Online Bible

- Reklamy -

Markos 16 - Ereyga Illaahey Axdiga Cusub


Ciise wuu sarakacay

1 Maalintii Sabtida kadib ayaa Maryantii reer Magdala iyo Maryantii hooyada u ahayd Yacquub iyo Saloome waxey gadeen dhir udgoon si ey jirka Ciise u mariyaan.

2 Aroortii hore maalinta koowaad ee usbuuc goortii qoraxdu soo baxeysay ayey tageen xabaashii.

3 Markey sii socdeen ayey is weydiiyeen, “Yaa dhagaxii xabaasha hortiisa la dhigay meesha ka qaadi doona?”

4 Laakiin markey dhinaca qabriga fiiriyeen ayey arkeen dhagixii aadka u weynaa oo laga leexiyay meeshii.

5 Goortii ey xabaashii dhagaxa laga sameeyay galeen ayey arkeen nin dhar cad qaba oo fadhiya dhinaca midigta ah. Dumarkii aad ayey iskugu naxeen.

6 Markaas ayaa ninkii iyaga ku yiri, “Ha cabsanina.” Ma waxaad raadineysaan Ciisihii reer Naasared, kii iskutallaabta lagu qodbay. Wuu sarakacay! Halkan ma joogo, bal fiiriya meeshii jirkiisa la dhigay.

7 Haddaba taga oo u sheega xertiisa siiba Butros, oo ku dhaha, “Wuxuu idin kaga hor mari doonaa Galili. Halkaas ayaad ku arki doontaan siduu mar hore idiin sheegay.”

8 Dumarkii markey xabaashii kasoo tageen aad ayey uga yaabeen arintaas oo wey gariireen. Aad ayeyna uga cabsadeen iney qof u sheegaan waxa dhacay. [

9 Markii uu Ciise soo sarakacay maalintii usbuuc ugu horeysay subaxnimadeedi, wuxuu marka hore u muuqday Maryantii reer Magdala taas oo toddobo ruux wasakh leh uu ka saaray.

10 Iyaduna wey tagtay oo waxey u soo sheegtay xertii kuwaas oo la murugoonayay.

11 Markey maqleen Ciise inuu sarakacay oo uu nool yahay iyaduna ey soo aragtay, ma eysan aaminin.

12 Kadib Ciise wuxuu qaab kale ugu muuqday laba xertiisa ah iyagoo magaalada kasii baxaya.

13 Iyaguna wey soo laabteen oo waxey kuwii kale u sheegeen waxey la kulmeen, laakiin lama aaminin.

14 Kadib Ciise wuxuu u muuqday kow iyo tobankii xertiisa ahaa iyagoo cunteynaya. Wuuna canaantay waayo wey madax adkaadeen oo wey aamini waayeen kuwii isaga arkay kadib markii uu sarakacay u sheegeen inuu nool yahay.

15 Ciise wuxuu iyaga ku yiri, “Dunida oo dhan taga oo warka wanaagsan kusoo wacdiya quruumaha oo dhan.

16 Mid walboo i aamina oona la baabtiiso wuu badbaadi doonaa. Laakiin mid walboo i rumeysan waayana waa la xukumi doonaa.

17 Calaamadahaan waxey la jiri doonaan kuwa rumeysan. Magaceyga ayey ku bixin doonaan ruuxyada wasakhda leh, afaf cusubna wey ku hadli doonaan.

18 Masas ayey gacmahooda ku qaadi doonaan, oo waxey cabi doonaan sun waxna ma yeeli doonto. Gacmahoodey kuwa xanuunsan saari doonaan oo weyna bogsan doonaan.”

19 Markii uu Sayid Ciise iyaga la hadlay kadib ayaa kor samada loogu qaaday wuxuuna fariistay gacanta midig ee Illaahey.

20 Xertiisana wey tageen oo waxey ka wacdiyeen meel walba, Illaaheyna wuu ka dhex shaqeeyay oo mucjisooyinkii ey sameeyeenna waxey cadeeyeen in fariintey wadaan ey run tahay.]

Kitaabka Quduuska Ah: Ereyga Illaahey™ Axdiga Cusub

Daabacaadan anaga ayaa leh © 2024 waxaa soo saaray Biblica, Inc.

Waxaa lagu isticmaalay ogolaasho.

Xaqeeda oo dhanna waa la xaafiday meel walba oo aduunka ka tirsan.

Somali Contemporary Bible™ New Testament

Copyright © 2024 by Biblica, Inc.

Used with permission. All rights reserved worldwide.

Biblica, Inc.
Následuj nás:



Reklamy