Online Bible

- Reklamy -

Luukos 10 - Ereyga Illaahey Axdiga Cusub


Ciise oo diray toddobaatan iyo laba xer ah

1 Haddaba Rabbigu wuxuu doortay toddobaatan iyo laba kale oo xertiisa ah, oo laba laba ayuu is hor diray si ey u tagaan magaalooyinkii uu Ciise u socday oo dhan.

2 Wuxuuna ku yiri, “Waxa beerta kasoo go’aya wey badan yihiin laakiin shaqaaluhu wey yar yihiin. Haddaba Sayidka beergoyska weydiista inuu shaqaale badan beertiisa u soo diro.

3 Haddaba taga! Waxaan idiin dirayaa sidii ido yeey ku dhex nool.

4 Hana qaadanina boorso ama kabo, qofna jidka haku salaamina.

5 “Mar walboo aad guri gashaan, horta waxaad ku dhahdaan, ‘Nabad gurigaan ha ahaato.’

6 Haddii qof nabad jecel meesha joogo nabadiinu wey ku kor dageysaa, haddii kalana nabadiinu wey idin kusoo laabanaysaa.

7 Haku wareegina guryaha hal meel jooga, cuna oo caba waxey idin siiyaan. Waayo shaqaaluhu xaq ayuu u leeyahay mushaharkiisa.

8 “Markaad magaalo soo gashaan oo la idin soo dhaweeyo cuna waxa la idin siiyay.

9 Bogsiiya kuwa xanuusan oo meesha jooga waxaadna ku dhahdaan, ‘Boqortooyada Illaahey wey soo dhawaatay.’

10 Laakiin haddaad magaalo soo gashaan oo la idin kasoo dhaweyn waayo waxaad tagtaan jidadkeeda oo waxaad dhahdaan,

11 ‘Xitaa busta magaaladiina ee lugaheena ku taalo waan iska tirtireynaa si ey canaan idiin kugu noqoto, laakiin tan ogaada, boqortooyada Illaahey wey soo dhawaatay.’

12 Runtii waxaan idin leeyahay, maalinta wax la xukumayo Sodom ayaa ka xukun fududaan doonta magaaladaas.

13 “Hoog ayaa idin sugaya dadkii Khorasinayow! Hoog ayaa idin sugaya dadkii Beytsaydayow! Waayo mucjisooyinkii la idin ka dhex sameeyay haddii lagu dhex sameyn lahaa Turos iyo Siidoon, mar hore ayey toobadkeeni lahaayeen iyagoo dhar jawaan ka sameysan xiran oo madaxana dambas marsaday.

14 Laakiin maalinta wax la xukumayo Turos iyo Siidoon ayaa idin ka xukun fududaan doona.

15 Idinkuna dadkii Kafarna’umow, ma waxaad u maleyneysaan in jannada la idiin qaadi doono? Maya, waxaa la idin ku tuuri doonaa naarta.

16 “Mid walboo idin dhageysta anigana wuu i dhageystay, oo mid walboo idin diidana aniga ayuu i diiday, mid walboo aniga i diidana wuxuu diiday kii isoo diray.”

17 Toddobaatan iyo labadii xertiisa ahayd ayaa farxad ku soo laabtay oo Ciise ku yiri, “Sayidow, xitaa ruuxyada wasakhda leh amar ayey naga qaateen markaan magacaaga isticmaalnay.”

18 Ciise ayaa u jawaabay oo ku yiri, “Waxaan arkay Shaydaankii oo samada laga soo tuuray sida hilaaca oo kale.

19 Bal fiiriya, waxaan idin siiyay awood ka sareysa xoogga cadowgiina, waxaad dhex soconeysaan masas iyo dibqalloocyo midna wax idin ma yeeli doono.

20 Laakiin haku farxina ruuxyada wasakhda leh ee amarka idin ka qaatay darteed, balse ku farxa magacyadiina iney ku qoran yihiin jannada.”

21 Isla waqtigaas Ciise oo farxada Ruuxa Quduuska ah ka buuxdo ayaa yiri, “Aabe, Rabbiga samada iyo dhulkow, waan kuu mahadcelinayaa, waayo waxan oo dhan waad ka qarisay kuwa xigmadda leh iyo kuwa wax bartayba waxaadna u muujisay kuwan yar yar, haa, Aabow, sidaas ayaa kaa farxisay.

22 “Aabahay ayaa wax walba i siiyay. Cidna ma garaneyso Wiilku qofka uu yahay Aabaha maahee, sidoo kalana cidna ma garaneyso Aabuhu qofka uu yahay Wiilka iyo cidii uu doorto inuu u muujiyo maahee.”

23 Markaas ayaa intuu si gaar ah ugu jeestay xertiisa ayuu ku yiri, “Waxaa barakeysan indhaha waxaad aragteen arkay.

24 Waayo waxaan idin ku leeyahay nebiyo badan iyo boqorro badan ayaa rabay iney arkaan oo maqlaan waxa aad aragtaan oo aad maqashaan, laakiin uma suurta galin.”


Tusaalihii ninkii fiicnaa ee reer Samaariya

25 Maalin maalmaha ka mid ah, nin sharciga Muuse garanaya ayaa kacay oo jarribay Ciise. Wuxuu weydiiyay, “Macalinow, maxaan sameeyaa si aan u dhaxlo nolosha weligeed ah?”

26 Markaas ayaa Ciise ku jawaabay, “Oo maxaa sharciga Muuse ku qoran? Sidee u fahantay?”

27 Ninkii wuxuu ku jawaabay, “ ‘Waa inaad Rabbiga Illaahaaga ah ka jeclaataa naftaada iyo qalbigaaga, xooggaaga iyo caqligaaga oo dhan,’ iyo, ‘Waa inaad deriskaaga u jeclaataa sida aad adigu isku jeceshahay.’ ”

28 Ciise ayaa ku yiri, “Si sax ah ayaad uga jawaabtay, sidaas samee waxaadna heli doontaa nolol weligeed ah.”

29 Ninkii isaga oo raadinaya inuu cadeeyo hadalkiisi, wuxuu Ciise weydiiyay, “Deriskeyga yaa waaye?”

30 Markaas ayaa Ciise u sheegay sheeko oo ku yiri, “Nin ayaa wuxuu ka safrayay Yeruusaalem illaa Yerixoo, tuugo ayaana weerartay. Dharka intey ka siibeen ayey si xun u garaaceen oo ey isaga oo naf ah jidka ku dhaafeen.

31 Wadaad ayaa jidkaas marayay, markii uu arkay ninkii dhinac ayuu ka maray.

32 Sidoo kale nin reer Laawi ah ayaa jidkii soo maray, markii uu arkay ninkii dhinac ayuu ka maray.

33 Laakiin nin reer Samaariya ah ayaa meeshii ninka joogay soo maray, goortii uu arkay ayuu u naxariistay.

34 Intuu u yimid ayuu saliid seytuun iyo khamri nabaradiisi ku shubay kadibna wuu xiray. Isla markii ayuu ninkii dameerkiisi saaray oo geeyay meel hoteel ah meeshaas ayuu ku daryeelayay.

35 Maalintii ku xigtayna wuxuu qofkii hoteelka maamulaha ka ahaa siiyay laba diinaar oo ku yiri, ‘Ninkan ii daryeela, markaan soo laabto ayaan bixin doonaa lacagta kale ee ku darsoonta.’ ”

36 Markaas ayaa Ciise ku yiri, “Saddexdaas kee ayaad u maleynaysaa inuu ninkaas ey tuugadu weerartay deris u yahay?”

37 Ninkii sharciga garanayay ayaa u jawaabay oo ku yiri, “Kii ninka naxariista tusay.” Markaas ayaa Ciise ninkii ku yiri, “Bax oo adigana sidoo kale samee.”


Ciise wuxuu booqday Maarta iyo Maryan

38 Ciise iyo xertiisi intey Yeruusaalem u socdeen, waxey yimaadeen tuulo halkaasoo ey naag Maarta la yiraahdo gurigeeda ku soo dhaweysay.

39 Waxey laheyd walaasheed oo iyadana Maryan la yiraahdo, Maryan waxey fariisatay Sayidka lugihiisa oo waxey dhageysaneysay wuxuu barayay.

40 Laakiin Maarta waxey ku mashquulsaneyd wax diyaaris kale oo loo baahnaa. Markaas ayey Ciise u timaadey oo ku tiri, “Sayidow, miyey waxba kula aheyn walaashey iney shaqada oo dhan igu dhaafto? Haddaba kac caawi ku dheh!”

41 Rabbiguna wuxuu ugu jawaabay, “Maartay, Maartay, waxyaala badan ayaad ka welwelsan tahay,

42 laakiin hal wax kaliya ayaa loo baahanyahay inaad ka welweshid. Maryanna waxey dooratay waxa u roon oo aan weligeedna laga qaadeynin.”

Kitaabka Quduuska Ah: Ereyga Illaahey™ Axdiga Cusub

Daabacaadan anaga ayaa leh © 2024 waxaa soo saaray Biblica, Inc.

Waxaa lagu isticmaalay ogolaasho.

Xaqeeda oo dhanna waa la xaafiday meel walba oo aduunka ka tirsan.

Somali Contemporary Bible™ New Testament

Copyright © 2024 by Biblica, Inc.

Used with permission. All rights reserved worldwide.

Biblica, Inc.
Následuj nás:



Reklamy