Aanlyn Bybel

- Advertensies -

Kolosay 1 - Ereyga Illaahey Axdiga Cusub

1 Warqaddan waxey ka socotaa Bawlos, kaasoo doonista Illaahey loogu doortay inuu noqdo rasuulka Ciise Masiix, iyo walaalkeen Timoteyos.

2 Waxaan warqaddan u qorayaa dadka Illaahey ee jooga magaalada Kolosay, walaalaha aaminka ah ee xagga Masiixa. Nimco iyo nabad ka timid Illaaha Aabaha ah ha idin la jirto.


Mahadcelin iyo duco

3 Mar walba waan idiin duceynaa, oo waxaan u mahadcelinaa Illaahey, Aabaha Rabbigeena Ciise Masiix.

4 Waayo waxaan maqalnay wax ku saabsan iimaanka aad ku leedihiin Ciise Masiix iyo jaceylka aad u qabtaan dadka Illaahey oo dhan.

5 Kaasoo ka yimid rajada aad ku qabtaan wuxuu Illaahey jannada meel idin kaga dhigay. Rajadan waad lahaydeen illaa markii ugu horeysay ee aad maqasheen runta ku saabsan warka wanaagsan.

6 Isla warkan idiin yimid ayaa ku faafaya aduunka oo dhan. Meel walbana mirro ayuu ka dhaliyaa oo noloshana beddela. Sida uu noloshiina u beddelay laga bilaabo maalintii ugu horeysay ee aad maqasheen oona fahanteen runta ku saabsan nimcada Illaahey ee la yaabka leh.

7 Waxaadna ka barateen Ebafras, gacaliyeheenna kaasoo aan isla shaqeyno oona adeege aamin u ah Masiixa, idinka beddelkiina ayuu nagu caawinayaa.

8 Wuxuuna noo sheegay inaad jeceshihiin dadka Illaahey sida uu Ruuxa Quduuska ah idin ku hogaamiyo.

9 Sidaa darteed illaa maalintii ugu horeysay oo aan wax idin ku saabsan maqalnay maanan joojinin inaan idiin duceyno. Waxaan Illaahey ka barinaa inuu idin siiyo aqoon dhameystiran oo ka timaada doonistiisa iyo xigmadda ruuxiga ah iyo wax fahan.

10 Si aad ugu noolaataan nolol u qalanta Rabbiga oona si kastaba uga farxisa. Noloshiinana wax fiican ayaa kasoo bixi doona, waxaadna ku kori doontaan aqoonta Illaahey.

11 Waxaanna ka baryeynaa inuu Illaahey idin ku xooggeysiiyo xoogiisa ammaanta leh si aad u lahaataan dulqaad iyo sabar ey farxad la jirto.

12 Mar walbana idinka oo u mahadcelinaya Aabaha, waayo wuxuu na siiyay awood aan kula wadaagno dadkiisa quduuska ah ee ku jira boqortooyada iftiinka.

13 Waayo wuxuu naga badbaadiyay boqortooyada mugdiga ah oo uu na keenay boqortooyada Wiilkiisa ee uu jecel yahay,

14 isaga ayaan madax furasho iyo cafiska dembiga ku helnay.


Sareynta Wiilka Illaahey

15 Wiilku waa muuqaalka Illaahey ee aan la arkeynin, curadkii abuurka oo dhan.

16 Wax walbana isaga ayaa abuuray. Waxa samada iyo dhulka ku jira, wax la arko iyo kuwa aan la arkeyninba, carshiyada ama taliyayaal ama awoodda, wax walba isaga ayaa abuuray oo isaga ayaana loo sameeyay.

17 Isagu wax walba ayuu ka horeeyay, isaga ayaana wax walba isku haya.

18 Masiixu waa madaxa kaniisadda, taas oo ah jirkiisa. Isagu waa bilowgii iyo curadka kuwii dhintay, sida uu wax walba uga sareeyo.

19 Waayo Illaahey waxaa ka farxiyay iney kaamilnaantiisa oo dhan ey isaga ku jirto.

20 Isaga dartiis Illaahey wuxuu la heshiiyay waxyaalaha oo dhan. Waxa aduunka ku jira iyo waxa samada ku jiraba wuxuu iskula nabadeeyay dhiigiisi iskutallaabta lagu daadiyay.

21 Mar hore idinku waxaad Illaahey ku ahaydeen kuwa shisheeya ah iyo cadow waayo waxaa idin kala fogeeyay fikirkiina sharta leh iyo dabeecadiina.

22 Laakiin wuxuu idinkula heshiisiiyay jirka Masiixa oo maray dhimasho si uu idinka oo quduus ah isu hor keeno, idinka oo aan eed lahayn oo la idin ka xoreeyay eed.

23 Haddii aad ku sii socotaan rumeysadkiina, aasaas adag. Ha ka tagina rajada aad ka hesheen markaad warka wanaagsan maqasheen. Kanna waa warka wanaagsan ee lagu wacdiyay noole kasta ee samada hoos jooga, kaasoo aniga Bawlos ah aan u noqday adeege.


Shaqada uu Bawlos u hayo kaniisadda

24 Haddaba waan ku faraxsanahay silaca aan dartiin u marayo, waxaan ka qeyb qaadanayaa silaca uu Masiixu u maray jirkiisi oo ah kaniisadda.

25 Illaahey wuxuu i siiyay wax igu waajib ah taas oo ah inaan u adeego kaniisadiisi aniga oo ku wacdinaya fariintiisi oo dhameystiran.

26 Fariintan waxaa la qariyay sanado badan iyo jiil ka jiil oo la soo dhaafay, laakiin hadda waxaa loo muujiyay dadka Illaahey.

27 Waayo Illaahey wuxuu rabay iney ogaadaan in taajirnimada iyo ammaanta Masiixa iney xitaa helayaan dadka aan Yuhuudda ahayn. Sirtuna waa in Masiixu idin ku dhex nool yahay. Tani waxey idin siineysaa rajada aad ku wadaagtaan ammaantiisa.

28 Waa midka aan wacdino, kan aan ku waanino oo aan dadka oo dhan ku barno xigmadda uu Illaahey na siiyay. Si aan qof walba Illaahey u hor keeno isaga oo ku koray Masiixa.

29 Sidaa darteed ayaan aad ugu dadaalaa aniga oo ku kalsoon awoodda weyn ee Masiixa taas oo iga dhex shaqeyneyso.

Kitaabka Quduuska Ah: Ereyga Illaahey™ Axdiga Cusub

Daabacaadan anaga ayaa leh © 2024 waxaa soo saaray Biblica, Inc.

Waxaa lagu isticmaalay ogolaasho.

Xaqeeda oo dhanna waa la xaafiday meel walba oo aduunka ka tirsan.

Somali Contemporary Bible™ New Testament

Copyright © 2024 by Biblica, Inc.

Used with permission. All rights reserved worldwide.

Biblica, Inc.
Volg ons:



Advertensies