Online Bible

- Reklamy -

Luukos 24 - Ereyga Illaahey Axdiga Cusub


Ciise wuu sarakacay

1 Maalintii koowaad ee usbuuc, mar ey ahayd subaxnimo hore, ayaa haweenkii qaadeen dhirtii udgooneyd oo ey diyaariyeen waxeyna aadeen dhankii xabaasha.

2 Waxey arkeen dhagaxii oo xabaasha laga qaaday,

3 laakiin markey galeen, wey waayeen jirkii Sayid Ciise.

4 Iyagoo arintan ka yaaban, isla markiiba laba nin oo xiran dhar iftiin nuuraya ah ayaa agtooda soo istaagay.

5 Naxdin iyo cabsi darteen haweenkii dhulka ayey ku dhaceen oo wey sujuudeen, laakiin nimankii ayaa ku yiri, “Maxaad kan nool kuwa dhintay uga dhex raadineysaan?

6 Halkan ma joogo, wuu sarakacay! Xasuusta wixii uu idiin sheegay markii uu Galili idin la joogay.

7 ‘Wiilka Aadanahu wuxuu u gacan gali doonaa dembiilayaal, waxaana lagu qodbi doonaa iskutallaabta maalinta saddexaadna wuu sarakici doonaa.’  ”

8 Kadib ayey soo xasuusteen ereyadiisi.

9 Markey qabriga kasoo laabteen, waxey u sheegeen waxyaalahan kow iyo tobankii ahaa xerta Ciise iyo dadka oo dhan.

10 Maryantii reer Magdala, Yo’anna, Maryan Yacquub hooyadiis, iyo kuwa kale oo la socday ayaa u sheegay arintan rasuullada.

11 Laakiin ma eysan aaminin dumarka hadalkooda, sababtoo ah hadalkooda wuxuu ula ekaa wax aan micno lahayn.

12 Si kastaba ha ahaatee, Butros ayaa istaagay oo ku orday qabrigii. Markii uu ku dul foorarsaday, wuxuu arkay maryihii kaliya oo meesha yaala, wuuna kasoo tagay isaga oo la yaaban waxa dhacay.


Ciise oo isku muujiyay xertiisi u socotay Emma’us

13 Isla maalintaas laba xertiisa ka mid ah ayaa u socday tuulo loo yaqaano Emma’us, oo toddoba mayl u jirta Yeruusaalem.

14 Waxey ka sheekeysanayeen waxyaalihii dhacay.

15 Iyagoo sheekadii ka wada hadlaya, Ciise ayaa yimid oo dhinac socday,

16 laakiin waa laga qariyay iney gartaan.

17 Wuxuu weydiiyay, “Maxaad ka sheekeysaneyseen intaad wadada socoteen?” Wey istaageen iyagoo ka xun oo murugo ka muuqato.

18 Mid iyaga ka mid ahaa oo la yiraahdo Kale’obas, ayaa weydiiyay, “Adigu ma waxaad tahay martida kaliya ee Yeruusaalem timid oo aanan ka war haynin waxyaalihii dhacay maalmahan?”

19 Wuxuu weydiiyay, “Waxyaalahee?” Waxey ugu jawaabeen “Wax ku saabsan Ciisihii reer Naasared, wuxuu ahaa nebi, awood ku leh erey iyo ficil Illaahey hortiisa iyo dadka hortoodaba.

20 Gudoomiyayaashii wadaaddada iyo hogaamiyayaasha ayaa gacan galiyeen si dhimasho loogu xukumo, waxeyna ku qodbeen iskutallaabta.

21 Laakiin waxaan rajeyneynaa inuu noqdo midkii reer binu Israa’iil madax furan lahaa. Waxaa intaas sii dheer, waa maalintii saddexaad illaa intii ey waxan oo dhan dhaceen.

22 Mida kale, qaar haweenkeena ka mid ah ayaa naga yaabiyay. Saakay ayey tageen xabaasha,

23 Laakiin ma eysan ka helin jirkiisi. Wey noo yimaadeen oo waxey noo sheegeen iney arkeen malaa’ig u muuqatay, oo ku tiri wuu nool yahay.

24 Kadib qaar naga mid ah ayaa tageen qabriga waxeyna ogaadeen iney tahay sidii ey haweenku sheegeen, mana eysan arkin Ciise.”

25 Kadib Ciise ayaa ugu jawaabay, “Doqonsanidiinaa, maxey idin kugu adagtahay inaad rumeysataan waxyaalihii ey nebiyaashii dhaheen!

26 Miyaysan ahayn in Masiixu uu u silco waxyaalahan kadibna uu galo Ammaantiisa?”

27 Laga soo bilaabo Muuse iyo nebiyaashii oo dhan, wuxuu u sharaxay waxa qorniinku yiri ee isaga ku saabsan.

28 Markey gaareen tuuladii ey u socdeen, Ciise horey ayuu usii socday.

29 Laakiin aad ayey u baryeen, “Na la joog, waa gabal dhac, maalintii wey dhamaatay.” Markaas ayuu raacay si uu ula joogo.

30 Markii uu miiska la fariistay, ayuu intuu rooti qaaday, oo uu Illaahey u mahadceliyay, ayuu kala jabiyay kadibna iyaga ayuu u qeybiyay.

31 Markaas ayey indhaha u furmeen oo garteen, kadibna wuu iska qariyay aragooda.

32 Waxey is weydiiyeen, “Maxaan wax u dareemi weynay markii uu wadada nagula hadlayay oo uu qorniinka noo sharaxayay?”

33 Intey kaceen ayey hal mar Yeruusaalem ku soo laabteen. Halkaas ayey kula kulmeen kow iyo tobankii iyo kuwo iyaga la jooga oo meel iskugu yimid!

34 Iyagoo dhahaya, “Waa run Sayidka wuu sarakacay oo wuxuu isku muujiyay simoon.”

35 Kadib ayey labadoodi u sheegeen wixii wadada ka dhacay, iyo iney Ciise ku garteen markii uu rootiga kala jabiyay.


Ciise oo isku muujiyay xertiisi

36 Iyagoo weli ka hadlaya wixii dhacay, isla waqtigaas waxaa dhex taagnaa Ciise oo ku yiri, “Nabad ha idin la jirto.”

37 Wey argagaxeen oo isku naxeen, iyagoo u maleeyay iney arkeen ruuxaan.

38 Markaas ayuu Ciise ku yiri, “Maxaad u naxeysaan? Maxaase maankiina shaki u soo galay?

39 Fiiriya gacmaheyga iyo lugahayga si aad u xaqiiqsataan inaan Ciise ahay! Taabta jirkayga si aad u hubisaan inaan sidiina oo kale leeyahay jir iyo laf, oo aanan ahayn ruuxaan.”

40 Markii uu intaas yiri kadib wuxuu iyaga tusay gacmahiisi iyo lugahiisi si ey u xaqiijiyaan.

41 Farxad iyo yaab dartood ayey la rumeysan waayeen, markaas ayuu Ciise iyagii ku yiri, “Wax la cuno ma haysaan?”

42 Markaas ayey siiyeen kalluun karsan,

43 wuuna cunay iyagoo arkaya.

44 Wuxuuna ku yiri, “Waxaan hadda dhacaya waa waxaan idin ku iri markaan idin la joogay, waa ineyna dhab noqdaan wax walboo aniga laygaga qoray kitaabadii sharciga Muuse, kitaabada nebiyada iyo Sabuurradaba.”

45 Kadibna wuxuu ku caawiyay iney fahmaan qorniinka.

46 Wuxuuna ku yiri, “Kitaabka waxaa ku qoran, Masiixu waa inuu silcaa dhimashadana ka sarakacaa maalinta saddexaad,

47 toobadkeenka iyo cafiska dembigana magaciisa ayaa looga wacdin doonaa quruumaha oo dhan, laga bilaabo Yeruusaalem.

48 Idinkuna waa inaad ka marqaatifurtaan.

49 Waxaana idiin soo diri doonaa Ruuxa Quduuska ah siduu Aabahay iga ballan qaaday, laakiin magaalada Yeruusaalem jooga illaa awood samada idin kaga timaado.”


Ciise oo samada ku laabtay

50 Kadibna Ciise wuxuu u kaxeeyay xertiisi meel ku dhow Beytaniya, markaas ayuu gacmaha kor u qaaday oo barakeeyay iyagii.

51 Intuu barakeynayay ayuu tagay oo kor samada loogu qaaday.

52 Markaas ayey u sujuudeen, kadibna ku laabteen Yeruusaalem iyagoo faraxsan.

53 Waxeyna si joogta ah u joogeen macbadka, iyagoo Illaahey ammaanaya.

Kitaabka Quduuska Ah: Ereyga Illaahey™ Axdiga Cusub

Daabacaadan anaga ayaa leh © 2024 waxaa soo saaray Biblica, Inc.

Waxaa lagu isticmaalay ogolaasho.

Xaqeeda oo dhanna waa la xaafiday meel walba oo aduunka ka tirsan.

Somali Contemporary Bible™ New Testament

Copyright © 2024 by Biblica, Inc.

Used with permission. All rights reserved worldwide.

Biblica, Inc.
Následuj nás:



Reklamy