dadka u wacdiya oo waxaad ku tiraahdaan, ‘Boqortooyada jannada wey soo dhawaatay.’ 8 Dadka xanuusan bogsiiya, kuwa dhintay soo sarakiciya, kuwa baraska qaba bogsiiya, ruuxyada wasakhda leh saara. Lacag la’aan ayaad ku hesheen ee lacag la’aan ku bixiya. 9 “Ha ku qaadanina lacag, dahab, qalin ama shilimaad kiishada suunkiina. 10 Hana qaadanina boorso ama shaati iyo kabo dheeraad ah ama ul lagu socdo, waayo shaqaaluhu xaq ayuu u leeyahay mushaharkiisa. 11 Haddaba marka aad magaalo ama tuulo gashaan, raadiya qof istaahila inaad marti u noqotaan gurigiisana jooga illaa aad meeshaas ka tagtaan. 12 Marka aad guri gashaan salaama. 13 Haddii gurigu uu istaahilo nabadiinu ha la jirto, laakiin haddii uusan gurigu istaahilin nabadiina la noqda. 14 Qofkii aan idin soo dhawayn ama dhagaysan fariintiina, ka taga gurigiisa ama magaaladiisa cagahiinana boorka ka jafa. 15 Runtii waxaan idin ku leeyahay, maalinta wax la xukumayo Sodom iyo Gomora ayaa ka xukun fududaan doona magaaladaas. 16 “Waxaan idiin dirayaa sidii ido yeey ku dhex nool. Sidaa darteed u caqli badnaada sidii mas oo kale sidii qoolley oo kalana daacad u ahaada. 17 Is ilaaliya, waayo waxaa la idin geyn doonaa maxkamadaha oo sunagogyada dhexdooda ayaa la idin ku garaaci doonaa. 18 Aniga dartey ayaa la idiin hor keeni doonaa taliyayaal iyo boqorro si aad iyaga iyo dadka aan Illaahey garaneyn marqaati ugu noqotaan. 19 Laakiin markey idin qabtaan, ha ka welwelina waxaad dhihi lahaydeen ama sidaad u dhihi lahaydeen. Waqtigaas ayaa la idin siin doonaa waxaad dhahdaan, 20 waayo idinka ma aha kuwa hadlaya, laakiin waxaa idin ka dhex hadli doona Ruuxa Aabihiin. 21 “Walaal ayaa walaalka kale in la dilo u gacangelin doona, waalid ayaa caruurtooda gacangelin doona, caruurna waxey kasoo horjeesan doonaan waalidkood oo wey dili doonaan. 22 Aniga daraadey ayuuna qof walba idiin nici doonaa, laakiin kan illaa dhamaadka adkeysta ayaa badbaadi doona. 23 Markii meel la idin ku silciyo meel kale u carara. Runtii waxaan idin ku leeyahay, inta eydan magaalooyinka Israa’iil wada tagin ayuu Wiilka Aadanahu imaan doonaa. 24 “Ardeygu macalinka kama sareeyo, adeeguhuna sayidkiisa kama sareeyo. 25 Wey ku filan tahay ardeydu iney macalinkooda oo kale noqdaan, adoomaduna sayidyadooda oo kale noqdaan. Haddii ey dadku odayga reerka ugu yeeraan Be’elsebul, intee ka badan ayey ugu yeeri doonaan kuwa gurigiisa ku nool! 26 “Haddaba ha ka cabsanina, waayo wax walboo qarsoon banaanka ayaa la soo dhigi doonaa, sir walbana waa la ogaan doonaa. 27 Wixii aan mugdiga idiin ku sheego, iftiinka ku sheega, wixii dhagta la idiin ku sheego, guryaha korkooda kaga qayliya. 28 Ha ka cabsanina kuwa jirka kaliya dila laakiin aan dili karin nafta. Laakiin ka cabsada kan nafta iyo jirkaba naarta ku tuuri kara. 29 Miyaan laba shimbirrood benni lagu gadan? Midoodna dhulka ku dhici mayso amarka Aabihiin la’aantiis. 30 Xitaa timaha madaxaaga ku yaala wey tirsan yihiin. 31 Sidaa darteed ha cabsanina waayo waad ka qiimo badan tihiin shimbirro badan. 32 “Mid walboo igu qirta dadka hortooda, waxaan aniguna ku qiran doonaa Aabahayga jannada ku jira hortiisa. 33 Laakiin mid walboo igu inkira dadka hortooda, waxaan aniguna ku inkiri doonaa Aabahayga jannada ku jira hortiisa. 34 “Ha u maleynina inaan u imid inaan dhulka nabad keeno. Uma imaan inaan dhulka nabad keeno ee waxaan u imid inaan seef keeno. 35 Waxaan u imid inaan iska soo horjeediyo “ ‘wiil iyo aabihiis, gabar iyo hooyadeed, naag iyo soddohdeed. 36 Ninka cadowgiisa waxaa noqon doona qoyskiisa.’ 37 “Qof walboo iga jecel hooyadiis iyo aabihiis ima istaahilo, qof walboo iga jecel wiilkiisa ama gabadhiisa ima istaahilo. 38 Mid walboo aan iskutallaabtiisa soo qaadan ina soo raacin ima istaahilo. 39 Qof walboo naftiisa helaa wuu lumin doonaa, qof walboo naftiisa u lumiya aniga darteyna wuu heli doonaa. 40 “Qof walboo idin soo dhaweeya aniga ayuu isoo dhaweeyay, qof walboo aniga isoo dhaweeyana wuxuu soo dhaweeyay kan isoo diray. 41 Qofkii nebi u soo dhaweeya nebinimo wuxuu heli doonaa nebi abaalgudkiis, qofkii qof xaq ah kusoo dhaweeya xaqnimadiisa darteed wuxuu heli doonaa qof xaq ah abaalgudkiis. 42 Qofkii siiya xitaa hal koob oo biyo qabow ah mid ka mid ah xerteydan, runtii waxaan idin ku leeyahay, qofkaas waa loo abaalgudi doonaa.” |
Kitaabka Quduuska Ah: Ereyga Illaahey™ Axdiga Cusub
Daabacaadan anaga ayaa leh © 2024 waxaa soo saaray Biblica, Inc.
Waxaa lagu isticmaalay ogolaasho.
Xaqeeda oo dhanna waa la xaafiday meel walba oo aduunka ka tirsan.
Somali Contemporary Bible™ New Testament
Copyright © 2024 by Biblica, Inc.
Used with permission. All rights reserved worldwide.
Biblica, Inc.