Online Bible

- Reklamy -

Falimaha 25 - Ereyga Illaahey Axdiga Cusub


Bawlos oo la hor keenay Feestos

1 Goortii uu Feestos yimaaday saddex maalmood kadib ayuu ka tagay Kaysariya wuxuuna aaday Yeruusaalem.

2 Halkaas ayaa gudoomiyayaashii wadaaddada iyo hogaamiyayaashii Yuhuudda eedeemo Bawlos u soo bandhigeen.

3 Oo waxey Feestos ka baryeen iyadoo asxaan u tahay iyaga, inuu Bawlos u beddelo Yeruusaalem, waayo waxey isku diyaarinayeen iney jidka ku sii dilaan.

4 Markaas ayaa Feestos ugu jawaabay, “Bawlos waxaa lagu hayaa Kaysariya, aniguna xaggaas ayaan tagayaa mar dhaw.

5 Hogaamiyayaashiina ha ii raacaan Kaysariya hana dacweeyaan ninkaas haddii uu qalad galay.”

6 Feestosna wuxuu la joogay siddeed illaa toban maalmood kadibna wuxuu tagay Kaysariya. Maalintii ku xigtay intuu maxkamadda dhex fariistay ayuu amray in Bawlos la hor keeno.

7 Goortii Bawlos maxkamaddii soo galay ayaa Yuhuuddii ka timid Yeruusaalem soo ag istaagtay iyagoo dacwado badan wata, laakiin wax cadayn ah kuma haynin.

8 Laakiin Bawlos wuu is difaacay, “Wax qalad ah kama galin sharciga Yuhuudda ama macbadka iyo Kaysar.”

9 Feestos oo raba inuu asxaan u sameeyo Yuhuudda ayaa ku yiri Bawlos, “Ma dooneysaa inaad tagtid Yeruusaalem oo halkaas horteyda lagugu xukumo eedeemahan?”

10 Markaas ayuu Bawlos ugu jawaabay oo ku yiri, “Haddaba waxaan hor taaganahay maxkamadda Kaysar, halkii la igu xukumi lahaa. Balse adiguba waad ogtahay in aanan dadka Yuhuudda ah qalad ka galin.

11 Haddaba haddii aan sameeyay xumaan dhimasho istaahisha ma diidayo in la i dilo. Laakiin haddii dacwooyinka Yuhuudda igu haysato eysan run ahayn qofna iyaga ima gacangelin karo. Waxaan u dhacwoonayaa Kaysar.”

12 Feestosna markii uu la hadlay kuwii shirkiisa ku jiray kadib ayuu ku yiri Bawlos, “Waxaad dacwadaada u gudbisay Kaysar. Kaysar ayaadna aadi doontaa!”


Feestos oo la tashaday Agribba

13 Dhowr maalmood kadib ayaa Boqor Agribba iyo Bernikee yimaadeen Kaysariya si ey u booqdaan Feestos.

14 Waxey halkaas joogeen dhowr maalmood, goortii Feestos boqorka u sheegay dacwadii Bawlos. Wuxuu ku yiri, “Waxaa jira nin Feelikos ka tagay isaga oo maxbuus ah.

15 Markaan tagay Yeruusaalem, gudoomiyayaashii wadaaddada iyo odayaashii Yuhuudda ayaa dacwadiisi ii keenay oo waxey doonayeen inaan xukumo.

16 “Laakiin waxaan ku dhahay dhaqanka Rooma ma aha in qof la gacangeliyo inteysan kuwa dacweynaya is arkin ka hor oo ey helaan fursad ey iskaga difaacaan dacwada.

17 Sidaa darteed markey halkan ila yimaadeen waqti maan lumin, laakiin maalintii ku xigtay ayaan amar ku bixiyay in ninka la i keeno maxkamadda.

18 Goortii kuwii dacweynayay istaageen oo ey hadleen, dacwadii aan filayay kuma ey dacweynin.

19 Laakiin waxey qabeen dood ku saabsan diintooda iyo nin dhintay oo la dhaho Ciise oo Bawlos leeyahay wuu nool yahay.

20 Laakiin aniga oo aan garaneyn si aan runta ku saabsan waxyaalahan u ogaado ayaan weydiiyay Bawlos haddii uu doonayo inuu tago Yeruusaalem oo halkaas lagu xukumo.

21 Laakiin Bawlos wuxuu doonayay in la sii hayo illaa boqorku ka go’aansado dacwadiisa, sidaa darteed aniguna waxaan amray in la sii hayo illaa aan isaga Kaysar ugu diro.”

22 Markaas ayaa Agribba Feestos ku yiri, “Waxaan jeclaan lahaa inaan ninkan maqlo.” Markaas ayuu ugu jawaabay, “Berri ayaad maqlaysaa.”


Bawlos oo la hor keenay Agribba

23 Maalintii ku xigtay ayaa Agribba iyo Bernikee waxey la yimaadeen dad badan oo waxey soo galeen qolkii lagu kulmayay. Iyagoo ey la socdaan ciidan iyo nimankii magaalada ugu waaweynaa. Feestos wuxuu amray in Bawlos la keeno.

24 Markaas ayaa Feestos yiri, “Boqor Agribba iyo kuwa halkan na la jooga, waa kan ninka dadka Yuhuudda ah ee ka socda Yeruusaalem iyo Kaysariya ey kasoo dacwoodeen, oo ey doonayeen inuu sii noolaanin.

25 Qalad lagu dilo ma arkin, laakiin wuxuu dhahay Kaysar ayaa i xukumaya, sidaa darteed waxaan go’aansaday inaan Rooma u diro.

26 Laakiin wax xaqiiq ah oo ninkan ku saabsan oo aan u qoro Kaysar ma hayo, sidaa darteed waan idin hor keenay, siiba adiga boqor Agribbow, waayo baaridda dacwadiisa markaan ka hadalno kadib inaan helo waxaan ka qoro.

27 Waayo caqli gal ma aha inaan Rooma u diro maxbuus eysan dacwadiisu xaqiiq ahayn.”

Kitaabka Quduuska Ah: Ereyga Illaahey™ Axdiga Cusub

Daabacaadan anaga ayaa leh © 2024 waxaa soo saaray Biblica, Inc.

Waxaa lagu isticmaalay ogolaasho.

Xaqeeda oo dhanna waa la xaafiday meel walba oo aduunka ka tirsan.

Somali Contemporary Bible™ New Testament

Copyright © 2024 by Biblica, Inc.

Used with permission. All rights reserved worldwide.

Biblica, Inc.
Následuj nás:



Reklamy