Yuudas 1 - Ereyga Illaahey Axdiga Cusub1 Warqaddan waxey ka socotaa Yuudas oo ah adeegihii Ciise Masiix iyo Yacquub walaalkiis. Dhamaan kuwa la doortay oo Illaaha Aabaha ah jeclaaday oo Ciise Masiix ayaa amaantiisi ku dhawray. 2 Illaahey ha idin siiyo naxariis, nabad iyo jaceyl buuxa. Khatarta macalimiinta beenta ah 3 Saaxiibadeyda qaaliga ahaw, inkastoo aan aad u rabay inaan idiin soo qoro wax ku saabsan badbaadada aan wadaagno. Laakiin taas beddelkeeda, waa inaan wax kale qoraa aniga oo idin ka baryaya inaad difaacdaan rumeysadka Illaah mar kaliya siiyay dadka quduuska ah. 4 Waxaan sidaas u leeyahay, qaar cibaadalaawayaal ah ayaa kiniisadihiina galay oo waxey yiraahdeen, Illaahey nimcadiisu wey noo ogolaanaysaa inaan sineysano. Kuwa noocaas ah xukunkooda horey ayaa loo qoray, waayo, waxey diideen Sayidkeena iyo Rabbigeena Ciise Masiix. 5 Ha illoobina wixii ku dhacay dadkii Rabbigu kasoo badbaadiyay Masar. Qaarkood iimaan ma lahayn, oo markii dambe wuu baabi’iyay. 6 Waxaa kaloo aad ogtihiin Malaa’igtii aan shaqadoodi qaban ee meesha ka baxday oo ka tagay meelihii ku haboonaa. Illaahey wuxuu ku xiray silsilado weligood ah, oo hadda wuxuu ku hayaa godad gudcur ah illaa maalinta weyn ee xukunka. 7 Waa inaanan sidoo kale illoobin wixii ku dhacay magaalooyinka Sodom iyo Gomora iyo magaalooyinka u dhow. Dadkoodiina wey sineysteen, oo waxey sameeyeen dembiyo oo dhan. Markaas ayaa Illaahey tusaale uga dhigay oo ku ciqaabay naarta weligeed ah. 8 Isla sidaas ayaa xoogga riyooyinkooda dadkan aan cibaadada lahayn jirkooda u nijaaseeyaan, wey diidaan maamul oo malaa’igta ayey caayaan. 9 Xitaa Mikaa’iil oo ahaa malag sare, ma awoodin inuu ibliiska xukumo, markey labadoodu ku murmeen meydkii Muuse, kuma dhicin inuu ku cambaareeyo aflagaado laakiin wuxuu yiri, “Rabbigu wuu ku canaanan doonaa!” 10 Laakiin dadkan waxey caayaan awood eysan waxba ka garaneyn. Iyagu waa sida xayawaan wax matarayaal ah oo baaba’aya, maxaa yeelay, waxey ku nool yihiin dareenkooda. 11 Dhab ahaantii waxey ku jiraan dhibaato. Waxey raaceen wadadii Qaabiil oo waxey sameeyeen isla qaladkii Balcaam kaasoo daneeyay lacag kaliya. Oo weliba Illaahey ayey ku caasiyoobeen, sidii Korah yeelay oo kale. Arintaas darteed, waa la baabi’in doonaa. 12 Dadkani waa nijaaso, oo ficiladooda xishoodka iyo daneysiga ah waxey kharribaan cuntada aad wada cuntaan. Iyagu waa sida daruur dabayshu kaxayso, laakiinse aan roob keenin. Waxey la mid yihiin geedo aan caleen lahayn, oo la rujiyay oo dhintay, oo aan awoodin iney mirro soo saaraan. 13 Camalkoodii ceebta lahaa waa sida hirarka badda. Waxey la mid yihiin xiddigo weligood warwareegaya oo ku dhacay godad gudcur leh. 14 Enoog wuxuu ahaa qofkii toddobaad Aadan kadib, wuxuuna dadkan wax ka sii sheegay markii uu yiri. “Bal eega! Rabbigu wuxuu la imaanayaa kumanaan iyo kumanaan malaa’igo quduus ah. 15 Si uu qof walba u xukumo. Isagu wuu ciqaabi doonaa kuwa sharka leh oo dhan, iyo xumaantii ey sameeyeen oo dhan. Oo kuwa sharka lehna wuu ku xukumi doonaa hadalladii caayda ahaa ee dembiilayaashu ey isaga kaga hadleen.” 16 Dadkan waa kuwa gunuunac badan oo cabanaya, oo kaliya u nool iney qanciyaan damacyadooda sharta leh. Aad ayey isugu faanaan, oo waxey faaniyaan kuwa kale si ey u helaan waxey rabaan. Digniino badan 17 Saaxiibadeyda qaaliga ahaw, xasuusta wixii rasuullada Rabbigeena Ciise Masiix noo sii sheegeen. 18 Waxey idiin ku dheheen “Waqtiyada ugu dambeeya waxaa imaan doona jeejeesayaal kuwaasoo raaci doona damacyadooda aan cibaadada lahayn.” 19 Dadkan waa kuwa kala qeybsanaan idin ka dhex abuuray. Waxey raacaan dareenkooda dabiiciga ah maxaa yeelay, Ruuxa Illaahey kuma jiro iyaga. 20 Saaxiibadeyda qaaliga ahaw, ku dhisa aasaaska iimaankiina quduuska ah, si Ruuxa Quduuska ah idiin ku caawiyo ducadiina. 21 Oo suga naxariista Rabbigeena Ciise Masiix, kan idin siin doona nolosha weligeed ah. Oo sidaas oo kale, waxaad naftiina ku ilaalin doontaan jaceylka Illaahey. 22 U naxariista kuwa shakiga qaba. 23 Badbaadiya mid kastoo u baahan in la badbaadiyo, sidii aad qof uga badbaadin lahaydeen dab. Naxariis lahaada laakiin si taxadar leh u sameeya, idinkoo nacaya dharkooda ku wasakhoobay jirkooda kharibmay. Ducada ammaanta 24 Illaaha badbaadiyaheena ah ugu mahadceliya Rabbigeena Ciise Masiix dartiis. Illaah kaliya ayaa idin ka ilaalin kara in eydan kufin, oo wuxuu idin ka dhigi karaa kuwo daahir ah oo ku faraxsan hor joogiisa ammaanta leh. 25 Waqti hore, hadda iyo weligiiba, Illaaha ah badbaadiyaheena, Rabbigeena Ciise Masiix dartiis wuxuu mudan yahay ammaan, sharaf, xoog iyo amar. Aamiin. |
Kitaabka Quduuska Ah: Ereyga Illaahey™ Axdiga Cusub
Daabacaadan anaga ayaa leh © 2024 waxaa soo saaray Biblica, Inc.
Waxaa lagu isticmaalay ogolaasho.
Xaqeeda oo dhanna waa la xaafiday meel walba oo aduunka ka tirsan.
Somali Contemporary Bible™ New Testament
Copyright © 2024 by Biblica, Inc.
Used with permission. All rights reserved worldwide.
Biblica, Inc.