Online Bible

- Reklamy -

Falimaha 3 - Ereyga Illaahey Axdiga Cusub


Butros oo bogsiiyay curyaan tuugsade ah

1 Maalin ayaa Butros iyo Yooxanaa macbadka u socdeen si ey ugu soo duceystaan waqtiguna wuxuu ahaa sagaal saac oo galabnimo.

2 Haddaba waxaa jiray nin illaa maalintii uu dhashay curyaan ahaa kaasoo maalin walba la soo jiifin jiray albaabka macbadka ee la yiraahdo Quruxbadane si uu u tuugsado dadka galaya macbadka.

3 Markii uu ninkii tuugsadaha ahaa arkay Butros iyo Yooxanaa oo macbadka sii galaya ayuu weydiistay lacag.

4 Markaas ayey Butros toos ugu fiiriyay sidoo kale Yooxanaa, kadibna Butros ayaa ku yiri, “Na soo fiiri!”

5 Markaas ayuu tuugsadahii iyaga si fiican ugu jeestay isaga oo filanaya inuu wax ka heli doono.

6 Kadib Butros ayaa ku yiri, “Ma haysto qalin iyo dahab! Laakiin waxaan haysto waan ku siinayaa. Magaca Ciise Masiixii reer Naasared ku soco.”

7 Butros ayaa qabtay gacanta midig oo ku caawiyay inuu istaago, isla markiiba cagahiisii iyo anqowyadiisiiba wey xoogeysteen.

8 Intuu kor u booday oo istaagay ayuu socod bilaabay. Kadib wuxuu Butros iyo Yooxanaa la galay macbadka, isaga oo soconaya oo boodboodaya Illaaheyna ammaanaya.

9 Markey dadkii oo dhan arkeen isaga oo soconaya oo Illaahey ammaanaya,

10 wey garteen inuu yahay isla ninkii fariisan jiray oo ka tuugsan jiray albaabka macbadka ee la yiraahdo Quruxbadane, markaas ayey la yaabeen oo la amakaageen wixii ku dhacay isaga.


Butros oo dadka kula hadlay macbadka

11 Intuu ninkii ku dhaganaa Butros iyo Yooxanaa, ayaa dadkii oo wada yaaban ku soo ordeen uguna yimaadeen meeshii la oran jiray Balbaladii Sulaymaan.

12 Markii uu Butros dadkii arkay, ayuu ku yiri, “Walaalaheyga reer binu Israa’iilow, maxaad waxa dhacay ula yaabantihiin? Maxaad sidan noogu fiirineysaan sidi inaan awoodeena ama cibaado badnideena ku socodsiinay ninkan?

13 Illaaha Ibraahim, Isxaaq iyo Yacquub, oo ah Illaaha awoowayaasheen, ayaa ammaanay adeegihiisi Ciise. Waana kan aad gacan galiseen si loo dilo, oo aad Bilaatos hortiisa ku diideen markii uu go’aansaday inuu sii daayo.

14 Waxaad diideen Ciise oo Quduus iyo Xaq ahaa waxaadna dalbateen in gacan ku dhiigle la idiin sii daayo.

15 Waxaad disheen amiirkii nolosha, laakiin Illaahey ayaa dhimashada ka sarakiciyay oo marqaati ayaan ka ahayn.

16 Iimaanka uu magaca Ciise ku qabo darteed ayaa ninkan aad aragtaan oo wada garaneysaan xoogeeyay. Iimaanka uu ku qabo magaca Ciise ayaa si dhameystiran u bogsiiyay, sida aad wada aragteen.

17 “Haddaba, Walaalaheyga reer binu Israa’iilow, waan ogahay in idinka iyo hogaamiyayaashiinuba aad arintan aqoon la’aan u sameyseen.

18 Laakiin Illaahey sidaas uu uga dhabeeyay wixii uu ku sheegay afafkii nebiyada oo dhan taas oo ahayd in Masiixu silci doono.

19 Haddaba toobadkeena oo Illaahey u soo laabta, si dembiyadiina loo tirtiro, si ey waqtiyo qalbi qaboojin lihi uga yimaadaan Rabbiga,

20 oo uu soo diro Ciise Masiix, kii uu horay idiin kugu doortay.

21 Laakiin Ciise waa inuu joogaa samada illaa uu Illaahey ka cusbooneysiiyo wax walba, sidii uu mar hore ugu ballan qaaday afafkii nebiyadiisi quduuska ahaa.

22 Muuse ayaa yiri, ‘Rabbiga Illaahiina ah wuxuu dhexdiina kasoo saari doonaa nebi aniga oo kale ah. Waa inaad dhagaysataan wax walboo uu idiin sheego.

23 Qofkii aan dhagaysan nebigaas dadka ayaa laga dhex saari doonaa.’

24 “Xaqiiqdii, laga soo bilaabo Samuu’eel iyo nebiyadii ka dambeeyay oo dhan waxey ka hadleen maalmahan waxa dhacaya.

25 Idinkuna waxaa tihiin kuwii dhaxli lahaa nebiyada Illaaheyna wuxuu axdiga la galay awoowayaashiin. Wuxuuna Ibraahim ku yiri, ‘Dadka aduunka jooga oo dhan farcankaaga ayey ku barakoobi doonaan.’

26 Illaahey markii uu soo diray adeegihiisa, idinka ayuu idiin soo hor diray si uu idiin barakeeyo isaga oo mid walboo idin ka mid ah kasoo leexinaya wadooyinkiina sharka leh.”

Kitaabka Quduuska Ah: Ereyga Illaahey™ Axdiga Cusub

Daabacaadan anaga ayaa leh © 2024 waxaa soo saaray Biblica, Inc.

Waxaa lagu isticmaalay ogolaasho.

Xaqeeda oo dhanna waa la xaafiday meel walba oo aduunka ka tirsan.

Somali Contemporary Bible™ New Testament

Copyright © 2024 by Biblica, Inc.

Used with permission. All rights reserved worldwide.

Biblica, Inc.
Následuj nás:



Reklamy