Online Bible

- Reklamy -

Falimaha 27 - Ereyga Illaahey Axdiga Cusub


Bawlos oo la geeyay Rooma

1 Haddaba markii la go’aansaday inaan tagno Talyaaniga ayaa Bawlos iyo kuwa kale oo maxaabiis ah loo dhiibay nin boqol u taliya ah oo la yiraahdo Yulyos, wuxuuna ka mid ahaa ciidankii boqorka.

2 Waxaan doon ka qaadanay Adramuteyo waxeyna u socotay xeebaha Aasiya, waxaa na la socday Aristarkhos oo reer Makedoniya ahaa oo ka yimid Tesaloniika.

3 Maalintii ku xigtay ayaan gaarnay Siidoon. Yulyosna aad ayuu ugu naxariistay Bawlos. Waayo wuxuu u fasaxay inuu tago oo soo arko saaxiibadiis si ey wuxuu u baahanyahay u soo siiyaan.

4 Goortaan Siidoon ka tagnay dabeesha ayaa na celineysay sidaa darteed waxaan marnay Qubrus.

5 Kadibna waxaan u safarnay koonfurta Kilikiya iyo Bamfuliya illaa aan ka gaarnay Mura oo ku taalay Lukiya.

6 Halkaas ayuu boqol u taliyihii ka helay doon Masar laga leeyahay oo ka timid Iskanderiya oo u socota Talyaaniga markaas ayuu nasaaray.

7 Tartiib ayaan u safarnay oo dhowr maalmood iyo waqti adag ayey nagu qaadatay inaan gaarno Kinidos. Laakiin dabaysha ayaa na celineysay sidaa darteed dhinacaas kuma safri karin, oo waxaan u safarnay Kereetee taas oo kasoo hor jeeda Salmoonee.

8 Aayar sidii aan ugu safraynay ayaan waxaan gaarnay meel la yiraahdo Dekado Wanaagsan oo u dhow magaalada Lasaya.

9 Haddaba waqti badan ayaan safarkaan ku dhuminay, oo safarkana khatar ayuu noqday waayo maalintii dembidhaafka ee soonka waa la soo dhaafay. Sidaa darteed Bawlos wuu canaantay iyagii,

10 “Niman yahow, haddaan hadda safarno doonteena iyo alaabteena wey halaabayaan, xitaa nolosheena waan lumin doonaa.”

11 Laakiin boqol u taliyihii intuu waxa Bawlos dhahay maqli lahaa ayuu wuxuu raacay taladii ninka doonta wado iyo kii doonta lahaa.

12 Dekadu ma ahayn mid waqtiga qabowga u wanaagsan, markaas ayaa dadka badankood waxey isku raaceen inaan sii safarno illaa Foynikis oo aan waqtiga qabowga halkaas joogno. Taasi waxey ahayd dekada Kereetee oo ujeedo dhinaca koonfur galbeed iyo waqooyi galbeed.


Duufaantii

13 Markii dabayshii koonfurta aayar u bilaabatay ayey u maleeyeen iney waqti fiican tahay, doontii ayey qaateen oo wey safreen, waxeyna agmareen Kereetee.

14 Laakiin waxaa imaaday dabayl xoog leh oo la dhaho, waqooyi bari, waxey ka timid Kereetee.

15 Doontii ayaa waxey u joogsatay duufaantii darteed, mana karin inaan dabaysha dhinacay ka imaaneyso ku wadno, sidaa darteed waan isdhiibnay oo dabayshii duufaanta ayaa kaxeynaysay doontii.

16 Markaan usii gudubnay jasiirad yar oo la dhaho Kalawda, waan ku dhibaatoonay awoodi waaynay inaan xirno doontii yarayd si eysan u halaabin.

17 Doontii intey qaadeen ayey doonta kale ku xireen. Waayo waxey ka cabsadeen in bacaadka Surtis ku dhacdo. Markaas ayaa shiraacii doonta kor ugu xirnaa dajiyeen kadibna doontii wey iskadhaafeen si dabayshu u kaxeyso.

18 Duufaantii wey kasii dartay, oo maalintii ku xigtay alaabtii qaarkood ayey badda ku tuureen.

19 Maalintii saddexaadna waxey tuureen waxyaalihii doonta.

20 Dhowr maalmood ayaan arkin qoraxda ama xiddigaha, dabayl xoog leh ayaa dhaceysay. Markaas ayaan ka quusanay rajadii badbaadinta oo aan rajeyneyney.

21 Oo markii muddo dheer qof walba cunto la’aan joogay ayaa Bawlos intuu iyaga hor istaagay ayuu ku yiri, “Niman yahow, waxaa idiin fiicnayd inaad i maqashaan oo aadan Kereetee kasoo tagin, dhibaatadan iyo khasaaradan oo dhan ma mari lahayn.

22 Haddaba waxaan idin leeyahay dhiiranaada, waayo ma jiro qof idin ka mid ah oo naftiisa lumin doona, doontaan kaliya ayaa halaabi doonta.

23 Waayo xaley waxaa isoo ag istaagay malagii Illaaha i leh oo aan weliba caabudo,

24 oo wuxuu igu yiri, ‘Ha cabsan Bawlos, waayo waa inaad xukunkii Kaysar hor istaagtaa, bal fiiri Illaahey deeqsinimadiisi ayuu kugu siiyay noloshii dadkan kula safraya oo dhan.’

25 Sidaa darteed dhiiranaada, waayo waxaan aaminsanahay Illaahey inuu waxyaalihii uu dhahay ey dhici doonaan.

26 Laakiin waa inaan meel jasiirad ah ku daganaa.”


Doontii jabtay

27 Waa maalintii afar iyo tobanaad oo aan weli ku soconay Badda Adriya, markii habeen barkii la gaaray ayaa badmaaxyadii u maleeyeen iney dhulka ku soo dhawaadeen.

28 Markaas ayey cabbireen biyihii oo waxey ogaadeen iney afartan mitir tahay. Wax yar markey socdeen ayey haddana qiyaas qaadeen oo waxey heleen soddon mitir.

29 Waxey ka cabsadeen iney dhagaxyo ku dhacaan markaas ayey afar baroosin xagga dambe ee doonta ka dejiyeen waxeyna baryeen iney maalin u noqoto.

30 Badmaaxyadii ayaa waxey isku dayeen iney doontii ka degtaan, sidaa darteed waxey biyaha ku dejiyeen doontii yarayd, iyagoo iska dhigaya iney baroosinkii doonta xageeda hore ka dejinayaan.

31 Laakiin Bawlos ayaa ku yiri boqol u taliyihii iyo askartii, “Haddii badmaaxyadaan la joogaan markab idinkuna ma badbaadaysaan.”

32 Markaas ayaa askartii xarigii doonta yar ku xirnaa gooyeen oo ey ku dhaafeen iney badda ku dhacdo.

33 Laakiin intaan subixii la gaarin ayuu Bawlos ka baryay iyagii iney cunto cunaan oo wuxuu ku yiri, “Toban iyo afar maalmood welwel ayaa idin hayay waxna ma eydan cunin.

34 Haddaba waxaan idin ka baryayaa inaad wax cuntaan. Waayo waad u baahantihiin inaad ku noolaataan, qofna ma dhiman doono ee welwelka iska dhaafa oo wax cuna.”

35 Waxyaalahan markii uu yiri kadib ayaa Bawlos intuu kibis qaaday ayuu Illaahey u mahadceliyay, kadibna intuu kala gooyay ayuu cunay.

36 Markaas ayaa kuligood dhiiranaadeen oo ey cunto cuneen.

37 Dhamaan dadka doonta saaran waxaan ahayn 276.

38 Markii qof walba cunay in ku filan ayey badarkii ayey badda ku tuureen si doonta khafiif u noqoto.

39 Maalintii markii la gaaray ayaa iyagoo kala garaneynin dhulka ayey waxey arkeen meel xeeb ah, markaas ayey go’aansadeen iney meel dhul ah doonta dhigaan hadday awoodaan.

40 Sidaa darteed waxey fureen xarigii baroosinka si ey biyaha uga dhex tagaan, iyagoo weliba xargaha badeelka doonta ku xiran ey ka fureen. Kadibna shiraacii ayey dabaysha usii daayeen, si ey dabaysha u geeyso illaa xeebta.

41 Laakiin doontii dhulka ey ku dhacday, oo qeybteedii hore ayaa ku xayirantay dhoobo dhexdeeda. Xaggeda dambana wuu burburay hirarkii dartood.

42 Markaas ayaa askartii waxey ku tashadeen iney maxaabiista dilaan si aan midkoodna u dabaalan oo uga baxsanin.

43 Laakiin boqol u taliyihii ayaa rabay inuu Bawlos badbaadiyo sidaa darteed taladoodi wuu ka joojiyay. Wuxuu amray kuwii dabaasha yaqaanay iney biyaha galaan oo ey dhulka gaaraan.

44 Kuwa kalana waa iney meesha ku tagaan jajabkii doonta oo sidaas ayuuna qof walba dhulka nabad ku tagay.

Kitaabka Quduuska Ah: Ereyga Illaahey™ Axdiga Cusub

Daabacaadan anaga ayaa leh © 2024 waxaa soo saaray Biblica, Inc.

Waxaa lagu isticmaalay ogolaasho.

Xaqeeda oo dhanna waa la xaafiday meel walba oo aduunka ka tirsan.

Somali Contemporary Bible™ New Testament

Copyright © 2024 by Biblica, Inc.

Used with permission. All rights reserved worldwide.

Biblica, Inc.
Následuj nás:



Reklamy