Efesos 3 - Ereyga Illaahey Axdiga CusubQorshihii la yaabka lahaa ee Illaahey oo la muujiyay 1 Sababtaas darteed aniga Bawlos ah kan uu dadkiinan aan Yuhuudda ahayn dartiin Ciise Masiix maxbuuska uga dhigay. 2 Xaqiiqdii waad maqasheen in Illaahey nimcadiisa uu iigu dhiibay shaqadan si aan idiin caawiyo. 3 Sidii aan horey idiin kugu soo qorayba Illaahey ayaa qorshihiisa la yaabka leh iigu muujiyay. 4 Markaad akhrisaan warqaddii aan soo qoray waad fahmi doontaan aqoonta aan u leeyahay sirta qarsoon ee ku saabsan Masiixa. 5 Illaahey horey uguma muujin dadkii hore laakiin hadda Ruuxiisa ayaa rasuuladiisa quduuska ah iyo nebiyadiisa loogu muujiyay. 6 Sirtaanna waa in injiilka rumeysadkiisa darteed ey dadka aan Yuhuudda ahayn iyo Yuhuuduba dhaxalka wada wadaagi doonaan, iney noqon doonaan xubno hal jir wada ah iyo iney wada wadaagi doonaan barakadii uu Illaahey ballan qaaday waayo labadooduba Ciise Masiix ayey ka tirsanyihiin. 7 Nimcada Illaahey iyo awooddiisa weyn ayaan ku helay fursada aan ugu adeego aniga oo faafinaya warkan wanaagsan. 8 Inkastoo aan ahay qofka ugu liita dadka Illaahey, laakiin Illaahey nimcadiisi ayuu iigu doortay inaan dadka aan Yuhuudda ahayn u sheego in Masiixa lagu helo barakooyin aan la xisaabi karin. 9 Waxaa la ii doortay inaan qof walba u cadeeyo qorshahan la yaabka leh ee uu Illaaha ah abuuraha wax walba uu sir ka dhigay illaa bilowgii aduunka. 10 Ujeedada Illaahey waxey ahayd inuu dadkiisa u isticmaalo inuu tuso amarka iyo madaxtinimada ka jira caalamka ruuxiga ah inuu leeyahay noocya badan oo kala duwan oo xigmad ah. 11 Kani wuxuu ahaa qorshihiisi daa’imka ahaa, kaasoo uu dhameystiray isaga oo adeegsanaya Sayidkeena Ciise Masiix. 12 Ciise dartiis iyo iimaanka aan ku qabno ayaan hadda anaga oo ey dhiiranaan nagu jirto soo hor istaagi karnaa Illaahey. 13 Haddaba waxaan idin ka codsanayaa in eydan ku qalbi jabin silaca aan halkan ku marayo. Idinka ayaan silaca idiin marayaa sidaa darteen waa inaad sharaf dareentaan. Bawlos oo u duceeyay dadkii Efesos 14 Markaan waxyaalahan oo dhan ka fikiro, waan sujuudaa waxaanna baryaa Aabaha, 15 Abuuraha wax walboo samada ku jira iyo wax walboo dhulka jooga. 16 Waxaan Illaahey weydiisanayaa inuu taajirnimada ammaantiisa qalbigiina ku xoogeeyo awoodda Ruuxa quduuska ah. 17 Kadibna iimaankiinu uu keeno in Masiixu qalbiyadiina joogo. Waxaan sidoo kale Illaahey weydiisanayaa inuu aasaas idiin noqdo jaceylka Illaahey uuna awood idin ka buuxiyo. 18 Si aad idinka iyo dadka Illaahey oo dhan u heshaan awoodda aad ku fahantaan sida uu jaceylka Masiixu u balaaranyahay una dheer yahay iyo sida uu kor ugu dheer yahay hoosna ugu qodanyahay. 19 Waxaan Illaahey weydiisanayaa inaad dareentaan jaceylka Masiixa, inkastoo ey aad u adagtahay in si dhameystiran loo fahmo. Kadib waxaa la idin ku dhameystiri doonaa nolosha dhameystiran iyo awoodda ka timaada xagga Illaahey. 20 Haddaba ammaan ha u sugnaato Illaahey kaasoo awoodda inuu awooddiisa weyn ee nagu dhex jirta ku sameeyo in ka badan intaan weydiisan karno ama ku fikiri karno. 21 Illaahey ammaan ha ugu sugnaato dadkiisa iyo Ciise Masiix isaga oo adeegsanaya quruumaha oo dhan weligeed iyo weligeen! Aamiin. |
Kitaabka Quduuska Ah: Ereyga Illaahey™ Axdiga Cusub
Daabacaadan anaga ayaa leh © 2024 waxaa soo saaray Biblica, Inc.
Waxaa lagu isticmaalay ogolaasho.
Xaqeeda oo dhanna waa la xaafiday meel walba oo aduunka ka tirsan.
Somali Contemporary Bible™ New Testament
Copyright © 2024 by Biblica, Inc.
Used with permission. All rights reserved worldwide.
Biblica, Inc.